Author Topic: Waa maxay Qoor-Gooye (Meningitis)?  (Read 63771 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Cabdicasiis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Waa maxay Qoor-Gooye (Meningitis)?
« on: September 29, 2014, 10:38:47 AM »
asc dhakhaatiirta sharafta leh waad salaamantihiin waanan idiinka mahad ceilnayaa sida wanaagsan eed umada ugu adeegaysaan, intaa kadib su'aasheydu waxay maxaa keena ama dhaliya cudurka Meningitiska, waxaan saa u leeyahay wuxuu ku dhacay wiil aan ilmaadeer nahay alxamdulilaah waa laga daweeyay, maxaase ka jira inuu dilo under 10 years iyo over 50 waa sida ay noosheegeen dhakhaatiirtu inkastoo wakhti loo dhinto, waad mahadsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Meningitis
« Reply #1 on: October 02, 2014, 04:39:35 PM »


Meningitis-ku ama Qoor-gooyaha sida soomaalida u taqaanno, waa cudur halis ah oo si dhakhso u dila caruurta iyo dadka waaweynba, wuxuu nafeeyaa, maskaxda, indho-beel ayuu keenaa ama dhagoolnimo, haddii aanan 24-ta saac ee ugu horreyso wax laga qaban.

Waa xanuun waaliddin badan ay ku waayeen caruurtooda maadaama si kadis ah uu ku billawdo, una eg xanuunnada leh qandhada iyo madax xanuunka laakiin ka helis badan, wax ka qabadkiisane waqti xadidan leh.

Meningitis waa infekshan ku dhaca xuubyada ku daboolan maskaxda iyo xangullaha lafdhabarta "Spinal Cord" dhex mar.

Markuu infakshanka ku dhaco, xuubyada ama dahaarka maskaxda way bararaan, kadibne qofka wuxuu dareemaa calaamada lagu garto xanuunka oo ah madax xanuun, qandho iyo surka ama qoorta oo togmato ama adkaato.

Xanuunka waxaa keeno dhowr nuuc oo jeermis oo kala ah feyras, bakteeriyo fangas intaba.

Dhibaatada xanuunka uu geesto waxay ku xiran tahay heerka uu xanuunka yahay inta aan daawada lagu bilaaban iyo nooca jeermiska ee keenay iyo haduu qofka qabo xanuuno kale iyo da'da uu jiraba.

Qofka markuu xanuunka ku dhaco waxay calaamadaha uga soo muuqdaan dhowr maalmood gudahooda wuxuuna dareema qandho siyaado ah iyo madax xanuun daran, qoorta oo taaganta, matag, wareer, qalal, dhacsanaan hurdo iyo iftiinka oo qofka dhibo, ama finan maqaarka ah haduu yahay nooca ay keento bateriyada loo yaqaano meningococcal.

Ilmaha da'da yar calaamadaha kore way ka duwanaan karaan in ay la yimaadeen laakiin hadii lagu arko, qandho siyaado ah, ooyin joogto iyo ilmaha oo iska hurda ama dhaqdhaqaaq iyo fircooni aan lahayn iyo iyagoo naaska ama caanaha diida iyo barar laga dareemo nushnushleyda waxaa dhici karto in meningitis uu qabo.

Dhibaatooyinka halista ah ee hadii cudurkaan aan la daaweyn laga dhaxlo waxaa ka mid ah:
Dhagoolnimo, Hilmaan, Waxbarashada oo caruurta ku adkaato, maskaxda oo naafowdo taasoo keeni karo jirka qeybo ka mid ah oo dhaqaaq lahayn, socoda oo qaldamo, qalal joogto ah, kilyaha oo howlgabo, qofka inuu miirka ka tago ama uu u dhintaba.

Fadlan xanuunkaan waa halis si sahal ah ayuuna caruurta iyo haweenka uurka leh iyo dadka duqooshinka u dilaa, hadii calaamadahaan kor ku xusan isku aragto sida ugu dhakhsiyaha badan ula xiriir isbitaal.

Xanuunka baaritaankiisa waxaa lagu ogaadaa, iyadoo lafdhabarta laga qaado dheecaanka maskaxda oo laga fiiriyo calaamado lagu garto qoor-gooyaha iyo nooca uu yahay intaba.

Qof kasta lagama qaadi karo dheecaankaas, waxaa jiro xaalado aan la qaadi karin sida haduu cadaadiska maskaxda ay sarreyso, oo helis ah haddii dheecaanka la isku dayo in la qaado.

Hadii xanuunkaaga waqti hore la helo, daaweyntiisa way sahlan tahay, waxaana lagu daaweeyaa antibiotic cirbado ah, waana xanuunada hadii laga shakiyo daawada horay laga bilaabo oo baaritaan lala sugin.

hadii aad qabtid su'aal dheeraad ah ama faahfaahin waad na soo weydiin kartaa.

Mahadsanid
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66499
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69526
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62440
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46725
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44976
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc