Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waa maxay dhabar xanuunka dhaxalka ah?
SomaliDoc:
Arachnoid Cyst waa fiix biyood ka soo baxda maskaxda ama xangullaha lafdhbarta dhex mara.
Badanaa fiixdaan madaxa ayey u badan yahay, laakiin lafdhabartane wuu ka soo baxaa, waxayna ka dhalataa dheecaanka eebbe ku abuuray maskaxda iyo lafdhabarka ee loo yaqaanno "Cerebrospinal Fluid" ayaa buro ahaan u samaysmo oo kiish yar ayuu samaystaa oo ku xiran.
Badanaa waa lagu dhashaa, wayna samaysmi kartaa adigoo weyn, Astaamaha lagu dareemo xanuunkaan waxay ku xiran tahay fiixda meesha ay ku taallo iyo cabirka ay la egtahay.
Dadka qaba badankood waxba ma dareemaan, baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu arkaa, laakiin way jiraan dad yar oo dareemo mid ka mid ah calamadahaan soo socdo:
1- Headach
2- Lalabo iyo Matag
3- Caajis
4- Jarayn ama qallal
5- Madax barar
6- Aragga oo daciif noqdo
Haddii qoka uusan lahayn wax astaamo lagu dareemo, waxba daaweyn laguma sameeyo.
Laakiin haddii calaamadahaan kor ku xusan uu qofka dareemayo wax ka mid ah, lana hubiyo in fiix-biyoodkaan ay ka socdaan, markaas qalliin ayaa lagu sameeyaa.
Xanuunkaan waxaa lagu ogaadaa markii qofka la saaro CT ama MRI Scan.
Qalliinka lagu sameeyo waa in fiixda laga daadiyo biyaha ku xadhiban inkastoo ay soo laaban karto, sidaa darteed waa la qalaa oo iyada dhan ayaa la soo saaraa.
Fadlan kala xiriir takhtar ku taqasusay xanuunadaan si uu tala buuxda kaaga siiyo.
Spinal Column ama Vertebral Column ma ahan cudur ee waa lafdhabarka, waxaana dhex maro xangullaha oo loo yaqaanno "Spinal Cord" waa meesha dheecaanka aan kor kaga soo hadlay ay ku jiraan iyo neerfaha meesha ay jirka uga kala farcamaan.
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version