Author Topic: Su'aal: Wiilkayga waxaa laga helay Helicobacter pylori?  (Read 6285 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aamino

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wiilkayga waxaa laga helay Helicobacter pylori?
« on: January 02, 2015, 01:37:10 AM »
Wan idin salamau dhakhatirta domaliyed waxan idin wadinlaha sual ah wil yar oo an dhalay aya waxa laga helay labosano kahor helikoptar bakteriya waxladhaho  dawo antibiyotik ah aya lasiyey hada wilkayar waxa u jira afarsano ma hada mudo laga jogo dhor bilod aya wilkiyara waxa uu bilabay daco iyo dhuso macnaha naqasbadan oo kabaxaya dabada iyo daco xogakadib hadana waxa halmalin ku so boday calool xanun iyo mantag ad ubadan oo an kala jogsanayn  intakadib waxan ugeyey dhakhtar  islamarkiba waxa uu arkay dhakhtarki in ay wiilka yar hada kahor kudhacday bakteriyadasi  waxa u ka aqriyey kanbayutarka  wad ogtihin wadamadan yurubta qofka wixi ku dhaca halmar nolosjisa waxa logeliya  mesha uu ku leyahay buga dhakhtarka intakadib marku aqriyey  dhakhtarki wilkiyara warbixintisi waxa uu igu dhahay haa waxaku solabatay bakteriyadi ku dhacday laba sano kahor waxayna ku noqotay gastari waxana uu uqoroy kininka gaska waxanu igu dhahay xarkaso qad wanbaraynaye xarkiban ka qaday wan u geyey wana labaray walaga wayey bakteriyadi marka waxan idin waydin laha miyey sonoqota bakteriyafasi hadise laga daweyey qofka makaga tegikarta gasteri  wad mahadsantihin waxan rajaynaya inad ifahanten




Offline Drkheyre

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Wiilkayga waxaa laga helay Helicobacter pylori?
« Reply #1 on: January 02, 2015, 04:02:32 AM »
Mahadsanid su'aashaada 2 qeyb ayaa u kala qaadeynaa:-

1. H. pylori (Helicobacter pylori) ma keeni kartaa gaastiric? H. pylori (Helicobacter pylori) badanaa  wax dhibaato ma keento xilliga caruurnimada, laakiin hadii aan la daaweyn bakteeriyada waxay sababi kartaa xanuunyada ku dhaca hab-dhiska dheefshiidka sida gaastrik ama boog calooleed.

2. Miyey soo noqotaa bakteeriyadaasi hadiise laga daaweeyey qofka?. Infekshinka H. pylori badanaa waa la kasbadaa waxayna ka timaadaa cuntooyinga iyo biyaha wasakheysan sababtoo ah shaqsi ka shaqsi ayee ku faaftaa, sidaas owgeed laga yaabaa in uu cunnuga dib u helay.
Arinta kale oo dhici karta oo ah bukaanka marka uu dawada qaato waxaa loo sameey baaritaan sida loo ogaado in beketeeriya la xaliyay marka hadii aan la hubin laga yaabo in ee sii jirta bekteeriyada.

Halkaan ka aqriso waa maxay Helicobacter pylori ?
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3391.msg10264.html#msg10264

Halkaanka aqriso Gaas / Gaastiriko (Gastritis) -
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.msg945.html#msg945

Offline Aamino

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Wiilkayga waxaa laga helay Helicobacter pylori?
« Reply #2 on: January 02, 2015, 12:33:55 PM »
Walal ad bad umahadsantahay  jawabtada  ee waxan kuwaydinlahhasidan kafahmay jawabtada miya lakalaqada helicobtarbakteriyada    maselagayaba hadu cunugayar lagadaweyey in uu qof qaba kaqaday  musqusha hadi ula isticimalo oo aysidas ugu sonoqotay tankale hada walabaray saxaradisi walagawayey  sidekale oo lagu helikara baritano kale oo lasamayn kara majiran wadmahadsantahay su adhaydu waxay daba socota tii wilkayar bakteriyada ku dhacday inadfahantan rajaynaya

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wiilkayga waxaa laga helay Helicobacter pylori?
« Reply #3 on: January 03, 2015, 09:23:15 AM »
Bakteeriyada gaaska ee H. Pylori waa la kala qaadaa, waxaana lagu kala qaadi karaa calyada iyo saxarada.
Caruurtane badanaa waxay ka qaadaan waalidiintooda maadaama ay yihiin dadka ugu dhow.

Baaritaanka wuu noocyo badan yahay, waxaa lagu ogaan karaa illaa 4 siyaabood:
1- Neefsashada
2- Saxarada
3- Dhiigga
4- Cad laga qaado xuubka caloosha gudaha markaa la galiyo tubo loogu tala galay.

Takhtarkaaga kala xiriir qaabka ugu habboon ee loo baari karo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16220
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12680
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15180
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61171
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14163
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc