Author Topic: Xanuunka Xameetada (Cholecystitis)  (Read 64547 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xanuunka Xameetada (Cholecystitis)
« on: October 15, 2014, 11:29:11 AM »



Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa xanuunkii hayay qofkii ka cabanayay danqasho iyo xanuun laga dareemo caloosha iyo feeraha midig inta u dhaxayso, xanuunkaasoo illaa garabaka midig ku faafa una daran markii la cuno cunno dufan leh, lalana dareemo lalabo, qandho iyo matag.

Astaamahaan waxay tilmaan u tahay cilladaha ku dhaca xameetida, sida caabuqa, hurka iyo dhagaxaanta xameetida gala, hoos ka akhriso faahfaahinta xanuunkaan iyo xanuunno dhowr ah oo ay isku ekaan karaan.

Maxay Tahay Xameetida? Maxayna Tartaa?
Xameetada waa xubin ilaahay ku abuuray cloosha khaas ahaan dhinaca midig ee ku aadan beerka, waa xubin lagu keydiyo dheecaannada ka qeyb qaato dheefshiidka. Beerka wuxuu soo saaraa dheecaannadaas oo loo yaqaano qaras ama dacar "Bile", kadibne lagu keydiyaa xameetida.

Qarastu waa dheecaan ka kooban dhowr waxyaalood oo jirka muhiim u ah, markuu qofka cunno cuno dufan leh, xameetida waxay soo tuftaa dheecaankii ku keydsanaa si dufanka loo shiido.

Xanuunaka Xameetida Maxaa keena? Yuuna Ku Dhacaa?
Xameetada waxaa ku dhaca caabuq ama hur loo yaqaano "Cholecystitis", caabuqaan wuxuu ka dhashaa dhowr waxyaaloob oo ay ka mid tahay infakshan ku dhaca oo ay bakteeriyo keento, ama in dhagax ku samaysanto oo dheecaanka ku xirmo, tanoo helis gelin karta qofka hadii aanan si dhakhso ah wax looga qaban, waxaa dhici karto in ay dalooshanto ama ay dillaacdo taasoo keenayso in qofka ku sumoobo qarasta caloosha ku dhex dillaacday. Xanuunkaan qof walba wuu ku dhici karaa laakiinse wuxuu ku badan yahay haweenka cayilan una dhaxayso da'dooda 35 illaa 45 sano.

Calaamadaha Xanuunka Xameetada?
Waxaa kamid ah xanuun caloosha qeybta midig ee kore khaas ahaan feeraha hoostooda, xanuunkaas oo mar marka qaar laga dareemo illaa garabka midig, wuxuuna xanuunka aad loo dareema markuu qofka aad neefta u jiido. Calaamdaha kale waxaa ka mid ah, lalabo, matag iyo qandho.

Waa maxay xanuunada lagu qaldo cilladda xameetida?
  • Waxaa badanaa lagu qaldaa xanuunka boog calooleedka gaaska, taasoo badanaa dadku u qaataan daawooyinka gaaska, laakiin aan waxba ka tarin, fadlan akhriso farqiga u dhaxeeyo labada xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0
  • Waxaa kaloo lagu qaldaa xanuunka koolba-aaryada oo laga dareemo naasaha hoostooda am feeraha dhinacooda, kasoo neefsashada,
     qosolka, orodka iyo hindhisada u daran, waana cudur aad ugu badan bulshada soomaaliyeed, faahfahinta ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0
  • Waxaa kaloo lagu qaldaa xanuunka caabuqa mindhicirrada uu keeno jeermiska Amiiba oo isagane leh xanuun caloosha ah oo marba dhinac u guurguurayo, lalabo, murqo xanuun iyo qandho, akhriso faahfaahinta caabuqa amiibaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0
  • Waxaa kaloo lagu qaldaa xeeroobista beerka "Fatty liver" oo ah dufan kor dagta beerka, xanuunkaan ma lahan qandho iyo matag toona laakiin feeraha iyo midig iyo caloosha inta u dhaxayso ayaa laga dareemaa culeys, weliba markuu qofka cunno cuno, qofkane waxaa dhiba fadhiga oo inuu isgalayo ayuu moodaa inkastoo astaamuhu isku wada ekaan karaan, akhriso faahfaahinta xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5496.0
  • Waxaa kaloo lagu qaldaa cagaarshowga nuuciisa firfircoon, faahfaahinta ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0

Sidee lagu ogaadaa xameeto xanuun?
Waxaa lagu ogaadaa qalabka loo yaqaan Ultrasound-ka ama sida soomaalida u taqaano kumbuyuutarka kaasoo lagu arki karo xameetada dhexdeeda in ay bukto ama inay dhagaxaan ku jiraan labadaba, haddii baaritaankaas ka dib weli shakki sii jiro waxaa la samayn karaa sawirro kale sida CT Scan ama MRCP / ERCP.

Sidee loo daaweeyaa xameeto xanuunka?
Qofka xanuunkaan qabo waa in isbitaal la jiifiyo khaasatan hadduu soo booddo yahay, ma ahan xanuunada bukaan socotada lagu daaweeyo, waxaa dhici karto in cuntada iyo cabitaanada lagaa joojiyo si xameetada ay u nasato, in xanuun baa'biyayaal lagu siiyo, in cirbado antibaayootik lagugu xiro iyo dareerayaal faleebo ah si aa dawoo u heshid lagaagana ilaaliyo fuuqbaxa.
Intaa kadib, cillada haddii ay tahay dhagax ku samaysmay xameetada, dhakhtarkaaga wuu kula tashan doonaa sida ugu haboon oo lagula tacaali karo dhagaxaas, iyadoo ay jiraan siyaabo badan, inkastoo cilmiga casriga ah uu ku taliyo in xameetida la saaro sababtoo ah in dhagaxa inuu mar kale samaysmo ay u badan tahay ama in xameetida is badasho oo buro ka soo baxdo.

Qalliinka Xameetada:
Halkaan ka ahkriso qoraal ku saabsan qalliinka xameetida iyo sida loo sameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html

Maxaa dhibaato ka dhalan kara xameeto xanuunka?
Hadii aan la daaweynin waxaa dhici kara in infakshanka ku durqo kadibna ay dillaacdo ama duleeshanto oo qofka ku sumoobo oo uu miir-daboolmo, tanoo ah mid qofka halis galin karta noloshiisa.

Haddii aad xameeto xanuun iskaga shakkisan tahay la xiriir dhakhtarkaaga, haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan xanuunkaan ama xanuun kalaba fariin iigu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16763
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14348
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33573
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39955
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87197
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!