Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cidhibtaa I xanuunaysa?

(1/1)

Barkhat:
Diktoore Marka Hore Waan Ku Salaamayaa Bacda Salaan Waxaan Ka Cabanayaa Cidhibta Ama Cagta Xageeda Dambe Ayaa Subaxdii Aad Ii Xanuunta Markaa Diktoore Iisoo Jawaab. Thanks

Hashi1:
Xanuunka halka dhinac ah ee subaxiina aad usoo kaca waxay u dhadhamaysaa sida cudurka Gout ka inkastoo faahfaahin badan badan ay tahay in lagaa ogaado.

haddii calaamadahaagu yihiin cirib xanuun xilliga subixii ah oo kugu keena inaadan socon karin ama aad dhutisid, maalmo markuu ku hayo kaa qabooba hadana muddo kadib kugu soo kacay mar iyo labo jeer oo horena aad isku aragtay, markaas cudurkaasu Gout baa layiraahdaa . Haddii aan ladaawaynna keeni kara inuu isku baddelo infection ka lafaha ku dhaca ee loo yaqaan Osteoarthritis ka .

waxaan kugula talin lahaa inaaad dhakhtarkaaga aragto oo aad faah faahin dheeraad ah siiso markaas daawadii iyo manage garayn kugu haboon uu kuu mariyo.

Barkhat:
waad mahadsan tihiin dr.

walal waa sidaa aad sheegtayoo marna wuu tagaa oo wuu qaboobaa mararka qaarkoodna khaasatan subaxdii waan ka socon waayaa weliba daqiiqadaha hore ee aan kaco ee suuliga aan u socdo.

waxaana had iyo goor ku nefisaa oo ay cirbuhu iigu qaboobaan markaan daliigo ama duugduugo, waxaana jecelahay in aan meel adag ciribta ku cadaadiyo sida dhagax dhulka yaala oo kale.

laakiin wll miyaa lays qaadsiin karaa. aniga iyo xaaskayguba sidaas baanu u dareenaa cidhbo xanuunkaas waana sanad iyo dheeraad.

thanks

SomaliDoc:
Waxaan u malaynayaa in aad cilladaan ka cabanayso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3429.0.html

Sida uu Hashi tilmaamayne, cudurka Gout-ka wuu dhici karaa, inkastoo xanuunka gout-ka u badan yahay dhinaca suulka iyo gadaashiisa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version