Author Topic: Su'aal: Waxaa la igu qalay cunug anigoo foolanaya?  (Read 41604 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Waxaa la igu qalay cunug anigoo foolanaya?
« on: December 21, 2014, 03:25:36 AM »
asc waan idiin salamay drs ka sharafta leh waxaan rabaa in aad iga jahil bixisaan waxaa liigu qalay babay geyga waana frist baby cunugi iigu horeeyay waan fooshay caadi oo waxey ii sheegn in aan caadi u dhali karo aan wax cilad ah lahyen sababi karto qaliin in aan ku dhalo lkin meysan dhacin wey igu qaleen nuunaha aniga oo xiliga push greyna nuunah 3 saac push igu hayeen marki hore hal saac iyo bar hadan wey iga tagen wey ihgu so labteen hal saac iyo bar kale baan riixaayay cunuga oo ey igu lahaayeen wan u jeedna madxiisa ee push grey ana aan riixaayay si fiican marki danbane ey i dhehen waa qaliin wna ku qlaeen cunugaada baa kor jiro garbihisa sooma galin kafka wadna kaf yartahay waxa iga dhaadhici la wali madxiisa u jheedna riix iyo kafka uu soo gali wayay sey isku qadnayan 2 daas hadal hadi ad aqoon u leedihiin iga jaahil bxiya plz arinkaas waxana jooga USA marekanka oo an ku dhalay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa la igu qalay cunug anigoo foolanaya?
« Reply #1 on: December 21, 2014, 12:14:59 PM »


Ilaahii idin kala keenayaa mahadsan.

Midda xigta way dhacdaa in qalliinka c-section lagugu sameeyo adigoo foolanaysay muddo saacado ah, waana qalliin degdeg ah xilligaas.
Sida aad xustay adigoo lagu yiri waad dhow dahay ee soo riix ayaa mar dambo lagu yiri: waa qalliin!!

Tani way dhacdaa inkastoo aysan badneyn, xilli kastane waa la samayn karaa qalliinka heerka ay rabto foosha ha taagnaato.
Midda ku saabsan su'aashaada waxay tahay: haddii madax cunugga soo daadago oo la arki karo, sax miyaa in qalliin loo baahdo?

Jawaabtu waa: Haa, dhowr sabab dartood, marka hore madaxa oo soo galo kafka waxaa loo yaqaannaa "Head Engagement" waxaana loo kala qaybiyaa laba marxaladood oo kala ah: 1) Partial engagement oo ah in madaxa qeyb ka mid ah soo galay 2) Fully engagement oo ah wuu soo wada galay .
Dhakhaatiirta qaarkood waxay u kala qaybiyaan dhowr marxalad oo kala ah (1 - 5).
1: oo ah in la taaban karo madaxa, 2: in madaxa la arki karo, 3: in uu qaar ka mid ah madaxa soo galay kafka, 4: Inuu soo wada galay, 5:Inuu madaxa banaanka looga jeedo.

Madaxa arkistiisa iyo soo dhowaanshihiisa kaliya laguma go'aamiyo qalliinka, waxaa dhici karto in madaxa uu soo wada dagi waayay sida aan kor ku soo xusay, waqti dheeraad ahne lagu siin waayey sababta uurjiifka oo stress galay oo wadna garaaciisa uu siyaado noqday, in adiga ay tabarta kugu yaraatay oo giigsimidda murqaha minka ay yaraadeen, in muddada laguu qiyaasay ay dhamaatay weliba haddii aad ugub tahay, in madaxa qaabka uu u soo galay kafka uu qaldan yahay oo haddii la sii wado ay dhib u keeni karo cunuggaaga ama uu ku soo goosan karo. (wax yaabo badan ayaa keensan karo qalliin degdeg ah)

Waxaa intaa sii dheer, markii hooyada soo riix cunugga la leeyahay, badanaa waa lagu dhahaa, "waan u jeednaa madaxa wuu soo dhow yahay wax yaraa haray, hal mar lee soo riix". waxaana loola dan leeyahay in niyadda laguugu dhiso mooyee, sidaa maahan sida ay wax u jraan.

Waxaan rajaynayaa in jawaabta aad fahantay.

Akhriso qoraal ku saasban Sida qalliinka uurka loo sameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1103.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Waxaa la igu qalay cunug anigoo foolanaya?
« Reply #2 on: December 21, 2014, 10:59:22 PM »
mashalah allah ajar haka siiyo dre aad baan u fahmay alx mar hadii aan 4 indhood oo nabd ah isku aragnay alle uunba mahad leh dre waxey igu dheheen kafkaada yar cunugad wuu weynaa lkin malag yaab hadaan uur kale uu alle isiiyo an yeesho in aan caadi u dhali karo mise kafka haduu yaryahy markastaa waa qaliin tan xigta ilaa meeqo baan u dhaxeyn karta uurka 2aad micnaha aan qAADI KARAA UUR KALE madaama leygu qalay  waxan kalo rabay dre in aad iga jawabtaan dadka qaar baa igu dhoho xulbad cab wey ku ficanthay minka ey kuu aruurineysaa naaska caano u yeleysaa waayo naskeyga caano saas ha ma lahan dadka qaarna waxey i dheheen ha cabin xulbada meesha la qalay bey sii furfrueysaa cilmi ahan iyo talo ahan sideen yeelaa xulmadaas ma cabaa mise wan iska deeyaa sabbata an u cabayo wa in uu naska caano ii yeehso minkan ii aruuro sidey daka waaweyn igu dheheen dadna dhehen ha cabin 2 weeks aan hadeer qalanahy ilaa meeqo markaan garo ban cabi karaa thnks

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa la igu qalay cunug anigoo foolanaya?
« Reply #3 on: December 22, 2014, 09:18:55 PM »
Yaraanta kafka way ku xiran tahay, cunuggaaga madaxiisa cabbiirkiisane way ku xiran tahay, haddaa hadda ugub ahayd, cunuggii kuugu horeeyay yahayne waa dhowr arrimood oo la fiiriyo markii takhtarka uurka soo socdo kugu tijaabin karo in aad caadi u foolan karto ama in lagu qalo, waxay takhaatiirta u yaqaannaa arintaas "Trial of Labor" oo ah macnaheeda hooyo horay loo qalay mar labaad maloo ogolaan karaa in ay dhasho, waxaana go'aan ka gaari karo takhtarkaaga hadda la socday xaaladaada.
Wayna dhacdaa hooyooyin horay caruur lagu qalay oo haddane si caadi ah u dhalay, kuwa lagu qalay oo qalliin kaliya ku dhalane way jiraan.

Uurka soo socdo waa ugu yaraan in aad sugto 2 sano waana muddada aad nuujinayso cunuggaaga.

Xulbada waxay ka mid tahay geedada leh faaidooyin caafimaad oo tira badan, mana maqlin in nabar tolan inay dib u furfurayso bilcaksi cilmibaare u dhashay dalka ciraaq wuxuu daabacay qoraal uu kaga hadlayo in xulbada ay nabraha bogsiiso, laakiin faaidooyinka kale ee aad sheegtay oo ah in caanaha ay badinayso, minka-ne ay soo aruurinayso waa arrin la diraaseeyay oo la hubo.
Talo ahaan xulbadaada iska cab, ilaahayna talo saaro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16444
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12988
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15402
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61398
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14304
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc