Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Caloosha oo shanqarto? iyo Caadada oo wareersan?

(1/1)

Aamino:
Asc wanidin slamay dhakhatirta sharaftale waxan qaba su al ah  calosha dhinaca bidixda ee sarcanta udhow macnaha mesha ugxanhaya oo sanqadha sidi melhawo ku jirto maxakena su ashakake qof dhiga cadada marnaka maqnanayo bilo marna isaga oo badan maxakena saxibaday aya  dhibkas  haysta wad mahadsantihin

SomaliDoc:
Su'aasha 1-aad ee ku aadan caloosha qeybta bidixi ee feeraha ka hooseyso ee shanqarta waxaa keeni kara gaaska, maadaama meesha aad tilmaamayso ay ku jirto caloosha, caloosha hadday faaruq tahayne way shanqartaa, haddii ay jiran tahay oo hawado ku samaysantane way shanqartaa ee qofka aad ka hadlayso ma shanqar kaliya ayuu dareema mise xanuun kalaa u wehliya.
Halkaan ka akhriso xanuunka gaaska calaamadihiisa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html

Su'aasha 2-aada ee ku aadan caado wareerka, halkaan ka akhriso jawaab hore: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version