Author Topic: Su'aal: Ma qaadan karaa ABILIFY anigoo leh uur 8 bilood?  (Read 8865 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Ma qaadan karaa ABILIFY anigoo leh uur 8 bilood?
« on: November 08, 2014, 12:43:37 AM »
asc waan idin salaamay dhaqaatiirta sharafta badan ee somaliyeed waxaan idinka rabaa talo u aadan daawo uu dhaqtar ii soo qoray oo ah daawo loo qaatao dhanka mantlle illnes ka waxaan u tagay dhaqtar waxaan au shegay sida lii hayao iyo waxaan dareemo xaalda aan ku suganahy oo idl waxaan joogaa USA waxa dhacday in uu dhaqtarkii ii soo qoray daawo uuna igu yiri waad qaadan kartaa aniga suaasheyda waxet tahay iyo walwalka i haayo waxaan leeyahay uur 8 bil ah daawad uu qaado i dhahhay waa ABILIFY mana qaadan oo waan baqay in ey wax u dhinto daawadaas ilamheyga caloosha ku jiro dhaqtarka ii soo qoray waad qadan karta buu i yiri lkin waxan u tagay drs uurka aan la kulmo markasta isbuuci hal jeer hadeer awal bsihii haljeer ban la kulmi jiray waxaan u geeyay daawadii waxan ku dhahay waan walwalyaa in an qaato dawadaanm ee ma qadan karaa waxey igu tri saameynta ey ku leedahay dadka wali lama arkin ama si fican looma ogo lkin xayawaano baa lagu tijaabiaya ubadka ey dhaleen baa lagu arkay saameyn bey tir taasna wey isii walwal galisay bal dhaqtaiirtey somaliyeed xanuun xun baan dareemayaa anaa og nafteyda uurna waan leeyahy dawdaas in an qato ma goansan ee maxaan sameeyaaaaaaaaaaaa ma qaataa mise waan iska daayaa wayo waad garan kartaa ruux dawadaas loo qoray koley xanuunak haayo thnks jawab dahgdag ban idnka sugayaa inkastoo ey ii sheegeen  xitaa hadi aad dhasho dawoyin ban ku siin doona man nuujin doontdi nuunah waxan qadan waayay aniga man nuujin doontid nuunah dawad dhibka ey u kenyso darteed hadan uur adoo leh qaado adwadas am aqan si aan wax yeelo by jawab




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ma qaadan karaa ABILIFY anigoo leh uur 8 bilood?
« Reply #1 on: November 08, 2014, 01:25:55 AM »
Inta aan kaaga jawaabin su'aashaada, waxaan jeclaan lahaa in aan daawado waxyaabaha lagu garto inay uur waxyeelaynayso iyo in kale aan kuu sheego.
Daawada waxyeeladeeda markii laga hadlayo waxaa loo qeybiyaa dhowr qeybood oo kala ah:

Categorty A: Daawada khaandaan ku jirto waa daawo lagu tijaabiyay hooyooyin uur leh lana arkay in uurjiifka wax dhibaato ah aysan u keeneyn bilooyinka hore oo ay uurjiifku u nuglyahay saameynta daawooyinka, sidaa darteed waa daawo aan dhib lahayn oo la qaadan karo.

Category B: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo lagu tijaabiyay xayawaan uur leh, wax dhib ahne uma gaysan cunugiisa, laakin baaris lagu sameeyay haweeney uur leh ma jirto, mana la ogo inuu dhib u kenayo iyo in kale, laakiin waxaa loo badinaa inuusan dhib keyneynin.

Category C: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo lagu tijaabiyay xayaawaan uur leh, waxyeelane u keenay cunuggiisa, laakiin laguma tijaabin haween uur leh, laakiin faaidada haddii ay ka badato waxyeellada uu keensan karo haddii ay dhacdo waa la siin karaa qof xanuunsa.

Category D: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo la hubo inay uurjiifka dhibaato u geysanayso, laguna ogaaday baaritaano lagu sameeyay haween uur leh, laakiin haddii baahida ay hooyadu u qabto daawadaan ay ka sarrayso waxyeelada dhici karto in cunuggeeda soo gaaro waa la siin karaa, inkastoo intii laga fogaan karo in laga fogaado illaa in lagu qasbanaado mooyee ay fiican tahay.

