Author Topic: Su'aal: Waa maxay Fatty Liver? (Beer Xeyrowga)  (Read 22471 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay Fatty Liver? (Beer Xeyrowga)
« on: October 23, 2014, 03:19:46 PM »
Asc salaan kadib ad baa ugu mahadsantihin sida shacabka ugu adegtan waxbadan ayaana ka faiday page kina. Waxa idin ka codsana inad ifahfahisa fatty liver ama xeerta ku samaysan baarka maxa sababa maxaasa ugu fiican oo lagu babin karaa , raashinka uroon iyo capitanka maxa kaloo usababi karaa masa dhacda in beerku sidisa cadiga aheed kuso noqdo, iso dira jawaab hadi awodin emailkn ..mahadsanidin

Seyd Ahmed
Sweden-Stockholm




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal:l Waa maxay Fatty Liver? (Beer Xeyroobista)
« Reply #1 on: October 23, 2014, 09:58:33 PM »


Waa Maxay Fatty Liver?
Beerka oo xeyr fuusho waxaa loo yaqaanaa "Fatty Liver" ama "Steatosis", macnaheedu tahay in beerka ay ku dul abuuranto xeyr taasoo dabiici ah.
Haddii xeyrta beerka fuusho ay ka badan tahay 5 illaa 10 boqolkiiba culeyska beerka, markaas ayaa la dhahaa qofkaan wuxuu qabaa "Beer Xeyroobis".
Beer xeyroobidda waa xaalad sahlan, beerkane caadi ayuu ku laaban karaa iyadoo aanan daawo la qaadan, wax dhib joogto ahne ma u geysato beerka shaqadisa.
Beerka waa xubinta labaad ee jirka ugu weyn, shaqadiisane waa mid aad muhiim u ah wax kasto oo aan cunno beerka ayey maraan markii la dheefshiido oo dhigga lagu daro, si looga saaro wixii sun ah.
Haddii xeyr badan ay fuusho beerka waxaa dhici karto inay saameyso shaqadaas oo cadaadis saarto qaar ka mid ah unugyada beerka, taasina waxay keeni kartaa in unugyadaas dhintaan oo ay haar yeesho beerka kadibna qolfoofo taaso loo yaqaanno "Cirrhosis".
Beer xeyroobista waa xaalad aad u badan, badanaana qofka wax calaamado ama xanuun ah ma dareemo, markii la saaro Ultrasound-ka ayaa lagu arkaa, halkaas ayayna su'aasha badanaa ka dhalataa maadaama dadka aysan aqoon u lahayn xaaladaan.
Badanaa beer xeyroobista waxaa la arkaa da'da u dhaxaysa 50 illaa 60 sano.
Beer xeyroobista ay keenaan cudurrada iyo cabidda khamriga way ka dhib badan tahay noocaan sahlan oo aan ka soo hadalnay.

Waa Maxay Claamadaha lagu garto Fatty Liver?
Badanaa beer xeyroobista ma lahan calaamado, si kama' ah ayaa lagu ogaadaa, dadka qaar waxay dareemaan daal iyo caloo xanuun dhinaca beerka ah, beerka wax yar wuu barari karaa taasoo takhtarka markuu ku weysiitaynaayo uu dareemi karo.
Hadduu beerka dhaawac gaaro, waxaa la dareemi karaa cunno xumo, miisaanka oo dhaco, iyo caajis iyo daal siyaado ah.
Xanuunka beer xeyroobista ugu caansan waxaa keeno khamri cabidda, waxaa kaloo keeni karo daawooyinka qaar, iyo xanuuno kalaba.
Badanaa takhaatiirta ma sheegi karaan waxa beer xeyroobista u keenay qofka, haduu uusan khamri cab ahayn, laakiin waxaa la arkay inuu u badan yahay dadka cayilan, dadka qabo dufan dhiigga "cholestarol" iyo cudurka sonkorowga nooca labaad.

Yaa halis ugu jiro xanuunka Fatty liver?
1- Dadka khamriga caba
2- Daawooyinka la badsado sida paracetamol-ka oo kale
3- Sonkorowga nooca labaad.
4- Uurka
5- Kolestaroolka and dufan dhiigga.
6- Nafaqo darrada
7- Xanuunada la xiriiro farsamaynta xeyrka jirka.

Sidee lagu ogaan karaa xanuunka Fatty liver?
Waxaa lagu arkaa badanaa Ultrasoundka la saaro caloosha, kadibne waxaa la fiiriyaa dhiigga beerka si loo ogaado shaqadiisa, kadib haddii laga shakiyo beerka inuu dhaawac gaaray cad ayaa laga qaadaa si loo ogaado xanuun hadduu keenay beer xeyroobista khaasatan haduu beerka safiican u shaqaynaynin.

Sidee loo daaweeyaa xanuunka Fatty liver?
Hadduu qofka qabo xanuun keenay beer xeyroobista waa in laga daaweeyaa sida dufan dhiigga oo kale, waa in khamri cabista uu joojiyaa, waain miisaanka la dhimo waa in sonkorta la kontaroolo haddii macaan uu jiro.
Haddii aysan xanuun kuu keenin ama aadan cabin khamri, welwelka iska yarey, wax halis ah kuma jirtid, cunto caafimaad leh cun, miisaankaagane ku dadaal.

OGOW: Cunnada dufanka oo laga fogaado ama qudaar la cuno kaliya, beer xeyroobista caadiga ku timaado xiriir lama lahan, dad badan ayaa laga yaabaa in ay aaminaan, xeyr ama dufan badan uu qofka cunay dartiis in beerka u xeyroobay, taasi cilmi ahaan sax maahan.

Waxaan filayaa in aan su'aasha kaaga jawaabnay, haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo la xiriira xanuunkaan ama faahfaahin dheeraad ah aad u baahan tahay, waad na sii weydiin kartaa.

Akhriso Xanuunka Beerka / Cagaarshowga / Jooniska / Hepatitis: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html
Akhriso Cudurka Kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66487
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69508
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62431
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46717
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44971
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc