
Weersho waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Squint".
Sida aad ka arkayso sawirka kore "Squint" waxaa la yiraahdaa markii qofku hal meel labadiisa indhood ay isla eegi karin, waxayna u badantahay caruurta.
Haddii cunugaaga uu ka weeynyahay 1 bil aadna ku argto weersho waa in aad la xiriirtaa dhakhtar indho sida ugu dhakhsiyaha badan maxaa yeelay weershaha waa la daaweyn karaa marka hore laakiin haddii in muddo saa lagu daayo waxay keeneysaa labada indhood mid in ay shaqada joojiso oo aragga daciifo, maxaa yeelay cunugga weershaha ah markuu wax eegayo labadiisa indhood laba meel oo kala duwan ayay fiirinayaan, laakiin maskaxda waxay amar ku bixinaysaa in la fiiriyo kaliya waxa uu markaa cunuga daneynayo taasoo keeneysa in waxa kale aan waxba laga soo qaadin, haddii in muddo ah cunugu saa u isticmaalo indhihiisa hal il kaliya ayuu ku shaqaysanayaa.
Dadka weershaha noqda markii ay weynaadaan maskaxdane ay kortay waxay arkayaan laba shay halkii marba taasoo dhibaato keeneysa oo maahan sida caruurta oo kale.
Weershaha waxaa jira laba nooc mid joogto ah iyo mid marmar ah, middda marmarka ah way sahlantahay.
Isha weershada ah markii ay fiirinayso gudaha oo sanka dhinaciisa ah waxaa la yiraahdaa caafimaad ahaan "esotropia".
Weershaha waa wax la daaweyn karo yaraanta waxaana lagu daaweeyaa laba siyaabood, muraayado aragga lagu saxo, jimicsi indhaha loogu talgalay ama qalliin.
Dadka da'da ah oo ku waynaaday weershaha haddii indhaha loo saxo oo qallin lagu sameeyo waxaa dhib ah si lagu soo celiyo aragga, laakiin caruurta qalliinka lagu sameeyo iyagoo yar jaanis fiican ayay leeyihiin oo araggooda ayaa u badnbaado.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com