Author Topic: Waa maxay Buro-biyoodka Kilyaha?  (Read 35931 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Buro-biyoodka Kilyaha?
« on: December 21, 2014, 12:49:10 PM »


Waa maxay Buro-biyoodka Kilyaha "Kidney Cyst"?
Waa kuus yar oo dareere ku jiraan oo ku sameysmo kilyaha, wuxuu calaamad u noqon karaa xanuuno helis ah oo saameyn karo kilyaha shaqadooda, laakiin sida ugu badan wax dhib ah ma keeno waxaana loo yaqaannaa "simple renal cyst" oo macnaheedu tahay wax dhib ah ma keeno ama kansar is kuma baddalo.

Ma caddo sababaha keeni karo buro-biyoodka fudud "simple cyst", waxayna badanaa ka soo baxdaa dusha sare ee kilida, hal killi kaliya way ka soo bixi karaan ama labada killiba.

Badanaa buro-biyoodka waxaa la arkaa markii lagu saaro kumbuyuutar "ultrasound", adigoo lagaa baarayo xanuuno kale ayaa la iska arkaa, badanaane qofka wax uu ka cabanayo ama wax dhib ah ay ku heyso ma jiraan, badanaana uma baahna daaweyn.

Astaamaha lagu garto Fiixda Kilyaha
Buro-biyoodka Fudud "Simple Cyst" wax calaamado ah oo lagu garto ama la dareemo ma jiraan, si kadis ah ayaana lagu arkaa, laakiin haddii ay weynaato waxay keentaa cadaadis xagga dhabarka dhinaca kilyaha, qandho iyo calool xanoo.
Inkastoo buro-biyoodka aysan astaamo lahayn laakiin xanuun ama cadaadis aad ka dareento qeybta jilicsan ee feeraha ka hooseyso oo gadaal xigto "daqayda" way dhici kartaa.
Haddii ay la socdaan astaamo kilyo xanuun sida qandho qarqaryo leh, kaadida oo ku gubeyso ama ku xanuunjinayso markii ay ku qabato ama kaadida oo dhiig leh waxay u badan tahay infekshan xagga kilyaha iyo kaadi mareenka ah ee ma ahan buro-biyood, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html

Maxaa keeno Buro-biyoodka kilyaha?
Lama ogo waxa keeno Buro-biyoodka Fudud ee kilyaha, laakiin waxaa loo malaynayaa in xuubka kore ee kilyaha inuu meel ka mid ah ka jilco, kadibne god yeesho oo ay ku aruuri karaan dheecaan.

Yay ku badan tahay buro-biyoodka Fudud?
Waxaa la aaminsa yahay in kullamaa da'daada kororto in buro-biyoodka fudud badato, laakiin da' kasta way ka soo bixi kartaa.

Dhibaatooyinka Buro-biyoodka ay Keento
Buro-biyoodka waxay keentaa dhowr dhibaato oo kale ah:
1- In Buro-biyoodka ay infkashan qaado oo ay keento qandho iyo xanuun siyaado ah.
2- In Buro-biyoodka ay dillaacdo taasoo keento xanuun dhabarka ah
3- In Buro-biyoodka ay marinnada kaadida xirto kadibna keento kilyo barar.

Sidee loo baaraa Buro-biyoodka Kilyaha?
Buro-biyoodka waxaa lagu ogaadaa sawir la isa saaro sida Ultrasound-ka, CT- Scan-ka ama MRI.
Waxaa kaloo muhiim ah in kilyaha shaqadooda iska baartid adigoo dhiig lagaa qaado.

Sidee loo daaweeyaa Buro-biyoodka Kilyaha?
Buro-biyoodka fudud ee kilyaha waxba laguma sameeyo, haddii aysan kugu heynin wax xanuun ah ayna kuu keeni karin dhibaatooyinka kor ku xusan.
Sidaa awgeed waa in aad ka jawaabtaa dhowr su'aal inta uu takhtar go'aamin in aad daawo u baahan tahay iyo in kale.
1- Buro-biyoodkaagu intee la eg tahay cabbirkeedu?
2- Ma Buro-biyood cusub baa mise waa mid hore oo aad isku ogeed?
3- Ma laga yaabaa in kaadida ay kugu xirto oo halkee kilyaha kaga taallaa?
4- Ma leedahay wax calaamado aad is leedahay buro-biyoodka ayay la xiriiraan?
5- Meeqo xabo ayaa kugu taallo?
6- Kaadidaada ma leedahay dhiig?
7- Ma qabtaa xanuuno kale oo takhtarka la xiriirin karo buro-biyoodka qatarta ah?
8- Wax daawo aad qaadato ma jraan, fitamiinno IWM?

Su'aalahaa ka dib waxaa laga yaabaa in takhtarku wax daawo ah uusan kuu qorin, laakiin haddii xanuun kugu heyso ama in dhib ay kuu keento laga cabsi qabo waa lagaa qalyaa.

Qalliinka Buro-biyoodka Kilyaha waa sidee?
1- In Buro-biyoodka cirbad lagaaga mudo oo lagu soo dhuuqo biyaha ku jira, kadibne lagu shubo aalkolo si aysan mar dambo biyo u galin oo ay u shuuqdo.
2- In qalliin lagugu sameeyo oo buro-biyoodka lagaa soo bixiyo.
Takhtarkaaga kala tasho nooca qalliinka uu noqon karo iyo dhibaatada uu kuu keeni karo mid walba.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin waad na soo weydiin kartaa.
http://somalidoc.com




Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66555
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69568
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62501
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46756
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45002
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc