Author Topic: Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?  (Read 8343 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
« on: January 14, 2015, 10:09:06 PM »
Waxan jecelahay in aad iga caawisaan waxa uu yahay dhabar xanuunka lala dhasho ama dhaxalka ah xiriise maleeyihiin dhabar xanuunka iyo maskaxda dhaqtar ayaan u gu tagay madac xanuu  scan ayaana leey mariyay waxana leeygu yiri madaxada waa ok lkn laf dhabarka ayaan xanuun ku aragnay waana wax aad ku dhalatay mustaqbalkadana waxba uma dhimayo lkn somali doctor bbc laga wareeysanayay beri ayaan ka maqlay xanuunada maskaxda inuu sababi karo xanuun dhabarka ah oo eey xiriir leeyihiin fadlan ila tali




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
« Reply #1 on: January 15, 2015, 10:19:08 AM »
Xanuunno badan oo lafdhbarta ku dhaco ayaa lagu dhashaa, waxaa habboon in aad xanuunka nooca uu yahay noo sheegtid si aan fikrad kaaga siinno.
Way jiraan xanuunno aanan qofka dhib u keenin, oo aanan saamaynin xangullaha lafdhabarta dhexmaro iyo kuwa saameyn ku yeesho.
Si warbixin dhameestiran kaaga siinno, noo sheeg xanuunka lagugu sheegay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
« Reply #2 on: January 17, 2015, 01:31:12 AM »
Pro ma aqaano nooca uu yahay mana la ii sheegin markaan dib uraadiyay file keeyga dhaqtarkada kala xiriir ayaa leeygu yiri lkn pro cilada aan ugu tagay dhabar xanuun ma ahayn ee madax xanuun ayuu ahaa scanka markii la igaliyayna waxa leeygu yiri madaxa waa ok lkn dhabarka ayaan jira xanuun aad ku dhalatay waxna makuu dhimaayo tan kale xiliga aan u tagay dhaqtarka madax xanuun aad ah ma qabin lkn waxa dhabarka la iga geliyay cirbad dhacaan leeygaga qaaday oo aan inuu dhuuxa yahay jecelahay markaas kadib waxa igu biloowday surka  ama qoorta taagagiisa ineey i xanuunaan iyo madaxa ukuntiisa jeegada xanuun garaac ah ilaa eey lalabo iqabato marka aan jiiftana waan ka roonaadaa markaan soc socdana wuu igaraacmaa malaga yaabaa xanuunkan saaidka ah inuu keenay cirbadii dhabarka la iigaga duray ee dhacaanka la iigaga qaaday dhaqtarkayga markaan lakulmo ayaana kuu soo gudbin doonaa xanuunka dhabarka nuuca uu yahay mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
« Reply #3 on: January 17, 2015, 11:43:49 AM »
Cirbadda dhabarka lagaa galiyay waxaa lagu qaaday dheecaanka maskaxda iyo lafdhbarta dhex sabbeeya ee loo yaqaanno "Cerbrospinal Fluid", waxaa la qaadaa markii la baarayo xanuunno infekshan ama caabuq la xiriiro xagga maskaxda, badanaa qof kasta ma samayn karo baaritaankaas waa inuu qofka khibrad u leeyahay, mideeda kalane xaalado in qofka laga hubiyo inusuan qabin ayaa jirto inta aanan la samaynin si cirbadda hadhow aysan dhibaato u gaarsiinin.
Calaamadaha aad dareentay way yeeshaan dadka qaarkodo cirbadda markii la galiyo oo laga soo saaro dheecaan weliba hadduu badan yahay dheecaanka la soo saaray waxaa dahcdo in cadaadiska maskaxda ay hoos u dhacdo oo qofka sida aad u tilmaantay dareemo oo ah in qoorta iyo meesha ay maskaxda iska galaan ay xanuuunto iyo qeybta gadaala ee maskaxda ee kuusan.

Haddii xanuunka aad kuu hayo ama aad dareemayso in uu sii badanayo fadlan la xiriir takhtar ku taqasusay xagga maskaxda iyo neefaha "Neurologist" si laguu baaro oo loo fiiriyo in maskaxdaada ay wax gaareen markii la sameyay baaritaankaas ka dib.

Midda kale ee ku aadan xanuunka aad ku dhalatay ee laga helay lafdahbarta adigaa kaa war sugaynaa Insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay Arachnoid cyst
« Reply #4 on: January 20, 2015, 04:01:40 PM »
Waa maxay cudurka Arachnoid cyst  ee dhabarka ku dhaca muxuuse maskaxda ugeeysan karaa madax wareer makeenaa fadlan waxan ugu tagay dhaqtar madax xanuun badan iyo wareer kadib scan la igaliyay waxa la iyiri cudurkan  ayaan dhabarka ka helnay wax weeyna ma kuu dhimaayo waana wax aad ku dhalatay spinal column ayaa la dhahaa daawo maleeyhay calaamadaha lagu garto maxay tahay qofka qaba cudurkan  maxaase lagula tacaali karaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
« Reply #5 on: January 21, 2015, 11:59:59 AM »
Arachnoid Cyst waa fiix biyood ka soo baxda maskaxda ama xangullaha lafdhbarta dhex mara.

Badanaa fiixdaan madaxa ayey u badan yahay, laakiin lafdhabartane wuu ka soo baxaa, waxayna ka dhalataa dheecaanka eebbe ku abuuray maskaxda iyo lafdhabarka ee loo yaqaanno "Cerebrospinal Fluid" ayaa buro ahaan u samaysmo oo kiish yar ayuu samaystaa oo ku xiran.

Badanaa waa lagu dhashaa, wayna samaysmi kartaa adigoo weyn, Astaamaha lagu dareemo xanuunkaan waxay ku xiran tahay fiixda meesha ay ku taallo iyo cabirka ay la egtahay.

Dadka qaba badankood waxba ma dareemaan, baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu arkaa, laakiin way jiraan dad yar oo dareemo mid ka mid ah calamadahaan soo socdo:
1- Headach
2- Lalabo iyo Matag
3- Caajis
4- Jarayn ama qallal
5- Madax barar
6- Aragga oo daciif noqdo


Haddii qoka uusan lahayn wax astaamo lagu dareemo, waxba daaweyn laguma sameeyo.

Laakiin haddii calaamadahaan kor ku xusan uu qofka dareemayo wax ka mid ah, lana hubiyo in fiix-biyoodkaan ay ka socdaan, markaas qalliin ayaa lagu sameeyaa.

Xanuunkaan waxaa lagu ogaadaa markii qofka la saaro CT ama MRI Scan.

Qalliinka lagu sameeyo waa in fiixda laga daadiyo biyaha ku xadhiban inkastoo ay soo laaban karto, sidaa darteed waa la qalaa oo iyada dhan ayaa la soo saaraa.

Fadlan kala xiriir takhtar ku taqasusay xanuunadaan si uu tala buuxda kaaga siiyo.
Spinal Column ama Vertebral Column ma ahan cudur ee waa lafdhabarka, waxaana dhex maro xangullaha oo loo yaqaanno "Spinal Cord" waa meesha dheecaanka aan kor kaga soo hadlay ay ku jiraan iyo neerfaha meesha ay jirka uga kala farcamaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67333
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70486
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63303
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47860
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46041
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc