Author Topic: Su'aal: Si raaxo leh u ma saxaroon karo?  (Read 10053 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aamino

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
Su'aal: Si raaxo leh u ma saxaroon karo?
« on: December 30, 2014, 11:55:33 PM »
Wan idin salamay dhakhatirta somaliye waxan qaba su'aal ah waxan dhalay 2013-5  cunug yar  inta wixi kadanbeyey ilamanta waxa i dhibaya in anan si cadiya oo raxo ah usaxarodo hadi waxyar ay caloshu adkato way idhigaysa dabadu  iyo xanun waxan utegay shan dhakhtar oo ifiriyey midwaliba waxa uu dhahay babasir maqabtid ki ugu danbeyey waxa uu dhahay mesha dilac ayan ku arka waxanan umalaynaya in ay markaf folanaysay ay ku dilacday marka in ay isked u bogsato ayey ahayd ee hadana calosha socodsi dawo yar oo bomato ahna wuu iqoray. Ilahadana haday calosha waxyar adkato way idhigaysa  saxaraduna kamaso wada dhamanayso ee bal ilataliya dhakhatir  tii iyo anifuna wanu isku wareray iyana waxay leyihin meshan waxba kuma aragno anigina meshii way i xanunaysa haday waxyar adkato caloshi wad mahadsan tihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Si raaxo leh u ma saxaroon karo?
« Reply #1 on: December 31, 2014, 09:47:00 AM »


Saxarada oo si sahlan ku soo bixi karin ama dhiig soo raaco waxaa keeni karo dhowr cudur oo ku dhaca malawadka, badankood indhaha laguma arki karo waxaad u baahan tahay in gudaha qalab loogu tala galay lagu fiiriyo si haddii gidaaradda malawadka ama mindhicirrada waaweyn dhibaato ka jirto oo keenayso in saxarada ay ku dhibto ama dhiig soo raaco.

Baabasiirka laftirkiisa waa mid bannaanka ah iyo mid gudaha, midka gudaha ah sidoo kale indho laguma fahmi karo.
Haddii sida takhtarka kale kuu sheegay ay tahay "Futo dillaac" ama waxa afka qalaad lagu dhaho, "Anal Fissure", iyadane muddadaas dheer ma qaadan karto, xilligii aad dhashay illaa iyo hadda sanad ka badan ayaa ka soo wareegay.

Midda kale oo dhici karto waa "Fistula" oo ah in haweenka foosha ku dhibaatooda ay dillaac u dhaxeeyo farjiga iyo malawadka ku dhaco, taasne haddii ay jirto calaamado kale ayaa dareemi lahayd sida in qoyaan ama dheecaan sida saxarada u u rayo inuu kaa socdo ama daqnasho siyaado ah oo aadan si raaxo leh u fariisan karin.

Xanuunnada kale oo keeni karo astaamaha aad ka cabanayso waxaa ka mid ah, xanuuno ku dhaco mindhicirrada waaweyn sida: Cudurka Bararka Xiidmaha "Crohn's Disease" ama Boogoobidda Maroorka "Ulcerative Collitis".

Fadlan u tag takhtar aqoon u leh waxyaabaha aad ka cabanayso si uu safiican kuugu wareesto, baaritaanane kugu sameeyo.

Halkaan ka akhriso waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin xanuunadaas:
Baabasiirka (Hemorrhoids): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html
Futo-dillaaca (Anal Fissure): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.msg3181.html#msg3181
Fiistulada (Fistula): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4531.0.html
Bararka Xiidmaha (Crohn's Disease): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html
Boogoobidda Maroorka (Ulcerative Collitis): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html

Haddii aad u baahan tahay warbixin intaa ka dheer oo ku saabsan xanuunnadaas iyo kuwa kalaba, fadlan noo soo gudbi.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Biyo-bax degdeg ah marka hore kadibna wuu daahaa, maxaa keeni karo?

Started by DiinowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17714
Last post April 08, 2011, 08:37:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo qof wadnaha ka xanuunsan, baaristune caadi tahay?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8280
Last post June 09, 2011, 10:50:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13681
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Suura kal ma tahey in baaris laku ogaan karo sanadka aan jiro (age )?

Started by Gedi20Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23719
Last post March 10, 2012, 02:47:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Walal waxan isku arkey kababiyow maxa keni karo?

Started by Samir YareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6277
Last post April 10, 2016, 11:08:41 PM
by SomaliDoc