Author Topic: Madax xanuun joogto ah  (Read 13316 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline LAMYA2013

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Madax xanuun joogto ah
« on: November 20, 2014, 12:30:58 AM »
asc walaalayaal salaam ka dib waxaan akhristay qoraalka madax xanuunka ka hadlaya  maadaama aan dhib badan oo madax xanuunkaasa qabo suaalo Ayaan raba haddaad awoodaan inaad iiga jawaabtaan ,
muddo 4 ilaa 5 sano ah madax xanuun joogta ah oo aan aad u wayneeyn Ayaa ihaya madax xanuunka waxa ii dheer daal jidhkoo dhan ah iyo waliba daal indhaha ah kabuubyo marmar gacmaha ah , madaxa oo guux ka baxayo sida marka birta dhagax lagu dhufto ay gooow u tidha shanqadhaas oo kale ayaa kabaxay mar walba , dhakhtarku qolada phisotherpie ayuu ii diray murqaha ku wa duuga waxba ismay badalin murqaha qoorta laftoodu waa kacsanyihiin mar walba, maxaad igula talin lahayd dhibkaygaa aad Ayaan taladiina iyo wax sheegiina uGu bahanahay waad mahadsantiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Madax xanuun joogto ah
« Reply #1 on: November 20, 2014, 11:05:53 AM »
Inta aanan kaaga jawaabin su'aalahaaga, waxaan jeclaan lahaa in aad warbixin dheeraad ah iga siisid madax xanuunkaaga:
Madax xanuunka maxaa kugu kiciya?
Ma xilliyo uu kuu daran ayahay ayaa jirta?
Ma jiraan xanuuno kale oo kuu wehliyo sida xanuunno lafaha ama murqaha ku dhaco, sokor, xanuunno xididada ku dahca, xanuun hormoonnada la xiriiro, xanuuno stress IWM.
Ma jiraan daawooyin aad qaadatid oo cudurro kale aad u qaadatid oo madax xanuunka aan ahayn?
Hurdadaada see tahay?
Baaritaanno intee la eg ayaa lagu marsiiyay?
Ma jirtaa jug madaxa kaa gaartay hadda ka hor?
Ma jirtaa muddo aad ka fiicneyd madax xanuunkaan 5-taa sano aad xanuunsanayd.

Sababta aan kuu weydiinayo su'aalahaan waxaa weeye, maadaama muddo dheer aad xanuunsan tahay, welina aadan daawo helin, xanuunkii qaabka uu ku billowday wuu iska badali karaa, warbixinta yar aad soo dirtayne waxba laguma dhisi karo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline LAMYA2013

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Madax xanuun joogto ah
« Reply #2 on: November 20, 2014, 01:33:01 PM »
waxa si toosa iigu kiciyo ma jiraan laakin wuxu aad iigu badanyahay xiliyada qaboobaha ma jiraan wax xanuuna oo kale oo aan qabaa , iyo wax daawooyin ah toona hurdadaydu way wacantahay hurdo igu filan Ayaan seexda dhib kuma qabo ,baaritaanada aan maray waxa ka mid ah sawiro X-ray madaxa iyo qoorta layga qaday iyo qaar xaga murqaha ah iyo dhabarka baadhitaanka X-Ray ga ah waxba ma qabtid ayaya dhaheen  markaa kuwa murqaha ee wax duuga ayay ii dirin qolo khaas ku ar qoorta iyo dhabarka kuwaasi waxay yidhaahdeen   qoorta dhinaca midig ta ah ayaa muruqu adkaatay taasaa keentay madax xanuunka 8 jeer ayaya yidhaahdeen walagu duugaya markaan dhamaystayna wax isbadala mahayo waa sidii uun , waxyaalah aanan marka hore kuu sheegin ee aan qabo waxa ka mid ah wareer mararka qaar kood aan dareemo khasatan hadaan kubad ciyaaro hadaan  ordo iyo wixi la mid ah , wax nabar wayn ah oo iga gaadhay ma jiro marka laga reebo dakhar yar oo yaraantaydii madaxa iga gadhay . Mudadaa shanta sano ah wakhti aan ka ladnaa ama uu yara way jirtay laakin wakhti aanan daraamini ma jirin, mar walba iyo saacad walba madaxu sidii wax mashquula ayuu guuxaya , waxaan doonaya inaan kaaga mahad celiyo jawaabtaada in badan  ayaad mahadsantihiin walaal
wixi kale ee suaalo ahna waad isoo waydiin karta walaal thnx

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Madax xanuun joogto ah
« Reply #3 on: November 20, 2014, 04:01:34 PM »
Way dhici kartaa in xanuunka uu a yimaado murqaha giigsan, laakiin waxaa kugula talin lahaa in baaritaan lagugu sameeyo, sababtoo ah, raajada (x-ray) badanaa seedaha margiyada qoorta warbixin fiican kama bixiso marka in lagaa saaro scan sida MRI oo kale.

Mida xigta maadaama aad tiri dhagaha guux ayaan ka dareemaa, markuu madaxa i xanuunayo iyadane in aad kala xiriirtid takhtar E.N.T oo ku taqasusay dhagaha, sanka iyo dhuunta, maxaa yeelay haddii xanuun ka jiro dhagaha, calaamadaha aad sheegaysid way yeelan kartaa.

Waxaa intaa sii dheer, calaamadaha aad dareemeyso sida murqaha giigsan, madax xanuunka muddada dheer ku soo hayay wuxuu ka imaan karo haddii ay jiraan welwel iyo stress, oo badanaa madax xanuunka noocaas ah waxaa lagu daaweeyaa daawo nafsi ah oo qofka dajisa, badanaana waxaa la arkay in madax xanuunka uu ka tago.

Ugu dambayn, taladayda waa in aad ku laabatid takhtarkaagii hore oo aad u sheegtid wax isbaal ah inaadan ku dareemin jimicsigii iyo haddii aad u baahan tahay baaritaanno dheeraad ah, haddii aad isleedahay takhaatiir kale ayaan u tagayaa iyadane waa fikrad kale, laakiin waxaad ku dadaashaa markaa takhtar u tagaysid in warbixintaada oo dhameestiran iyo madax xanuunkaaga heerarka uu soo maray muddoyinkii aad xanuunsaneyd oo dhan iyo wixii takhaatiirtii hore kugula taliyeen u sheeg oo al wadaag warbixintaas, waxay takhtar ka caawinaysaa inuu baaritaano iyo qaaban ka duwan takhaatiirtii hore kugu dayo.

Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline LAMYA2013

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Madax xanuun joogto ah
« Reply #4 on: November 20, 2014, 04:50:09 PM »
waa si wacan markale Ayaan dhakhtarka ku noqon , aad Ayaan idiinku mahad Celina sida xilkasnimada ah ee aad umada somaliyeed u caawinaysaa ilaahay ha idinka abaal mariyo

mahadsanidin


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33208
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32239
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23435
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29368
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48079
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc