Author Topic: Calaamadaha u gaarka ah oo lagu garto hoolgabnimada dhanka dhalmada  (Read 42667 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mutaweli

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Calaamadaha u gaarka ah oo lagu garto hoolgabnimada dhanka dhalmada, (symptoms and signs of menopause)
Calaamadaha istaagida dhiiga dhalmada ma ahan mid ay ku adkaan karto qofta dumarka ah in aysan la kulmin xaaladaan hoolgabnimada dhanka dhalmada, dumar kasto oo ku nool aduunkan way soo maraysaa mar qura nolasheeda in ay isku aragto marxaladaan markii ay gaarto waqtigeada, dumarka qaar ayaa soo mara marxaladaan ayagoo aan dareemin wax xanuun ah ama mashaakilaad dhanka istaagida caadada.
Dumarka qaar ayaa waxay la kulmaan xanuuno inta ay kujiraan marxaladaan kala guurka hormoonada, oo ay ka wareegayso marxalada dhalmada una wareegeyso marxalada hoolgabnimada, xanuunada ay la kulaanto dumarka qaar ayaa u bilaabmo xiligeedi ayadoo aan la gaarin si hordhac ah ayuu ugu bilaabmayaa ayadoo aan la gaarin waqtigeedi waxaan loo yaqaanaa Premenopuase.

Xanuunada ay kala kulaanto qofta dumarka ah waxay la xariiraan dhanka hormoonada oo sii yaraanayo soo saaridoodi hormoonadaas oo  kala ah Estrogen iyo Progesterone, way kala gedisan yahiin sida ay ugu kala shaqeeyaan jirka qofta dumarka ah Estrogenka ayaa ah mida aad iyo aad ugu shaaqo badan jirta dumarka ah.

Estrogen waa hormoon xukumo wareega caadada qofta dumarka ah iyo waxaa kalo uu ka falgalaa nidaamka xubiinta wax soo saarka dhanka dhalmada, kaadi mareenka, wadnaha iyo xididaha dhiiga maro, lafaha, naasaha, maqaarka, timaaha, murqaha qaaska iyo maskaxda. Hormoonka aan soo shegnay ee Estrogenka intaas oo xubin ayuu xukumaa nidaamka ay ku shaqeeyaan, dumarka la soo darista hoolgabnimada dhanka dhalmada laga yaaba in aay isku aragto xanuuno kala  gedisan ku yimaado xibnahaas uu ka falgalo hormoonka Estrogeenka. Calaamadaha uu la imaankaro waa sida soo socooto oo hees ku qoraan.

1. isbedeel ku yimaado wareega dhiiga caadada changes in menstrual cycle)
Isbedeelka wareega caadada dhiiga qofta dumarka ah,waxaa ayeey isku arkaysa in uu san u imaanin sida ay caadada u imaanjirtay ee joogtada aheed,mar waxaay isku arkaysa dhiiga caadada ah sii culuus ama dhiig badaan ayeey isku arkaysa ama dhiig aan saas uu baadneen oo fuduud oo ka yar kii aay horeey uu arki jirtay waqtigeedi hore maraarka qaar waxaay aragta dhiigaas oo ku jirto xinjiir, imaanshaha xiliiga wareega caadada dhiiga oo waqti yar qaado mudada uu socoonaayo ama waqtiga uu socoonaayo oo uu dheraado labada astaanba waa uu leyahay ee daadku way kala duwanaan karaan xiliga uu socoonaayo.
Hadi qofta dumarka ah ay iska wayso wareega dhiiga caadada, waa in aay sameeysa test ama tijaabo dhanka uurka ah,si ay uu ogaato in ay  wax uur ah leedahay ama qaaday caruur dhanka uurka ah, hadi qofta dumarka ah ay is tijaabiso uu ay iska waaydo wax astaan uur ah, ama aysan qaadiin uurka, iska waayiida wareega dhiiga caadada  hadi aay ka soo wareegto in muudo 12 bilood oo xariir ah,waxaay tuseeysa in uu yimiid  waqtigii hoolgabnimada dhanka dhalmada,taas oo macnaheedu yahay in qofta dumarka ah aysan dhalaaynin xiligaas waxii ka dambeeyo oo hadana aysan isku arkaaynin wareega dhiiga caadada.
Hadi dumarku isku arkaan wax dhiig ah 12 bilood kadib, waxaa laga yaaba in aay khatar ku hoos jiirto ama haliis caafimaad laga yaaba in aay noqooto buuroyinka cancerka dhalaya ayaa dhiig noocaas ah maraarka qaar horsed uu nooqdo, waa in aay la xariirta dhaqtarkeeda khaaska ah sii loo baaro xaaladan cusuub.

2. calaamadaha hoolgabnimada dhalmada waxaa kalo ka miid ah kuleel la dareemo habeenki (hot flash)
Dumar badan ayaa waxaay dareeman kuleel badan oo ay ka cawdaan, waa biloowga marxalaada kala guurka ee dhiiga caadada ama dhalamada calaamadahaan ayaa isku arki karta kuleel ay dareemeeyso qofta dumarka ah qeybteeda sare ee jirkeeda ama koorkeeda oo dhan ayaay ka dareemi karta kuleel.
Kuleelka ka bacdi waxaa kalo isku arki karta wajigeedi oo dhan iyo qoorteeda ama luuquunta in uu midibkiiso isu bedelo casaan ama gaduudnaansho, iyo waxaay daremi dhidiid ka soo yaaco jirkeedi oo dhan kaas uu leh dhidiid xoog ah ama tiiro badan iyo miid iska khafiif ah dhidiidkaas ayaa waxaa ayuu ka soo toosiya dumaarka hordada ay ku jiraan habeenki ayaago daremaayo in aay si xowli ah ay u dhidideeyso, sida la yaqaano dhidiiidkaan waxaa ayuu socoonaya inta uu dhaxeyso 30 secon ama ilbiriiqsi ila iyo 10 daqiiqadood, badana dumarku kuleelkan waxaa ay isku arkayaan in muudo u dhaxeyso 1 sano ama 2 sano waqtiga ka dib qaar waxaay isku arkayaan in muudo dheer oo marba marki ka dambeeyso waa uu sii yaranayaa xawligiisa.
Badana dumarka way isku arkan kuleelkan iyo dhidiidka  qaar waxaay waydistaan in laga caawiyo oo laga daweeyo dhidiidkan  jirkeeda ka yimaado hadi ay u arkaan in uu yahay miid dhiib ugu keenaayo noolasheeda maalinlaha ah,dumarku waxaay heeli karaan in laga caawiyo dhidiidkan tirade badan oo ay ku qabaan dhib sii looga caawiyo dhibaatadan dhidiidka ah, dumarka qaar waxaay doortaan in ay qaataan daawooyin ay ka helaan dhaqtarkooda, sii uu ugu yareeyo dhidiidkaas farah badan.

3. calaamadah hoolgabnimada dhanka dhalmada waxaa ka miid ah in ay isku aragto qofta dumarka ah xibiinta taranka oo qaleel noqda iyo xanuun ay dareento waqtiga galmada (Vaginal dryness and pain with intercourse)
Dumarka waxaay isku arki karaan calaamadah oo ka miid ah qaleel dhanka xibiinta taranka, taasna waxaa sabaaba hoos uu dhac ku yimaado dhanka hormoonada productionkooda loo yaqaano (sex hormones) oo ah hormoon aad iyo aad muheem uu ah dhanka shaqada dumarnimada oo ah Estrogen and Progesterone,waxaa ayuu sabaaba in uu ka ilaaliyo qalelka xibiinta taranka dumarka,waxaa ayuu ku sabaaba in mesha ay noqooto waxaan ka wada dhanka xibiinta taranka derbiyada dhinacyada ah xibiinta taranka oo noqooto meel xooga qoyaan dabiici ah leh.
Badana dumarka way la kulmaan xaaladan qaleelka xibiinta taranka da,aa kasto aay ku jiraan waynin ama yaran, lakiin ariinkaan waxaa calaamad qaas uu ah dhibaatooyinka dumarka hoolgabnimada la soo dariistay, calaamadaha kale la isku arko waxaa ka miid ah cuuncun ama (itching) agagaarka afka hore ee xibiinta taranka dumarka, cuuncuunkaan wana xanuun badan yahay waxaa kalo uu yeelanaya miidab casaan ah ama gaduudan sidi meel guubatay oo kale  oo buuug ah,waqtiiga galmadana waxaay dareenta xanuun iyo waxaa kalo isku araagta dhiig yar oo qafiif ah  galmada ka dib ama inta ay ku jirto hoowshaas, iyo in ay dareeento kaadi joogto ah oo ay dareento oo mar waliiba ay is dhahdo kaadi aya ku hayso.
Qofta dumarka ah hadi ay doonto in aay  iska caawisiid qalelkaas xibiinta taranka ah iyo xanuunkiisa fadlan la xariir dhaqtarkaaga sidi uu kaaga caawiin laha ariinkaas, waxaa kalo aad isticmaali karta galmada ka hor water based lubricant waxaa cream yar looga talo galay in lagu qooyo  xibiinta taranka dumarka galmada ka hor ama waxaa kalo aad isticmaali karta (vaginal moisturizer) ayaag waa shey yar oo xooga qooyaan uu keeni karo xibiinta taranka dumarka, loogu  talo galay xiliiga  galmada kana yareeyo damqashada xanuunka badan. Hadi ay ku caawiin waydo fadlan la xariir dhaqtarkaaga khaaska ah ama  nurse.

4.calaamadaha waxaa kalo ka miid ah huurdo la,aan haweenki (insomania or problems sleeping)
Sida caadada ah oo la yaqaano qofka binuaadamku waxaa ayuu hurdi kara ama heela hordo in ku fiilaan ila 7 sacadood ila iyo 8 saac oo xariir ah, marka dumaarka ku jiro xaaladan hoolgabnimada waxaa ayeey isku arkaan huurdo yari ama aysan seexan haweenki badana ama ay ku adkaato huurdada in ku fiilaan in ay heelan.
Ariinka huurdo yariida waxaa ayaa sabaab uu ah hormoonka jirka dumarka ku jiro oo isbedeelaayo, hadi ay isku aragto ariinka hurdo yariida waxaa uu fiicaan in aay heesho nasasho fiicaan oo ku fiilaan dhankaasto, wayna haboontahay in ay sameeyso jimiicsi si aay uu dareento xooga daal ah maaliinki haweenkiina daal dartiisa ay la dhacdo hurdo.
Hadi dumarka aay hayso hurdo la aanta waa in aysan ku mashquuliin computerka ama mobilka oo uu sabaabi karo in hurdaada ka wareerto, isku day in aad xooga wax aqrisatiid adiga oo ku jira sariirta ama aad uu dhagaysatiid adiga oo nasanaayo sariirta dusheeda.

5. calaamadaha waxaa ka miid ah kaadi badan amr walbo aad dareento(frequent urination or urinary incontinence)
Calaamadaha kaadi badniida waa arin iska dabiici uu ah dumarka waqtigaas ku jiro in ay la kulmaan xaaladan aysan xakameeyn kariin kaadi heesta ama (blader) ka dumarka waxaay dareemaan in ay kaadiyaan xita hadii aysan buuxin kaadi heesta, maraarka qaar xiliga ay ku guuda jiraan kaadida waxaay dareemaan xanuun,waxaana sabaaba xiliga hoolgabnimada in uu dibco murqaha xibiinta taranka dumarka iyo xidiidka kaadi mareenka oo murqaha xooga jilco ama qafiif noqdo, iyo waxaa sabaabi karo murqaha qaska oo ayaagana dhibco dhibatooyinkaan oo dhan waxaay la socdaan  hormoonadan jirka oo isbedeelay iyo holgabnimada sanaadka oo isu bedeelo in uu gaboow soo gaalo murqaha jirka sidiisi hore ma ahaanaayo jileec aya galaayo.
Hadi qofta dumarka ah ay dooneyso in ay ka hortagto ama ay iska caawiiso kaadidaan tirade badan isdaba socooto fadlaan xakameey caabitaanada cabtiid, samay jimicsi aad ku adkeynaysid murqaha qaska,hadi uu si socdo ariinka kaadi badniida iyo xanuunka xiliiga kaadida fadlan la xariir dhaqtarkaaga waydi sida lagu xakameyn karo xanuunkaan iyo kaadi badnida.

6. waxaa kalo ka miid ah calaamadaha in kadi mareenka oo infection gaalo,(urinary tract infection)
Dumarka qaar ayaa waxaay la kulmaan dhibaatooyinka dhanka kaadi mareenka uu infection ka galo oo xariir la leh waqtiga ay ku jirto oo ah xiligi hoolgabnimada dhanka dhaalmada,xanuunka kaadi mareenka waxaa sabaaba u ah hormoonka loo yaqaano Estrogen ayaa isbedeel ku keeno habsami u socoodka kaadi mareenka una sabaabo in uu noqdo miid halis uu ah in uu qaado infection, qofta hadi ay dareento dhibaato dhanka kaadida ama ay la kulaanto xanuun xiliga kaadida waxaa wanaagsan in aad la xariirto dhaqtarkaaga, waxaa lagu marsiin doona baariis, waxaa kalo lagu waydeen doona in aad kento kaadidaadi sii loo baaro xanuunkasi, hadi lagu arko xanuun in uu jiro lagu qoro daawooyin.

7.calaamadah waxaa ka miid ah daciifnimo dhanka rabitaanka isu galmuudka (decreased libido)
Dumarka ku jiro xaaladahan hoolgabnimada waay ku aad kaaneeysa  in ay dareento wax rabitaan ah dhanka gaalmada,wayna ku adkaaneeysa kacsiga, waxaana sabaab u ah (physiological changes) habka uu u shaqeeyo jirka ama xibnaha dumarka isbedel ku yimaado sida jirka qofta dumarka  ah uu u shaqeeyo taas oo ka mid ah hoos uu dhac ku yimaado hormoonka Estrogen ka soo saaristiisa,waxaa ayuuna sabaab uu noqda in uu hoos u dhac ku yimaado dareenka kacsiga ama sidiisaba la waayo kacsiga iyo xibiinta taranka dumarka oo isku dheex dhaco oo uu noqdo miid isku yimaado oo muurqahi  darbiga xibiinta taranka  oo adkaanshihi waayo murqaahi aya daciifaayo dhismihi xibiinta taranka ayaa isu bedelayo miid isku dhex dhaco, hadi ay uu bahantahay qofta dumarka ah in sii wadaato noolash galmoodka waxaa jiro dawooyin badan kaa caawiinkaro in aad ku soo koobcisiid kacsigaga iyo rabitaanka gaalmoodka  fadlan la xariir dhaqtarkaaga ama waaydii farmashiya aqoontas leh sii uu kaga caawiyo heelida dawooyinkaas.

8. calaamadaha waxaa ka miid ah xibiinta taranka dumarka oo isku yimaado ama yarado (vaginal atrophy)
Dumarka ku jiro marxalada hoolgabnimada waxaay isku arki karaan in uu isku yimaado oo uu isku dhexdhaco adkaanti murqaha uu laha uu wayo doloolka xubiinta taranka ayaa waxaa sabaaba uu ah yaranshaha hormoonka Estrogenka soo saaristiisa  oo u aheed miid hoowlo badan ka caawiinjirtay dhanka ariimaha haweenka uu qaaska u ah, sida xibiinta taranka murqahiisa oo adka marki hoos uu dhac ku yimiidna murqahaasi way laciifaan oo adkaanti ayeey waayaan,intaas waxaa uu sii dheer in meesha aay noqooto meel sida boogta oo kale  oo xanuun kento, xiliga lagu guuda jiro galmadana ay uu horseedo xanuun daran kaas uu keento in aay iska yareeyso rabitaankeeda dhanka galmada xanuun dartisa, taasi hadi ay isku aragto dumarka waxaay heeli karaan wax ay isku caawiso farmashiyaha aya laga heela cream estrogen ah iyo lubricants waa nooc cream oo kale ah looge tolo galay in lagu qooyo xabiinta taranka iyo faraantiga  xabiinta taranka,waa miid lagu guuleesan karo daweyntiisa xaaladan.

9. calaamadah hoolgabnimada waxaa ka miid ah iskubuuq iyo niyaad jab(depression and mood swings)
Isbedelka hormoonka dumarka waxaa ayuu u sabaaba in ay wayso degenaansho laan dhanka maskaxda oo ay noqooto qof isku buuqsan ama isku dhexyaacdo dhanka maskaxda,dumarka xiligi ay ku jirto marxaladaan hoolgabnimada,waxaan la ogaaday dumar badan in ay isku arkaan caaro badan, isku buuq iyo niyaad jab  kaas oo maraarka qaar si xad dhaaf ah loo dareemo sida lagu arko waxaa ka miid ah xanaaqa in uu la yimaado xanaaq xad dhaaf ah iyo waqti yar kadib ama muudo gaaban oo hadana isbedelo qofki noqdo miid aan xanaaqsaneen, waa calaamadaha isbedeelka hormaanka haweenka oo ku xiiraan hormoonka la falgalo dhanka shaqada maskaxda, waa arin xooga isbedelkaas hormoonka dumar wax ka bedeela shaqada maskaxda waa arin aan caadi aheen ee uu yahay miid sabaaba xaalada degenaan la,aanta.

10. waxaa kalo calaamad uu ah maqaarka jirka, timaaha iyo xibnaha jirka oo isbedeelo(skin, Hair, and other tissue changes)
Sida la wada ogsoon yahay dhanka da,aada,qofka dumarka ahi waxaa laga yaaba in aay isku aragto wax ka miid ah calaamadahan soo socdo, dumarka laga yaba in aay dareento isbedel  habdhismeedka dhanka jirka ah, sida maqaarkana koore ee jirka qurxiiyo oo isbedeel ku yimaado xaga duqnimada ah iyo timaha oo googoa oo sika huubto sii tartiib tartiib ah,waxaa la waynaya maqarka cayiilaan oo sare quruuxda uu keeno jirka, collagen and fatty tissue waxaayna horsed u noqoonayaan in ay ka dhigaan jirka qaleel iyo qafiif ama daciif.
Waxaa kalo jirka uu waynayaa nidaamki spoonyada ahaa ee dhanka xibiinta taranka iyo xidiidka kaadi mareenka oo noqdo miid jiilco oo adkaanti waayo,ariimahaan oo dhan waxaa keeno hoos uu dhaca soo saariista hormoonka dumarka ee loo yaqaano Estrogen,waxaa kalo uu caawiya hormoonka dumarka timaaha sii ay uu adkaadan jiritaankooda ay wanagsanaato, marka hoos uu dhaca  hormoonkaan waxaa ayuu sabaaba timaaha oo daatu oo baaba,aan iyo tihaama oo noqdo miid ka muuqato qaleel iyo jajaab, marka waxaa haboon in layska ilaaliyo  in la isticmaalo daawooyiin aanan ku habooneen isticmaalkooda oo qaar aay ka sameeysan yahiin chemical xuun oo dhibaato ugu keeni karo korka oo dhan oo daweeyntiisana aay noqooto miid ku adkaato ama aan la heeli kariin wax ku haboon oo laga qaban karo dhibkaas fadlaan mar waliiba la xariir dhaqtarkaaga inta adan qaadiin tilaabooyin ku sabsaan wax kula soo derso.

http://somalidoc.com




 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106928
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64466
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29277
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53610
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34519
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca