Author Topic: SU'AAL: KADIDA DHIIGA SOORAACA (HEMOGLOBIN)  (Read 31341 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Abuuyuusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
SU'AAL: KADIDA DHIIGA SOORAACA (HEMOGLOBIN)
« on: December 20, 2014, 05:41:36 PM »
ASC  SALAN KADIB TAQAATIIRTEENA SHARAFTA LEH WAXAN IDIN WAYDIINAYAA SU AASHAN OO AH IN AAN XANUUNKA DAREEMAY XUBINTA TARANKA FOODEEDA KADIBNA AAN TAGAY TAQTAR WAXA UU II DIRAY IN AAN ISKA SOO QAADO KAADIDA MARKII AAN ISKA SOO QAADAY NATIIJADIISANA WAXA AY NOQATAY SIDAAN

URINALYSIS
MACROSCOPIC
APPEARACE--------------------------CLEAR
COLOR-------------------------------YALLOW
PH-------------------------------------5.0
SPECIFIC GRAVITY-------------------1.025
ALBUMIN-----------------------------NEGATIVE
CLUCOSE----------------------------NEGATIVE
ACETONE----------------------------NEGATIVE
HEMOGLOBIN-----------------------POSITIVE
BILIRUBIN--------------------------NEGATIVE
UROBILINOGEN--------------------NEGATIVE
NITRITE----------------------------NEGATIVE
MICROSCOPIC
R.B.C./H.P.F-----------------------10-12
W.B.C./H.P.F.---------------------4-5
EP CCELLS/H.P.F------------------0-1
BACTERIA-------------------------NEGATIVE
MUCUS-----------------------------FEW

MARKA TAQTARKII  WAXA UU KALE OO IGA QAADAY ISAKAN KILYAHA AH WAXA AY NOQDEEN OK OO WAX DHAGAXA KUMA JIRIN WAXA KALE OO IGA QAADAY ISKAN  KALE OO CALOOSHA AH IYANA WAA UU KA WAAYAY DHAGAX UGU DANBEENTII WAXA UU IGU YIRI WAA IN AAN FIIRIYAA GUDA XUBINTA TARANKA HADII AAN SI FIICAN U ARKI WAAYANA WAXYAR OO CAMALIYA AH AYAN KU SAMEEYNAYAA
KADIB WAXAN U TAGAY TAQTAR KALE OO ISGA LA MIDA ISNA MARKII UU XAALADAN ARKAY WAXA UU IGU YIRI WAXAN WAXBA MAHAN EE BIYAHA SI FIICAN UCAB MAALINTII ILAA 3 LIITAR WALIBA WAXA UU IGU YIRI JOOJI DAAWOOYINKA DHAMAAN
MARKA SIDEEN WAXYEELAA WALAALAYAAL JAWAAB IGA SIIYANATIIJADA KAADIDA SIDAN AH DHIBAATADEEDA ILAA WAA HALKEE KEENSE RAACAA LABADA TAQTAR WAALABA TAQTAR OO LABA HOSBITAAL KALA JOOGA
DHIBAATO INTEE LA EG AYAY II KEENI KARTAA ARINTAAN




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: KADIDA DHIIGA SOORAACA (HEMOGLOBIN)
« Reply #1 on: December 20, 2014, 09:50:53 PM »


Waa arrin dhacda haddii aad dhowr takhaatiir u tagto in ay isku talo noqon waayaan, khaas ahaan markii xanuunkaaga uusan weli kala caddayn.

Labdaba takhtar way saxsanaan karaan, maadaama mid walba uu qaabka uu xanuunkaaga u arko ay keensanayso inay laba talo oo kala duwan ku siiyaan.

Tusaale ahaan: maadaama xanuunka ibta guska aad ka sheegatay, kaadidane lagu arkay dhiig, inuu kaa raadiyo dhagax hadduu jiro sidaas ayuuna kuugu diray Scan-ka, markii la waayane inuu ibta gudaheeda firiyo hadduu dhagax dhex fadhiyo oo kilyaha ka yimid, weliba haddii ay jirto cariri xagga kaadida ah, in qalab kaadida kaa galiyo si dhagax hadduu kugu jiro gadaal kaadi heesta loogu celiyo ama lagaa soo bixiyo.

Takhtarkaan dambe waxaa dhici karto in intaa uu sidaa u fahmay laakiin is yiri: xagga kaadida dhibaato kama haysato, xanuun lee waaye, dhiigane hadduu dhgax yahay ibta guska ku jiro, wuu iska soo buxi doonaa maadaama uu intaa soo socday haddane dhow yahay, ee biyo badan cab si uu si sahlan kaaga soo baxo.

Takhtar sadaxaad in si kale kuu arkaa dhici karto oo ah in kaadi heesta ay kaa jiran tahay oo dhiigga lagu arkay kaadida uu ka socdo halkaa oo baaritaan kale kuu diro.

Si aan u kala ogaanno xanuunkaaga nooca uu yahay iyo labada takhtar midkaan kugula talin lahayn waa in warbixin dheeraad ah na siisid:
1- Illaa goorma ayaa isku aragtay xanuunkaan?
2- Kaadi dhiigga ma mid aad adiga dareemeyso mise waa mid baaritaanka kaliya lagu ogaaday?
3- Dhiigga ma mid kaadida ka dib imaanayo markay dhamaato mise kaadida ayay ku dhex milan tahay oo midabka kaadida ayaa badalan?
4- Markaa kaadinayso xanuun miyaa dareemaysaa xagga qaska ah ama tubada kaadida?
5- Hadda ka hor kaadida saas ma noqotay mise waa markii kuugu horraysay?
6- Kaadida ma ka dareentaa wax ciriiri ah markay soo baxayso? ama in aysan kaa soo wada dhammaanaynin?
7- Ma jiraan qof qoyska ka tirsan oo xanuunkaan oo kale qabo? mise kaadi dhiigga habeenkii kaliyaa aragtaa mise maalintii?

Su'aalahaas iyo kuwa badan oo ka dhalan karo jawaabaha aad bixin doonto waa muhiim inta aadan baartaan laguu dirin, haddii la rabo in la kala sooco xanuunnada keeno kaadi dhiigga.

Dabcan way jiraan xanuunno badan oo warbixinta yar ee aad na siisay iyo kaadida sida laga soo sheegay aan ka saari karno liiska cudurrada aan ka shakisan nahay, laakiin kuwo intaa ka badan ayaa weli dhici kara.

Waxaan filayaa in aad fahantay jawaabtayda.

Akhriso qoraal ku saabsan dhagaxaanta kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6494.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abuuyuusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: suaalahiinii jawaabtoodii
« Reply #2 on: December 22, 2014, 10:29:21 AM »
asc marka aan kaaga jawaabo su aalaha aad iga soo waydiiday waxa ay yahiin

xanuunkan waxaan isku arkay 20/10/2014 mudadaas

dhiiga mid aan aniga dareemayo ma ahan  ee waa mid uu ii sheegay baaritaanka

ma aan garanayo goorta uu yimaado waayo wax aan arkayaba ma ahan

marka aan kadinayo ma aan dareemo xanuun hada laakiin markii uu igi bilaabanayay aad ayan u dareemayay hada waxaan dareemayaa oo kaliya marka aan musqusha kasoo waxyar gudaha dhexdiisa oo aan badneen

hadakahor iskuma aan arki waa markii iigu horeesay waajirtaa in mar la iga sheegay infakshan laakiin soomaliya ayay aheed la iimana faahfaahin mudo 18 sano kahor ayay aheed markalena waan dareemay isla jiradaa 10 sano kahor

marka ay soo baxeeso kama dareemo wax cariiri ah si caadi ah ayay iiga timaadaa laakiin marka ay iga dhamaaneeso ayan ka dareemaa cariiri waayo waa in aan riixaa markaan is iraah istaag ayan hadana riixaa marlabaad si aan u dhameeyo

maya ma jiro inta aan ogahay  habeen iyo maali waa isku mid waxba ma aanrko oo dhiiga kaadida dhexdeeda

waa sidaas xaalada maxuu noqan karaa xanuunka aad uga shakisay iyo xanuunada uu isku badali karo
waad mahadsantahiin








Offline Abuuyuusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: waxan ku darsanaa wali
« Reply #3 on: December 22, 2014, 02:26:27 PM »
asc waxaan horay u qabay  laba cudur oo kala ah gaas iyo baabasiir marka uu gaaska igu kaco oo ay is haleelaan labada xanuun oo kalena waxaa aan waayaa tabarta aniga oo jiifa ayan wareeraa waxaan moodaa in jirkayga oo dhan wax dhex jibaaxayaan maskaxdana waxay ii xanuunee si aan xadlaheen waxaa intaas ii dheereeso hurda laan oo marka aan saacado yar jiifo kadib waan soo kacayaa ilaawaaga kabryana sariirta ayan iska saarnaadaa ama inta salaada laga adimo 3 biloodna gudahooda miisan badan ayaa iga go ay marka uu gaasku kacsan yahay waxaa i xanuuna wadnaha  tabartaydana waxaan dareemayaa in ay aad u yaraatay awood ahaan

suaashayda  kale 3 bilood ayuu ihayaa cudurkan rayi ahaan taqaatiirta waxay ii sheegiin in uusan dhib laheen oo uu iska istaagi doono hadii aan biyaha badsado alx hada xanuunki waa uu yaraaday oo waan iska shaqeestaa inkasta o  aan qalbi fiicneen marka aan gaari wada waxan dareemayaa xanuun kasoobilawda babasiirka kadibna guska  waxaan  kale oon isku arkay in aay i xanuunto qoorta marmarka qaar oo aan horay waligay isugu arag  asc

su aasha ugu danbeeda cudurkan malaga yaabaa in uu ugudbo xaaskayga hadii aan utago isaga oo ihayo

        caafimaadka ilaahaa hayo ee alaha nawada caafiyo aamiin aamiin aamiin


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: KADIDA DHIIGA SOORAACA (HEMOGLOBIN)
« Reply #4 on: December 22, 2014, 09:00:11 PM »
Waan gartay jawaabahaaga, laakiin haddii markii kaa imaanayso aysan ciriiri ahayn marka aad dhamaynaysidne ciriiri maahan ee adigaa taxaddar siyaado ah awgiis gacantaada ku listid si aysan waxna kuugu harin waa sida aan u fahmay, haddii ay gadaal ciriiri ka tahay marka horaba kaadida tiiradeeda ayaa gaaban lahayd oo xawligii aad ku taqaanay kuma soo bixi lahayn.

Haddi sida aan hadalkaaga ka fahmay ay tahay waxaan kugula talin lahaa taladii takhtarku kugula dardaarmay in aad biyo badan cabtid kadibne kaadidaada dib loo baaro, haddii wax lagaa waayane waa kheyr haddii waxii sii jiraan ama wax cusub soo baxaanne baaritaan dheeraad ah ayaa diyaar u noqonaysaa.

Qeybta dambo ee aad ka cabanaysid gaaska iyo baabasiirka iyo calaamadaha kala nooca ah aad sheegtay waxaa habboon in aad takhtar u tagtid, safiicanne iskaga warbixisid si uu kuu wiisiteeyo, xanuunka ku hayane kaaga daaweeyo.
Maxaayeelay sheekashadaada dambo wareysi dheer ayay u baahan tahay, laga yaabo dhowr waxyaabood oo aan xiriir lahayn inay noqdaan ama inay isla xiriiraan calaamadaha qaar.

Sida ka muuqato baarista kaadidaada waa dhiiggaa uun, infakshan la sheego kama muuqda laakiin takhtarka markaa ku laabato oo baaritaanka lagugu celiyo kala tasho dhinaca isqaadsiinta.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abuuyuusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: xanuun ku saabsan kaadida ( HEMOGLABIN ) MAHAD CELIN
« Reply #5 on: January 06, 2015, 07:57:36 PM »
ASC  MARKA HORE ILAAHAABAA MAHADA LE ISAGA AYAANA CAAFIMAADKA BAXIYA WAXAANA ILAAHAY UGA BARYAYAA WALAALAHEEN KUWA XANUUNSAN IN UU CAAFIYO DHAMAAN

MARKA XIGA INKASTA OO AAN MAGACAAGA HEEN WALIBA AAD TAHAY TAQTAR QADKA IGA CAAWIYAY IGALANA TALIYAY WAXAN KU LEEYAHAY THANKS WAANADAADII AHEED IN AAN LABADA TAQTAR QAATO KII IGU YIRI CAB BIYO BADAN MARKII AAN ISKU GEESTAY TALADAADII IYO TII TAQTARKA ANIGANA WAXAN GO AAN SADAY IN AAN BADIYO CABITAANKA BIYAHA
MAASHA ALAAH NATIIJADAYDII UGU DANBEESAY WAXA AY NOQATAY SIDAN

URINE ROUTINE ANLALYSIS

COLOUR-----------------------PALE YELLOW
APPEARANCE------------------CLEAR
CHEMICAL
REACTION PH-----------------6.0
SPECIFIC GRAVITY-----------1.010
NITRATE  --------------------ABSENT
PROTEIN---------------------ABSENT
SUGER-----------------------ABSENT
KETONE BODIES-------------ABSENT
BLOOD/HB--------------------ABSENT        HALKA UU MARKII HORE KA AHAA POSETVE
BILIRUBIN---------------------ABSENT
UROBILINOGEN---------------NORMAL--(1mg/dl)
MICROSCOPIC

PUS CELLS-------------------0-2
RBCS.------------------------1-2
EPITHELIAL CELLS-----------0-1
CASTS------------------------ABSENT
CRYSTALS--------------------ABSENT
BACTERIA--------------------ABSENT

     END  OF REPORT

SIDAAS AYUU NOQDAY NATIIJADII UGU DANBEEDAY ADIGA OO MAHADSAN MAXAA TALA KALE ISIIN KARTAA
SIDEESA U ARAGTAA NATIIJADAN   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: KADIDA DHIIGA SOORAACA (HEMOGLOBIN)
« Reply #6 on: January 06, 2015, 08:25:30 PM »
Natiijadaan dambe waa mid caadi ah, wax xanuun ah kama muuqdaan.
Waxaan kugula talinayaa in aad caado ka dhigatid biyo cabitaanka oo aad joogteyso, biyaha faaidooyinkooda xagga kilyaha iyo kaadi mareenka lama soo koobi karo.

Caafimaadka eebe ha kuu siyaadiyo.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10321
Last post May 22, 2016, 07:48:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 59530
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46660
Last post March 02, 2011, 07:28:00 PM
by Dr. Acromion
Su'aal: Kalyo-xanuun, Macaan, Dhiigkar, Infection-dhiiga iyo Kelestorool?

Started by Mumtaz IsackBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7732
Last post August 08, 2015, 11:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9123
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc