Author Topic: Su'aal: Waxaa dareemaa aragga oo iga sii lumaya?  (Read 4070 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Khaalid Yusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waxaa dareemaa aragga oo iga sii lumaya?
« on: January 12, 2015, 07:54:23 PM »
ASC  waan wada salaamayaa dhamaan dhakhaatiirta.
Su,aashaydu waxay tahay  waxan dareemaa araga oo ka sii lumaya indhahayga mid kimida wax xanuun ah ma dareemo  balse waxaan ku arkay marka iftiin aan arko  shucaac falaaro sida qaansa roobad oo kale  ku wareegsan iftiinka hadii aan isku qabto oo takale ku fiiriyo malaha  sida falaarahaa ay bixinayso tan kale dhakhtar somaliya joogay ayan utagay waxan u sheegay in barihore  jug igaga  dhacday  waxuu dhahay waxa jira muraayad la dhaho bikaaciso oo ka dambeeysa isha  taas ayaa dhaawac kaagaaray  inuu kaaba,do waxa aad arkaysaa ee iftiinka la socdaa waa laga yaabaa ama ad sidaas iska ahaato wax baaritaan ah na igu ma sameen waxan imi sweden dhakhtar Ayaan maray baaritaan ah waxay igu dhaheen waxba kuma aragno oo dhib ah markaan u sharaxayna  waxa ku wareegsan isha marka aan iftiin arko waxay dhaheen adi maskaxdaada ayaa saa ku dhahaysa ee waxaba ma qabtid hada aragii waaba siiyaraaday oo isku dhax darsameen  qoraalka iga yara fog, waa hal il wali dhakhtar guud o somali ah oo sweden jooga oo somalya ka shaqeen jiray  mar hore ayan waydiiyey dhibkan waxuu igu dhahay tan waxaa la dhahaa gloucoma da hoosaysa  waxayna ku dambeysaa indha la, aan  waxna lagama qaban karo, markaa dhaqtarka waxan su,aalayaa dhibkaan aan ka soo sheekeyey waa maxay ma gloucoma mise waa wax kale waxse ma laga qaban  karaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa dareemaa aragga oo iga sii lumaya?
« Reply #1 on: January 13, 2015, 01:03:24 PM »
Qaabka aad u tilmaantay ee aragga sii daciifaya iyo qaanso roobeex wax u eg aad arkayso iyo in jug horay kuu gaartay waxay u badan tahay "Glukooma" inkastoo haddii aad u tagtay takhtar indho oo aad u sheegtay calaamadahaas la rabay in cadaadiska indhaha lagaa cabbiro, mana aadan noo sheegin in sidaa la sameeyay.

Fadlan halkaan ka akhriso cudurka Glucoma waxa uu yahay iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html

Halkaane waxaad ka akhrisataa qoraal ku saabsan baaritaannada indhaha lagu sameeyo oo ay ka mid tahay cudurka Glucoma si aad u ogaatid in baaritaankaa lagu marsiiyay iyo in kale: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,973.0.html

Taladayda waa in aad takhtar indho "Ophthalmologist" oo private ah u tag, waxa aad ka cabanayso iyo xanuunka aad ka walwalsan tahay intaa oo idil u sheeg, baaritaano ha lagu marsiiyo, kadib wixii ka soo baxo aan aragno.

Haddii aad faahfaahin dheeraad u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa, ama waad nala socodsiin kartaa wixii ku soo kordha xanuunkaaga.

caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16188
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12650
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15135
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61137
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14135
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc