Author Topic: Kansarka Jidiinka / Dhuunta (Esophageal Cancer)  (Read 46110 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kansarka Jidiinka / Dhuunta (Esophageal Cancer)
« on: October 30, 2014, 11:50:29 AM »


Waxaan jeclaystay maanta in aan ka hadlo xanuun aad u dhib badan una badan dadkeena soomaalida ah, khaas ahaan dadka daga gobollada dhexe, sababaha uu ugu badan yahayne aanan weli la diraasaynin.

Qoraal soo baxay sanadkii 2008-aad waxaa lagu sheegay in ay 415 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ugu geeriyoodeen xanuunkaan sanadkaas kaliya, waana inta la ogyahay kaliya.

Waa xanuun ay aad u yaqaanaan takhaatiirta ka howlgasha isbitaallada wadanka ku yaalla, khaas ahaan kuwa ka howl gala gobollad dhexe.

Xanuunkaan waa Kansarka ku dhaca hunguri mareenka waxa afka qalaad lagu yiraahdo "Eosophageal Cancer".

Xanuunka wuxuu ku bilowdaa buro yar oo ka soo baxdo jidiinka (hunguri-mareenka), taasoo mar marka ka dambaysa weynaata illaa ay xirto marinka hunguriga.

Waxayna badanaa ku dhacdaa qeybta hoose ee jidiinka inkastoo xaaldaha soomaalida lagu arkay ay u badan tahay qeybaha kore iyo dhexe, sababtane lama garanayo.

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu badanaa isbitaalka yimaadaa, markii wax liqidda ciriiri ku noqotoo taasoo ah xaalad culus.

Marka ugu horayso qofka wuxuu ka istaaagaa cunnada adag sida hilibka iyo wixii la mid ah, kadibne tartiib ayuu u joojiyaa cunnada illaa uu marka dambe dareeraha inuu cabo ay dhib ku noqoto.

Claamadaha kale oo la socdo waxaa ka mid ah, qofka oo miisaankiisa si xad dhaaf ah u dhaco, culeys xabadka ah iyo qofac ama xabeeb codka yeesho.

Waxaa habboon in isla markaa isku aragto in cunnada ku dhibayso ama cadaadis xaga hunguri mareenka ka dareento in aad takhtar si dhakhso ah ula xiriirto, waa la ogaan karaa xanuunkaan, waana lagu baari karaa dalka isbitaalladiisa kala duwan.

Xanuunkaan kama mid ahan xanuunada joogtada loo baaro sababtane waa aqoon aan loo lahayn dadka uu ku badan yahay calamadaha khatarta ah ee lagu garto.

Tusaale ahaan qofkii aad sigaar u cabo waa in sanbabadiisa la baaro si joogto ah, si looga hortago xanuunkaas, laakiin xanuunka kansarka jidiinka, sidaas oo kale maahan.

Takhaatiir la xiriiriso xanuunkaan waxa kulul oo la cabbo way jiraan sida shaaha oo kale, laakiin maahan shey si cilmi ah loo baaray oo wax lagu dhisi karo.

Kansarrada ku dhaco jidiinka laba nooc ayay u badan yihiin, kan 1-aad waxaa la yiraahdaa "Adenocarcinoma", kan 2-aadne "Squamous cell carcinoma".

Nooca labaad ayaa ugu badan xanuunkaan, wuxuuna badanaa ku dhacaa jidiinka qeybtiise dhexe.

Way jiraan noocyo kale oo kaankarro dhif ah oo ku dhaco jidiinka.

Waxyaabaha loo malayn karo in kansarkaan ka qeyb qaataan waxaa ka mid ah wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara jidiinka sida cabidda khamriga, laab jeexa joogtada ah, cabidda waxyaalaha kulkulul sida shaaha, cunidda fruutiska iyo cagaarka oo la yarasto, gaas calooleedka, sigaarka iyo raajo isi saaridda feeraha oo la joogteeyo.

Haddii aan ka soo qaadno, khataradaas kor ku xusan inay si dhab ah uga qeyb qaataan kansarkaan, waxaan ognahay in soomaalida ay la yimaadaanaa qaar ka mid ah khatarradaas.

Xanuunkaan waa xanuun u baahan diraaso qoto dheer ah iyo dabal gal waxyaabaha u keenay dadkaan u geeriyooday xanuunkaan ama ka bogsaday, sababta uu ugu badan yahay meelo gooni ah oo ka mida wadanka, ma dhici kartaa in xiriir la leeyahay dhaxal iyo genes-ka?

Su'aalo badan ayaa u baahan jawaabo, tusaale ahaan tirada aan kor ku soo xusay oo ahayd 415-ta qof ee xanuunkaan laga helay sanadkii 2008-da waxay ahaayeen dad isbitaal u tagay qalliin "Surgery", daaweyn kiimiko "Chemotherapy" ama daaweyn shucaac "Radiotherapy".

Waxaa hubaal ah tiro intaa ka badan inuu xanuunuka ku dilay meelo fogfog oo aysan awood u helin in ay isbitaal ku soo gaaraan, waxaa intaa sii dheer, xanuunkaan qalliin kaliya waxba kama taro markii qofka uu gaaro heer uusan waxna laqi karin, wuxuu u baahan kiimiko ama shucaac in lagu daaweeyo, labaasne lagama helo wadanka oo waa in aad dibadda u aado.

Sidaa daraadeed, dadka u dhinto aad ayay u badan yihiin, waxaan lagu qiyaasi karaa inkastoo tiro sax ah aanan la heynin inuu noqon karo xanuunka 3-aad ee kansarrada ku dhaco dadka soomaalida, waxaana ka horrayn karo ayaa la is leeyahay, kansarrada ku dhaca dumarka noocyadooda kala duwan, kansarrada la xiriira dhiigga noocyadiisa kale duwan sida liyuukiimiyada iyo liimfoomada.

Fadlan iska ilaali astaamahaas kor ku xusan si aad uga fogaato xanuunkaan, haddii shaki yar aad dareento ama aad isleedahay halis ayaa ugu jiri kartaa la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan.

Inta aan ka arkay xanuunkaan, dad dhif ah ayaa xanuunkaan dibadda la soo gaaro, inta badanne wadanka ayay ku geeriyoodaan, waana xanuun rajadiisa aad u xun tahay, waxaa lagu qiyaasaa 4% boqolkiiba in ay noolaadaan 5 sano oo dheeraad ah waa haddii qalliin lagu sameeyo qofka qaba xanuunkaan kaansarka jidiinka.

Waxaan jeclaan lahaa, in ra'yigiina ka dhiibataan xanuunkaan, haddii aad tahay takhtar xanuunadaan horay u soo daaweeyay ama la soo kulmay ama aad tahay qof la xanuunsan xanuunkaan ama ku waay qof qaraabo ama qoys ah.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://www.somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Abucabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Kansarka Jidiinka / Dhuunta (Esophageal Cancer)
« Reply #1 on: March 12, 2016, 07:29:15 PM »
Asc dr xanuunkaa imisa ayuu qofka hayn karaa inta uusan cuntada ka xirin.
Hooyo ayaa ka eed sheegata dhuunta ilaa hoos laabta korkeeda dhakhatiirtuna waxay ku sheegan gaas iyo infection dhuunta ah
Marka ma nqon karaa xanuunkaan ilaa laba sano ayuuna hayay
Shukran

Offline Jaamac Garweyne

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Kansarka Jidiinka / Dhuunta (Esophageal Cancer)
« Reply #2 on: March 12, 2016, 08:49:48 PM »
Dr astamaha aad shegtay ayan isku arkay oo hunguriga aya kurtumo iga yalaan lkn cuno laqida imadhibto lkn mar marka qaar ayey saa'id ii cuncunta ee miyu noqon kara dr. Dhakhtar wali umaan tagan


 

Su'aal: Prostate infection iyo prostate cancer?

Started by Mustafe MadooweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9743
Last post December 20, 2018, 10:10:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xamiiq ama xanto-xanto dhuunta ah?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7284
Last post March 25, 2016, 10:19:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15123
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Combination of a new oral Vinorelbine pluz Trastuzumab 4 anti breast cancer

Started by AbdicadeBoard Pre-Pharmacy and Pharmacy

Replies: 1
Views: 24373
Last post April 25, 2009, 07:21:16 AM
by hanad_1987
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 40545
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc