Author Topic: Su'aal: Madax xanuun iyo soo boodid xiliga hurdada?  (Read 30022 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madax xanuun iyo soo boodid xiliga hurdada?
« on: January 07, 2015, 09:03:17 PM »
Waxa. Isku arkay habeenkii marka aan hurdo in aan halmar hurdada ka soo boodo sida aan darremayo in dhiig uu igu furmaayo madaxa  oo kale markaan hurdada ka soo boodana caadi ayaan noqdaa lkn waxan dareemaa subaxdii madax wareer iyo marmar in dhinac madxa i xanuunayo markaan dhaqtarka utagana ee aan dhaho amuu dhiig kar igu soo boodi rabaa dhiiga ayuu iga cabiraa waana caadi  mararka qaarna waxaan hurdada ka soo boodaa ayadoo aad moodo in naftuba iga bixi rabto marka aan soo boodana caadi ayaan noqdaa waxan is iraahdaa ma neefta ayaa kugu xiranta oo maskaxda ayaan hawo helin marka aaf soo boodo ee aaf neefsatana caadi ayaad noqotaa tankale digaaga marka aan cuno ayaan isku arkaa malaga yaabaa inuu digaaga keeno tankale marka aan qoraxda helo waxan moodaa inuu madax wareerkii iyo culeeskii iga dagay oo sistem kayga caadi ku soo noqonayo barafka iyo qaboowgana aan aad u dhibsanayo, Iyo sida inaa ahay oo kale qof ceejisan oo xidada madaxa dhan ayaa banaanka imaanaya dhagahana waa i xirmayaan sidii qof diyaarad saaran oo kale fadlan igala soo tali.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax xanuun iyo soo boodid xiliga hurdada?
« Reply #1 on: January 08, 2015, 11:29:51 AM »


Hurdada oo laga soo dhaxo am aad dareento in hawada kugu yaraatay ama lagu ceejinaayay, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Sleep Apnea" oo macnaheedu tahay "Neef ku dhegga hurdada".

Waxaa xaaladaan keeni karo cudurro badan oo aan la soo koobi karin laakiin kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah, haddii ay jirto cillad la xiriirta hawa mareenka ama dhuunta oo daboolanto ama xannibanto xilliga hurdada taasoo loo yaqaanno "Obstructive sleep apnea" waa cudur ku badan dadka buurbuuran ama sigaarka caba, ama khuuriya, qofka markuu soo jeedo wuu fiican yahay laakiin markuu hurdo wuxuu la soo boodaa naqaska oo ku dhaggan, markuu soo kacane wuu ka fuqaa, laakiin madax xanuun ayuu isku arkaa iyo inuu hurdo weli u sii baahan yahay iyo caajis badan iyo daal jirka oo idil.
Madax xanuunka waxa keenayo waa in oksajiinta ay ku yaraanayso maskaxda.

Waxa kalo oo keeni karo neef ku dhegga waxaa ka mid ah, haddii aad qabtid quuman ama qanjirrada adenoids-ka ay bararan yihiin, haddii aad laabjeex aad qabto ama calyo badan ay qanjirrada afkaaga ay soo saaraan oo aad ku sixanaysid.

Waxaa kaloo keeni karo, haddii aad qabtid cillad xagga wadnaha oo markii aad jiifsatid keensanaysa in sambabada ay cabburmaan maadaama uusan wadnaha safiican u shaqayn karin, laakiin middaan waxay leedahay calaamado kale markuu qofka soo jeedo sida inuu neeftuuro, caga barar iyo daal dhakhso ah ama uu qabo xanuun wadnaha saameyn karo sida dhiig kar ama dufanka dhiigga ee kolasterool.

Waxaa kaloo keeni karo dhibaatda neef ku dhegga waxa loo yaqaano cillada argagaxa ee "panic disorder" haddii aad qabtid oo qaraw ama naxdin aad la soo toosaysid, waxaa dareemi kartaa in lagu ceejiyay oo kale, oo hawada kugu yartahay.

Waxaa kaloo dhici karto qaab abuurka cunahaaga ama dhuuntaada ama duleellada sankaaga ay cillad ka jirto ama hilib kaaga yaallo taasina ay kugu dhajin karto neefta.

Midda kale ee aad sheegtay ee la xiriirta cunista digaagga in ay keeni karto, weli ma maqalin laakiin waxaa dhici karto in digaaga uusan toos u keenayn laakiin maadaama digaagga lagu kariyo 'spices" badan inay laab jeex iyo gaas ay keeni karto oo biyo kulul kugu soo rogmadaan khaas ahaan markaa jifiatid, sidaasne aad ku sixanaysid waa sida aan is leeyahay haddii aad qabtid cillad gaas.

Ugu dambayntii waxaan kugula talin lahaa in aad u tagtid takhtar guud oo aad u sharaxdid qaabka aad wax u dareemaysid oo dhameestiran laakiin aadan ku dhihin dhiigga iga cabir, takhtarka warbixinta u sheeg, isaga hagaa baaro waxa uu isleeyahay way keeni karaan.
Midda kale ogow, dadka dhiig karka markuu madaxa ku dhufanayo badanaa waa dad soo jeeda oo howl maalmoodkooda haysto ee badanaa ma hurdaan, maxaa yeelay waxa dhiigga sare u qaado kama mid ahan hurdada.

Xanuunnada aan kor ku soo xusay badankood waan ka soo wada hadalnay, waxaadne ka dhex baaran kartaa bogga.
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah ama warbixin intaa ka badan na soo waydii.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madaxa oo aad moodo ineey wax ku socdaan iyo dhafooro xanuun?
« Reply #2 on: January 10, 2015, 12:39:21 AM »
Waxaan dareemaya in madaxa aad moodo ineey wax iiga socdaan dhanka dhafoorada dhafooradana weey i xanuunaan mar marna waxan dareemaa in dhinac madxaba i xanuunaayo dhinac dhan marka aan foorrsadna uu isoo dhacaayo horay waxan usoo gudbiyay in madax wareer i haayo culeesna inuu madaxa iga saaran yahay oo kalena aan ahay marka qoraxda aan arkana aan roonaanaa qaboowgana aan wareer dareema iftiinka nalkana wuu i dhibaa mararka qaarna waxan dareemaa maskaxda ineey galee xusuuso aan loo dirin cabsina waan dareemaa markaas dhaqtarkaygana balantiisa weey igu dheertahay ilaa 10 maalmood kadib maxaa igula talin lahayd

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax xanuun iyo soo boodid xiliga hurdada?
« Reply #3 on: January 10, 2015, 01:32:07 PM »
Madax xanuunka wuu noocyo badan yahay, calaamado kala duwan wuu yeelan karaa, si aad fikrad uga qaadato noocyadiisa iyo waxa ay ku kala duwan yihiin, akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html
Calaamadahaan kale aad dareemayso ee xasuusta la xiriiro ama cabsida aa dareemayso wuxuu noqon karaa cillad xagga maskaxda la xiriiro, midaas takhtarkaaga ayaa la sugaysaa, kuna dadaal takhtarka aad la xiriirayso inuu noqdo takhtar "Neurologist" oo macnaheedu tahay takhtar ku taqasusay xanuunadda maskaxda iyo neerfaha ku dhaco.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33332
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32378
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23570
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29482
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48181
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc