Author Topic: Waa Maxay Tiifow?!  (Read 63271 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Binuciise

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Waa Maxay Tiifow?!
« on: December 26, 2007, 12:57:42 PM »
salaan kadid waxaan jeclaan lahaa in aad  ii sheegtaan waa  maxay cudurka  la yiraado tiifow ?

waana  mahadsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa Maxay Tiifow?!
« Reply #1 on: December 27, 2007, 01:58:56 AM »

Tiifow waa cudurka loo yaqaano "Typhoid ama Enteric Fever".
Tiifowgu waa cudura ay keento bakteeriyada loo yaqaano "Salmonella"
Tiifowgu wuxuu ka mid yahay cudurada dilaaga ah ee ku badan caruurta iyo dhalinyarada.
Tiifowgu waxaa ku qaadi kartaa adigoo cuna ama caba cunto wasaq ka soo gaartay saxaro ama kaadi.
Tiifowga calaamadihiisa waxay bukaanka ka soo muuqdaan 1 ilaa 3 usbuuc ka dib markii cudurku uu qaado, taasoo kala duwan qatarteeda.
Tiifowga calaamadihisia waxaa ka mida ah: qandho ama xumad siyaado ah, tabar darri, madax xanuun, saxaro adeyg ama shuban, feeraha oo fidhidhicyo gaduudan kaaga soo baxaan iyo beerka ama beer-yaraha oo barara.
Tiifowga waxaa jiro nooc caloosha ku dhaca oo lagu garto shuban iyo qandho siyaao ah, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=990.0
Tiifowga waxaa lagu daaweeyaa antibayotik / qallajiyayaal, inkastoo daawooyinka qaar ay lid ku noqoto bakteeriyada keento cudurkaan.
Dadka cudurkaan xambaarsan waa in laga mamnuucaa cunto geynta ama qeybinta khaas ahaan kuwa ka shaqeeya biibitooyinka ama maqaayadaha sababtoo ah si sahlan ayay ugu gudbin karaan dadka kale.
Fikradaha qaldan ay soomaalida ka aaminsan tahay xanuunkaan ayaa ah inuu sida malaariyada oo kale u badan yahay, oo caadi tahay in qof kasta iska qabi karo, fikirkaas qaldan awgiis dad badan ayaa daawo aysan u baahnayn iska qaato. Akhriso qoraal ku saabsan cudurrada sida qaladka ah daawada loogu qaato: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7381.0.html
Mida akel xanuun kasto oo qandho, murqo xanuun, iyo madax xanuun wata, ma ahan tiifow, waa in aad dhakhtar aqoon leh u tagtaa haddii aad xanuunsan tahay si laguu baaro, xanuunkaagane laguugu sheego.
Fikradaan qaldan waxay sheybaarada iyo farmashiyaasha qaar ku boorisay in ay cudur aan jirin iyo daawo aan loo baahnayn ay bukaanada siiyaan.

Haddii aad su'aal qabto, nagu soo waydii halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Waa Maxay Tiifow?!
« Reply #2 on: January 02, 2011, 01:17:53 PM »
walaal waad mahadsantihiin!
si wanaagsan ayaad iigu faahfaahiseen oo waan wada fahmay
alle khayr ha idin siiyo walaalayaal
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline Deeqo Ali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Waa Maxay Tiifow?!
« Reply #3 on: May 07, 2019, 04:46:33 PM »
Asc somali doctors waa mahadsantihin
Waxaan qaba sual la xarirta tiifow waxaan isku arkay qandho badan iyo murqo xanun
Shalay ayaa dhaqtar u tagay waxaa u idhahay tiifow ayaa ku haayo
Waxa u soo qoray dawo cirbado ah lkn waxan leyahay uur wax dhib ah miyuu uurku jirta ku keeni kartaa


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66569
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69580
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62509
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46764
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45008
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc