Inta aan kaaga jawaabin su'aashaada, waxaan jeclaan lahaa in aan daawado waxyaabaha lagu garto inay uur waxyeelaynayso iyo in kale aan kuu sheego.
Daawada waxyeeladeeda markii laga hadlayo waxaa loo qeybiyaa dhowr qeybood oo kala ah:
Categorty A: Daawada khaandaan ku jirto waa daawo lagu tijaabiyay hooyooyin uur leh lana arkay in uurjiifka wax dhibaato ah aysan u keeneyn bilooyinka hore oo ay uurjiifku u nuglyahay saameynta daawooyinka, sidaa darteed waa daawo aan dhib lahayn oo la qaadan karo.
Category B: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo lagu tijaabiyay xayawaan uur leh, wax dhib ahne uma gaysan cunugiisa, laakin baaris lagu sameeyay haweeney uur leh ma jirto, mana la ogo inuu dhib u kenayo iyo in kale, laakiin waxaa loo badinaa inuusan dhib keyneynin.
Category C: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo lagu tijaabiyay xayaawaan uur leh, waxyeelane u keenay cunuggiisa, laakiin laguma tijaabin haween uur leh, laakiin faaidada haddii ay ka badato waxyeellada uu keensan karo haddii ay dhacdo waa la siin karaa qof xanuunsa.
Category D: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo la hubo inay uurjiifka dhibaato u geysanayso, laguna ogaaday baaritaano lagu sameeyay haween uur leh, laakiin haddii baahida ay hooyadu u qabto daawadaan ay ka sarrayso waxyeelada dhici karto in cunuggeeda soo gaaro waa la siin karaa, inkastoo intii laga fogaan karo in laga fogaado illaa in lagu qasbanaado mooyee ay fiican tahay.
Category X: Daawada khaanadaan ku jirto waa daawo la ogyahay in ilmaha uurjiifka ay naafaynayso, sidaa darteed khasaarada mar kasta way ka badan tahay faaidada ay hooyada ka helayso daawadaan sidaa darteed waa laga fogaadaa.
Category N: Waa daawadii aan khaanad la galin, oo macnaheeda tahay wax warbixin lagama hayo.
Haddii intaas aan uga baxo khaanadaynta halista daawooyinka, daawada laguu soo qoray waxay ku jirtaa Category C, waana sax sida ay takhtarkaaga uurka uu kuu sheegay, laakiin sida aan kor ku soo xusayba haddii takhtarkii hore ee ku arkay uu dareensan yahay in dhibaatada ay ku heysata iyo jahwareerka oo kuu keeni karo xanuunkaaga ay weyntahay waxyeelo aan la hubin oo dhici karto in uurjiifkaaga ay soo gaarto wuu kuu qorayaa.
Tusaale ahaan, daawada laguu soo qoray waxaa loo qaataa 3 cudur oo maskaxda ku dhacdo, mid waa diiqada/niyad jabka, midna waa iskitsofreeniya xanuunka la yiraahdo midna waa xanuun isku jir ah oo isku jiro niyad jab iyo niyad kac "Bipolar disorder".
Nooca uu yahay ma garan karno laakiin way kala khatarsan yahay, marxalado kala duwan ayay maraan oo heerka aad marayso takhtarkaaga ayaa fahmi karo, xitaa waxaa dhici karta in markuu takhtarka xaaladaada arkay uu is yiri, daawadaan way ku qasban tahay in ay qaadato.
Haddii aad isleedahay xanuunka ku hayo wuu ku saamayn karaa oo uurjiifkaagane dhib wuu gaarsiin karaa in aad daawada qaadato waa ku qasban tahay haduuba takhtar kuu soo qoray, waxaa kaloo ogaataa waxaa jiro daawooyin kale oo ka waxtar badan daawadaas laguu soo qoray laakiin ka dhib badan oo qofka uurka leh aan al siin karin iyo hooyada naas nuujiso, waxaa dhici karto in daawooyinkaas lagu siin doono markaa dhasho kadib, laakiin hada daawadaan laguu soo qoray ay saas ku tahay daawada ugu dhibka yar ee aad qaadan karto.
Si aad warbixin dheeraad uga qaadato xanuunada aan kor ku soo sheegay halkaan ak akhriso.
Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)Fahmitaanka Iskitzofereeniyada (Schizophrenia)Isku buuqa maskaxda (Mental Distress)Hababka Daaweynta Xanuunada Maskaxda
Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa, Uurjiifkaagane allaha kuu badbaadiyo.
http://somalidoc.com