Category X: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo la ogyahay in ilmaha uurjiifka ay naafaynayso, sidaa darteed khasaarada mar kasta way ka badan tahay faaidada ay hooyada ka helayso daawadaan sidaa darteed waa laga fogaadaa.

Category N: Waa daawadii aan khaanad la galin, oo macnaheeda tahay wax warbixin lagama hayo.

Haddii intaas aan uga baxo khaanadaynta halista daawooyinka, daawada laguu soo qoray waxay ku jirtaa Category C, waana sax sida ay takhtarkaaga uurka uu kuu sheegay, laakiin sida aan kor ku soo xusayba haddii takhtarkii hore ee ku arkay uu dareensan yahay in dhibaatada ay ku heysata iyo jahwareerka oo kuu keeni karo xanuunkaaga ay weyntahay waxyeelo aan la hubin oo dhici karto in uurjiifkaaga ay soo gaarto wuu kuu qorayaa.

Tusaale ahaan, daawada laguu soo qoray waxaa loo qaataa 3 cudur oo maskaxda ku dhacdo, mid waa diiqada/niyad jabka, midna waa iskitsofreeniya xanuunka la yiraahdo midna waa xanuun isku jir ah oo isku jiro niyad jab iyo niyad kac "Bipolar disorder".

Nooca uu yahay ma garan karno laakiin way kala khatarsan yahay, marxalado kala duwan ayay maraan oo heerka aad marayso takhtarkaaga ayaa fahmi karo, xitaa waxaa dhici karta in markuu takhtarka xaaladaada arkay uu is yiri, daawadaan way ku qasban tahay in ay qaadato.

Haddii aad isleedahay xanuunka ku hayo wuu ku saamayn karaa oo uurjiifkaagane dhib wuu gaarsiin karaa in aad daawada qaadato waa ku qasban tahay haduuba takhtar kuu soo qoray, waxaa kaloo ogaataa waxaa jiro daawooyin kale oo ka waxtar badan daawadaas laguu soo qoray laakiin ka dhib badan oo qofka uurka leh aan al siin karin iyo hooyada naas nuujiso, waxaa dhici karto in daawooyinkaas lagu siin doono markaa dhasho kadib, laakiin hada daawadaan laguu soo qoray ay saas ku tahay daawada ugu dhibka yar ee aad qaadan karto.

Si aad warbixin dheeraad uga qaadato xanuunada aan kor ku soo sheegay halkaan ak akhriso.

Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)
Fahmitaanka Iskitzofereeniyada (Schizophrenia)
Isku buuqa maskaxda (Mental Distress)
Hababka Daaweynta Xanuunada Maskaxda

Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa, Uurjiifkaagane allaha kuu badbaadiyo.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Ma qaadan karaa ABILIFY anigoo leh uur 8 bilood?
« Reply #2 on: November 08, 2014, 06:22:49 AM »
asc walahi aad baan ugu farxay jawaabtiina fiican inkastoo aniga aan ogahaynafteyda iyo heerka uu xanuunkeyga maraayo iyo xaaladeyda dhan hadan aan nuunah u walwalaayo dre horta saan baan ku qoron daawada ABILIFY (ARIPIPRAZOLE) TABLETS  hadana ............. DISPENSE WITH MEDICATION GUIDE  WAANA 5 MG marka dre ani xanuunka i haayo dartiis waan rabaa in aan isticmaalo hada mudo 2 bil ah aad baan u bukaa xitaa hurdo ma jirto xaaladeyda caadi maahn hadan nuunaha caloosha ku jiro aabihiis baa diidan waa frist baby wuuna ogyhay xanuunkeyga iyo dhaqtarka waxey i dheheen iyo walibo hadeer waan tusay adinka jawabtiina iyo sidaad iigu sharxdeen lkin wuu diidanyahy am qadneysid buu yiri bil baa ku harty adkeyso daawo nuunah wax in ey u egysaneyso aad ogthay ma ogoli in aad qadato ............ taas waa caqabd kale tan kale daawada waa 5MG DRKA II SO QORAYNA WUXU II SHEEGAdadka aan qabin xanuunkaan markii ey umusha gabar kastaa inta badan waxey dareeman buu dhhay xooga walwal iyo murug iyo iksu buuq adoo sidaan ah hadaadan qadan dawada  oo ey kugu darsoonto tii umusha waa xaalad adag buu i yiri marki ad dhsho wan ku soo boqn buu yri isbitaalka hadan qaado dawad wax i heystaa ah nuunah aabihis baa diidan dawada ani wna raba anoo dagan oo niyad dagan oo farxsan in an dhalo nuunahyega hadan ani xitaa waan baqayaa dhibka ey garsin karto nuunah waa maxay dre waa dhib intee la eg ma maskaxda mise naafo bey ka dhigeysaa waan idnka raali galinyaa warkeyga tirda badan kaliya cilida iyo walwalka jiro dawad inaa qaato maahn ee anoo uur leh in aan qaato plz sorry adinka maxaad i dhihi laheyden hadeer dawadse waa 5 MG  kuli ma intas ba mise midii igu yareed ba lii siiyay oo uurka an ku qaadan karo thnks

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ma qaadan karaa ABILIFY anigoo leh uur 8 bilood?
« Reply #3 on: November 08, 2014, 10:24:34 AM »
Horta waxa dhici doono umusha ka dib ilaah baa garanayo, takhtarne kuuma sheegi karo , laakiin waa arin jirta isku buuqa yimaado umusha ka dib.
Mida ku aadan daawada, waxaa ila haboon in aad si dagan isku fahantaan adiga iyo xaaskaaga in aad qaadanaysid iyo in aad ka tagaysid idinkoo weliba si qoto dheer ula tashan kara takhaatiirtiina oo isku raaci kartaan si wixii mugdi idinkaga jira ay idinkaga saaraan.
In aad sugi kartid bisha hartay iyo in kale, waxay ku xiran tahay xaalada aad ku sugan tahay iyo sida uu xaaskaaga u arko iyo sida uu takhtarka u arko, haddii intaba kala ra'yi duwan tihiin way dhib badan tahay in aad isku waafaqdaan waxa la samayn doono.
Waxaan kugula talin lahaa in aad ilaah tali saaratid, isagaa xanuunka keeno isagaa qaado, haddii hada aad ka sii welweshid in daawadaan lagaa horistaagay darteed waxaa dhici karta in xanuunka kugu sii kordho.
Mida ku aadan saameynta uu xayaawaanada la siiyay lagu arkay, waxba kuma dhisi kartid, waxaa la arkaa daawooyin qaar xayawaanada dhib u keena, dadkane aan dhib u keenin, sida kalane way noqon kartaa in xayawaanka aan dhib lagu arkin, laakiin bini'aadanka uu dhibaato u keeno, waxa aad u baahan tahay oo muhiimka ha waxa weeye, daawooyinka qaar bilaha hore ayay dhib keenaan, qaarne bilaha dambe, daawadaan kuwa ay isku dhow yihiin bilaha dambe ayay keenaan dhibaato, maadaama ay isku dhow yihiin oo isku koox lagu tiriyo inkastoo aan la baarin way dhici kartaa in bilaha dambo ay dhibaato keento.

Waxaan oo dhan waa malo, waxna laguma dhisi karo maadaama aanan baaritaan buuxa lagu samaynin, haddii uu go'aanka kugu adag yahay ama adiga iyo xaaskaaga isku fahmi la'dihiin ilaah weydiiso inuu kaa maaransiiyo daawadaan oo caafimaad buuxa ku siiyo, anagane waan kuu soo duceynaynaa.
Allaha Ku Caafiyo..

Halkaan ka akhriso:
1- Niyad Jabka Umusha ka Dib

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Ma qaadan karaa ABILIFY anigoo leh uur 8 bilood?
« Reply #4 on: November 08, 2014, 11:28:58 PM »
thanks sidaad iigu hagar baxdeen dhaqtiirta somaliyeed gaar ahan dhaqtarkii iga jaahil bxiyay madmadowgii iyo walwalkii iiga jiray dawadaas qaadashadeeda inshalah talo walbo aad i siisay waan qaatay inshlah allahana ii aqbalo ducadaada aameen ameen baan leeyahy dhaqtarkeygan waa la tashan inshalah alle ha caafiyo bulshada somaliyed ee xanuunsan adinkan ajar iyio xasanaat miisaankiina allaha idn saaro inta anoo kale u xanuunsan alle haku dul qaado xanuunka...... qorox noo soo baxday baa tihiin guuuuuuuuuuuuuuuul iyo hormar baan idiin rajeyneynaaaaaa