Author Topic: Blood Groups  (Read 7880 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Blood Groups
« on: July 16, 2014, 09:38:18 AM »
Asc Walal Marka hore waan idin salaamayaa, waxaana idinku salaamayaa salaanta islaamka Asc wr br,
walal bacda salaan waxaan doonayaa in aan dictoorada waydiisto su'aal aad iyo aad aan ugu baahanahay,

walal waxaan guursaday xaas blood group-keedu yahay O-ve aniguna waxaan ahay O+ve
waxa noo dhashay ilmo isaguna O+ve Lkn amar illaahay ayaa helayoo markuu shan cisho jiray ayuu iska siqiiray,

waxana sabab u ahayd baan u malaynayaa foosha oo mudo qaadatay qiyaastii laba habeen iyo maalin, aakhirkiina forcep halagaga soo saaro ayay diktooradii isku raaceen, lkn markii hawsha loo diyaar garoobay ayuu si caadi ah u dhashay isagoo madaxu buusbuusanyahay oo aan neefsankarin markii ilaa shan cisho oxygen iyo dawooyin lagula tacaalayay xanuunkiisa ayuu markii dambe iska siqiiray.

mudo ka bacdi xaaskii uur bay qaaday alxamdulilaahi, waana ilaa todoba bilood laakiin maalin hore ayay diktoor u tagtay ultrasound ayuu saaray, dhiigagna wuu ka qaaday, wuxuuse kusoo yidhi blood group-kaagu waa O-ve dalkana wuu ku yaryahaye cirbad ayaad u baahan tahay.

Hadaba diktoor waxaan ku waydiinayaa oo aan si xushmad leh kaaga codsanayaa inaad fikrad iga siisid cirbadaasi waxa ay tahay?.
Haddaan ku noqon lahaa diktoorkiina duruufta ayaa ii saamixi wayday in aan isagii la kulmo laakiin markaan diktoor kale waydiyay wuxuu igu yidhi cirbadu waxay la xidhiidhaa labadiinan dhiig ee kala duwane orod cirbada raadi oo gabadha ha lagu mudo ama ha lagu duro.

Hadaba dirtoor walal cirbadaa fikir iga sii oo i fahamsii fadlan, habeenadan ma seexan oo welwel bay arrintaasi igu abuurtaye, walal i caawi alle hayna caawiyee.

Ramadaan Kariim

Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Blood Groups
« Reply #1 on: September 04, 2014, 11:21:21 AM »
Hooyadu maadaama dhiiggeedu uu negative yahay oo macnaheedu tahay, dhiigga ma lahan antigen, cunugeedane uu positive yahay oo macnaheeda antigen leeyahay maadaama aabaha uu isagane positive yahay, waxaa dhici karta, marka ay foolanayso in dhiiga cunuga iyo dhiigga hooyada is gaaraan, taasna waxay keenaysaa in dhiigga hooyada uu weeraro dhiigga cunugga maadaama uu leeyahay antigen hooyada jirkeeda uu san aqoonin, taas waxay keenaysaa in unugyada dhiiigga cunuga inay burburaan, oo cunugga dhiig la'aan iyo in wadnaha uu istaago ay u keeni karto.

Badanaa hooyooyinka cunuga ugu horeeyo wuu u badbaadaa maadaama weli dhiiggooda uusan is gaarin, markii uu dhasho, uurka ku xigo halis ayuu galayaa haddii aysan hooyada qaadanin cirbadaas takhtarka kuu sheegay.

Cirbada waxay hakinaysaa ama joojineysaa, wixii jirka hooyada galay oo weerari lahaa dhiigga cunugga.

Waxaan filayaa in aad fikrad ka qaadatay jawaabta haba iska yaraatee.

Midda kale oo muhiimka ah waa in hooyada dhiigeedu O-ve uu yahay in lagala dadaalo in aysan dhiig yari ku dhicin, sababtane waa in haddii iyadoo dhiigeeda yaryahay foolato, oo dhiig u baahato in lagu shubo, in la helo dhiigga noocaas aad ayuu u yaryahay oo lama heli karo, khaasatan haday ku nooshahay wadan aanan lahayn blood bank.
Caafimaad ayaan ubadkiina u rajaynayaa
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Good marriage = Good blood pressure

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 16946
Last post March 21, 2008, 09:55:34 AM
by Yaxya
Causes of Secondary hypertension (secondary high blood pressure)

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 21321
Last post February 02, 2012, 08:25:25 PM
by Ahmed_07
The Aging Brain Helped By Injection Of Human Umbilical Cord Blood cells

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19476
Last post June 01, 2008, 09:00:33 PM
by Yaxya
Doctors acquitted in Canada tainted blood trial

Started by DiagnosticBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 8029
Last post October 03, 2007, 11:57:12 PM
by Abdullahi!
A game that teach u blood typing!!good luck

Started by YaxyaBoard Clinical Rotations

Replies: 2
Views: 10684
Last post March 28, 2008, 04:53:11 PM
by Yaxya