Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaa laygu sheegay roomatiisam? Lugo iyo Murqo Xanuun?

(1/1)

Cabdiqani1988:
Asc wr wbr marka labaad aad iyo aad baa umahadsantihiin dhamaan dhakhaatiirta halka ugu talagashay inay ugu tabarucaan cilmiga illaahay baray ....    Si xushmad leh waxaan dhakhatirka kacodsanayaa inaa inay iga jaahil bixiyaan waxaan kaxanuusanahay lugaha iyo burqaha waxaa laygu sheegay Roomatiisam dawadiisa waxba waa iga tariwaysay waxaan rajaynaa inaad iiga soo jawaab celinaysaan

Asc wr wbr

Abdikani bashiir

SomaliDoc:
Lafo xanuunka iyo muqo xanuunkaba waxaa keeni karo cudurro badan, mid walibane si gooni ah ayaa loo daaweeyaa, haddii lafahaaga macdanta ku yartahay, haddii lafaha uu caabuq galo, haddii xanuuno kale ay keenaan, iyo hadii dhibaato kale oo lafaha iyo murqaha u gaar ah ay tahayba way keeni karaan xanuunka aad dareemayso.

Tusaale waxaad noo sheegtay in xanuun roomatisam lagaa helay, xanuunka laftirkiisa ayaa fasiraad u baahan dhowr nooc oo roomatisam ayaa jiro, daaweyntane way kala duwanaan karaan, baarista lagugu ogaaday nooceeda inaad noo sheegto way fiicnan lahayd, mida kale xanuun kasta oo lafaha ku dhaco roomatisam maahan.

Si aad u kala barato xanuunada ugu caansan ee ku dhaca lafaha iyo murqahaba, halkaan ka akhriso, haddii faahfaahin dheeraad ah aad u baahan tahay waad na soo weydiin kartaa.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhabar xanuunka ama jilba xanuunka si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html

Qoraalladaan aad akhrisatid, xanuunka ku hayo kuma garan kartid, waa in aad takhtar u tagtaa, adigoo fikrad ka heysto xanuunada kala duwan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.

SomaliDoc.Com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version