Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
Abdi21:
Waxan jecelahay in aad iga caawisaan waxa uu yahay dhabar xanuunka lala dhasho ama dhaxalka ah xiriise maleeyihiin dhabar xanuunka iyo maskaxda dhaqtar ayaan u gu tagay madac xanuu scan ayaana leey mariyay waxana leeygu yiri madaxada waa ok lkn laf dhabarka ayaan xanuun ku aragnay waana wax aad ku dhalatay mustaqbalkadana waxba uma dhimayo lkn somali doctor bbc laga wareeysanayay beri ayaan ka maqlay xanuunada maskaxda inuu sababi karo xanuun dhabarka ah oo eey xiriir leeyihiin fadlan ila tali
SomaliDoc:
Xanuunno badan oo lafdhbarta ku dhaco ayaa lagu dhashaa, waxaa habboon in aad xanuunka nooca uu yahay noo sheegtid si aan fikrad kaaga siinno.
Way jiraan xanuunno aanan qofka dhib u keenin, oo aanan saamaynin xangullaha lafdhabarta dhexmaro iyo kuwa saameyn ku yeesho.
Si warbixin dhameestiran kaaga siinno, noo sheeg xanuunka lagugu sheegay.
Abdi21:
Pro ma aqaano nooca uu yahay mana la ii sheegin markaan dib uraadiyay file keeyga dhaqtarkada kala xiriir ayaa leeygu yiri lkn pro cilada aan ugu tagay dhabar xanuun ma ahayn ee madax xanuun ayuu ahaa scanka markii la igaliyayna waxa leeygu yiri madaxa waa ok lkn dhabarka ayaan jira xanuun aad ku dhalatay waxna makuu dhimaayo tan kale xiliga aan u tagay dhaqtarka madax xanuun aad ah ma qabin lkn waxa dhabarka la iga geliyay cirbad dhacaan leeygaga qaaday oo aan inuu dhuuxa yahay jecelahay markaas kadib waxa igu biloowday surka ama qoorta taagagiisa ineey i xanuunaan iyo madaxa ukuntiisa jeegada xanuun garaac ah ilaa eey lalabo iqabato marka aan jiiftana waan ka roonaadaa markaan soc socdana wuu igaraacmaa malaga yaabaa xanuunkan saaidka ah inuu keenay cirbadii dhabarka la iigaga duray ee dhacaanka la iigaga qaaday dhaqtarkayga markaan lakulmo ayaana kuu soo gudbin doonaa xanuunka dhabarka nuuca uu yahay mahadsanid
SomaliDoc:
Cirbadda dhabarka lagaa galiyay waxaa lagu qaaday dheecaanka maskaxda iyo lafdhbarta dhex sabbeeya ee loo yaqaanno "Cerbrospinal Fluid", waxaa la qaadaa markii la baarayo xanuunno infekshan ama caabuq la xiriiro xagga maskaxda, badanaa qof kasta ma samayn karo baaritaankaas waa inuu qofka khibrad u leeyahay, mideeda kalane xaalado in qofka laga hubiyo inusuan qabin ayaa jirto inta aanan la samaynin si cirbadda hadhow aysan dhibaato u gaarsiinin.
Calaamadaha aad dareentay way yeeshaan dadka qaarkodo cirbadda markii la galiyo oo laga soo saaro dheecaan weliba hadduu badan yahay dheecaanka la soo saaray waxaa dahcdo in cadaadiska maskaxda ay hoos u dhacdo oo qofka sida aad u tilmaantay dareemo oo ah in qoorta iyo meesha ay maskaxda iska galaan ay xanuuunto iyo qeybta gadaala ee maskaxda ee kuusan.
Haddii xanuunka aad kuu hayo ama aad dareemayso in uu sii badanayo fadlan la xiriir takhtar ku taqasusay xagga maskaxda iyo neefaha "Neurologist" si laguu baaro oo loo fiiriyo in maskaxdaada ay wax gaareen markii la sameyay baaritaankaas ka dib.
Midda kale ee ku aadan xanuunka aad ku dhalatay ee laga helay lafdahbarta adigaa kaa war sugaynaa Insha'llah.
Abdi21:
Waa maxay cudurka Arachnoid cyst ee dhabarka ku dhaca muxuuse maskaxda ugeeysan karaa madax wareer makeenaa fadlan waxan ugu tagay dhaqtar madax xanuun badan iyo wareer kadib scan la igaliyay waxa la iyiri cudurkan ayaan dhabarka ka helnay wax weeyna ma kuu dhimaayo waana wax aad ku dhalatay spinal column ayaa la dhahaa daawo maleeyhay calaamadaha lagu garto maxay tahay qofka qaba cudurkan maxaase lagula tacaali karaa
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version