Author Topic: Su'aal: Dhaawac maskax gaaray malaga kaban karaa?  (Read 25548 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aamina114

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhaawac maskax gaaray malaga kaban karaa?
« on: March 15, 2012, 06:48:33 PM »
asalaama calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh:

waxaan dhamaan salaamaya maamulka iyo dadka memberka ka ah webkaan qaaliga ah bacda salaan waxaan aad uga mahad celinayaa shaqaalaha webka shaqadaan ay u hayaan sida hagar li'ida ah. intaas ka dib suaal ayaan rabaa in aan soo gudbiyo. sida aynu wada ogsoonahayba waxaa jira waxyaalo badan oo qofka ibna aadamka ah maskaxdiisa saaman ku yeelan kara ama damge (dhaawac) gaarsiin kara. waxaan in badan ogsoonahay sida ay qofka u saamayn karaan dhibaatooyinka soo bara, sida dagaalka, dhacdooyinka naxdinta leh, ama wax qoka ku rida welwel joogta ah ama wax uu ka fakarayo. hadaba tusaale ahaan qofka dhib soo gaartay ay maskaxdiisa saamayso oo ay gaarsiiso dhaawac ah sida in uu qofka ilosho badan ku dhaco qofkaas hadii dhibtii waxaas ku keentay uu kabaxo ma dhici kartaa inuu ka soo kabto dhibtii maskaxda ka soo gaaray oo ay ladnaato oo sideedee hore ku soo noqoto

wabillaahitowfiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhaawac maskax gaaray malaga kaban karaa?
« Reply #1 on: April 06, 2012, 08:28:04 PM »
Horta arintaan markii takhaatiirta nafsaniga ay xallinayaan waxay ku saleeyaan qofka la daaweynayo, sababtuna markii la xalinayo cudur nafsaani ah waxay ku xiran tahay qofka qaabka uu nafsiyad ahaan u samaysan yahay, dhaawaca uu soo gaaray noociisa, saameynta uu ku reebay qofka heerka ay gaarsiisan tahay iyo in qofka diyaar u yahay in uu la tacaalo arintaas mise waa qof arintii fikir ku hayso oo in uu ka soo kasbado ay dhib tahay.

Waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado qofka dhaawaca markuu gaarayay da'da uu jiray, caruurta dhibaatada soo gaarto iyagoo yar in ay ka soo kabsadaan markii ay weynaadaan aad ayay u dhib badan tahay, haddii dhibkaasne uu ka soo gaaray qof uu jeclaa sida waalidkiisa iyadane kuma sii jirto, haddii dhaawca uu yahay mid jir ahaaneyd ama maskax ahaaneydne way kala daran yihiin.

Marka talo aan ku siin karo oo ku saabsan ama rajo in qofka uu soo kabsan karo iyadoo meelahaas dhan laga fiirin cillada waa dhib.

Talo waxaan ku siin lahaa in aad la xiriirtid takhtar nafsaani ah oo iiga haboon ka jawaabidda su'aalahaaga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Aamina114

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhaawac maskax gaaray malaga kaban karaa?
« Reply #2 on: April 10, 2012, 12:22:25 PM »
thank you doctor somalidoc