Author Topic: Bololka/Suuska Ilkaha (Tooth Decay)  (Read 55127 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Bololka/Suuska Ilkaha (Tooth Decay)
« on: January 05, 2008, 03:11:26 AM »


Qurmidda ilkahu waxaa weliba loo yaqaannaa madmadoowga ilkaha. Waxay keentaa iligga oo dalooshama haddii la daawayn waayana
waxay ka soo tagi kartaa dheehda (qaybta adag ee dusha ee daboolaysa iligga) ooy ku faafi kartaa qaybta ugu weyn (dentine) ee iligga gudahiisa ee jilicsan.

Qurmiddu waxay si degdeg ah ugu baahi kartaa qaybta ugu weyn ee iligga ee jilicsan waxayna ku dambeyn doontaa oo ay gaari doontaa xubinta jilicsan ee iligga (halbowleyaasha iyo xididdada dhiigga) oo ku taalla badhtamaha iligga waxayna u geysan doontaa xanuun iyo barar.

Marka ay xubinta jilicsan ee iliggu (pulp) ay xanuunsato waxaa laga yaabaa inay dhimato, jeermis ayaana ka dhalan kara qaybta bannaan ee qolka xubinta jilicsan jeermiskaas oo dhaafi doona dhammaadka xididka sal u ah iligga waxuuna soo saari doonaa malax ilig.

Calaamadaha
Qurmidda ilkaha inta ugu horeysa waxaa laga yaabaa in aan la arag wax caalamado ah laakiin waxaa dhici karta in takhtarkaaga ilkuhu uu dalool yar oo hadda soo baxay uu ku arko baaris iyo raajito. Sidaas darteed waa inaad si joogto ah ugu tagtid takhtarkaaga ilkaha
maadaama ay daawaynta daloolada yar aad uga dhibyartahay daawaynta qurmidda ilkaha ee heer fog gaartay.

Marka uu daloolku gaaro qaybta ugu weyn ee iligga waxaa dhici karta inaad iska aragtid dareen, gaar ahaan marka aad qaadato cuntooyinka iyo cabbitaanyada macaan, cuntooyinka aashitada leh ama kulul.

Waxaa laga yaabaa inuu ilkuhu ku xanuunaan marka ay qurmiddu u sii dhawaato xubinta jilicsan ee iligga. Haddii xanuunka ilkaha ay sababeeyeen cuntooyin kulul ama macan waxaa laga yaabaa inuu ku sii hayo xoogaa daqiiqado ah. Marka ay qurmiddu ku sii
dhawaato xubinta jilicsan ee iligga waxaa laga yaabaa inuu xanuunku kugu sii bato waxaana laga yaabaa inaad u baahatid inaad qaadatid daawooyinka xanuunka yareeya, paracetamol ama ibuprofen, si aad isaga dhowrto xanuunka. Waxaa daruuri ah inaad islamarkaaba u tagtid takhtarkaaga ilkaha haddii kale iliggu waa dhiman doonaa oo waxaa laga yaabaa inaad malax soo saarto.

Xanuunka ilkuhu waa calaamad muujinaysa inay dhibaato jirto, ayna gaartay hal ilig ama in ka badan. Dayacaaddu caadi ahaan xaaladda way sii xumaysaa, waxaana dhici karta in ay suurogal noqoto in khasaare laga dhigo ilig la badbaadin kari lahaa. Xanuunka ilkuhu waa
summad kuu sheegaysa inay fiicnaan lahayd inaad islamarkaaba u tagtid takhtar ilkeed.

Sababaha
Qurmidda ilkaha waxaa sababa jeermis ku dhexjira dabarka ilkaha oo kala saarsaarta sonkorta ku jirta cuntooyinka iyo cabbitaanyada aad cuntid aanad cabtid

Dabarka ilkuhu waa bac yar oo dhuuban oo dhegdheg leh oo marwalba dul saaranta ilkahaaga. Waxaa ku jira jeermis badan, qaarkood waxay qabsadaan sonkorta (karboohaydaraytis qamiirmi kara) ku jirta cuntooyinka aan cunno aanan caabno si ay u sameeyaan aashito. Aashitada waxay markaas bilaabtaa inay burburiso dhismaha dheehda.

Markay ay cuntooyinka sonkorta leh dhaafaan afka milix ka timaadda calyadaada ayaa waxqabad bilaabaysa ay ku dayactirto dheehda waxyeelladu gaartay. Hawshan waxay ku dhammaataa muddo 40 daqiiqo ku dhow. Qurmidda ilkuhu waxay ka dhalataa kumanaan
weerar oo ay aashitadaan ku qaaddo marka ay hawsha burburinta iliggu ay ka xoog badan tahay dayactirka calyada.

Waxaa muhiim ah in aad yareeyso inta jeer ee aad qaadatid cunto iyo cabbitaan sonkor leh.
Waxaa muhiim ah in laga fogaado qaadashada joogtada ah ee cuntooyinka fudud ee sonkorta leh ama kabbashada cabbitaanyada xoorka leh.

Dad tiradoodu aad u yartahay oonsan daryeelin ilkahooda ayaa la moodaa inay si dabiici ah uga difaacsan yihiin qurmidda ilkaha. Laakiin sida ugu badan dadka aanan si joogta ah u dhowrin nadaafadda afkooda qurmid ayaa ugu dambeynta gaari doonta ilkahooda qaarkood ama dhammaantood.

Haddii aanan la daaweyn, dabarku dhawaan wuu adkaan doonaa oo wuxuu noqon doonaa shay tabaashiir (jeesto) u eg oo cufan oo la yiraa ‘calculus’ oo u baahan in uu si xirfad leh meesha uga saaro takhtarkaaga ilkuhu ama qofka ku shaqa leh nadaafadda ilkahaaga.

Ogaanshaha
Kani waxaa sal u ah xanuunka iyo baarista jirka iyo raajitada ilkaha ee uu sameeyo takhtar ilkeed

Daawaynta
Qurmidda waxaa lagu daaweeyaa iyadoo laga soo qodo dhammaan shayada qurmay iyo markaas oo la buuxiyo daloolka. Sidan waxaa la samayn doonaa iyadoo la adeegsanayo suuxin qayb ku kooban. Dhowr nooc oo buuxin ah oo kaladuwan ayaa la isticmaali karaa waxayna ku xirantahay heerka qurmiddu gaarsiisan tahay takhtarkaaga ilkaha ayaana kaala talin doona waxyaabaha suurogal ah in laguu qabto..

Haddii aan ka hadalno kaysaska (xaaladaha) qurmidda ilkaha ee heer fog gaarsisan markaasoo xubinta jilicsan ee iliggu ay saamaysmato ama ay malax ka soo baxdo ilkaha, waxaa dhici karta in ay laga maarmaan noqoto in iligga xididka laga buuxiyo ama in xataa meesha laga
soo saaroba qaybta ka hartay iligga

Ka hortaggu wuu ka waxtar badan yahay daawaynta oo nadaafadda taxadarka leh ee afka iyo daryeelka guriga ayaa ka horjoogsan kara daloolada.. Haddii aad si joogto ah ugu tagtid takhtarkaaga ilkaha waxaad sidaas isaga hubsan doontaa inaad si degdeg ah u ogaato wixii
dhibaato ah oonad u dhibyarayso daawayntooda..

Dhibaatooyinka iman kara
Dhibaatada mar dambe iman kartaa ee ka dhalan kartaa qurmid ilkeed oo la dayacay waa malax ilkaha ka soo daadata. Marka ay waxyeelladu gaarto xubinta jilicsan ee iligga way dhimataa oo jeermis ayaa ku beerma kanaalka xididka iligga waxayna markaas xoog ugu
dhaafaan dhammaadka xididka waxayna halkaas ka sameeyaan malax ilkeed.
Waxaa la dareemaa xanuun gaar ahaan marka wax la goosanayo ama la calalinayo.
Cirridka halkaas ku hareersan ayaa laga yaabaa inuu isaguna ku bararo, kuna danqado.
Mararka qaar malaxdu xoog ayay ku soo dhaafta cirridka waxayna ku soo baxda iyadoo u eeg fin cirridka ku yaalla. Waxaa laga yaabaa inuu xanuunku kaa yaraado laakiin waxaa ahmiyad weli sii leh in iligga la daaweeyo.

Mararka ugu xun waxaa dhici karta in uu wajigu qofka bararo oo uu xumad yeesho. Waxaa suurogal ah in takhtarkaaga ilkuhu uu kuu qoro daawooyinka horjoogsada jeermiska si uu xanuunka uga hortago..

Mararka qaar si loo daaweeyo malaxda waxaa loo baahdaa in iligga meesha laga saaro si ay malaxdu usoo qubato. Hase yeeshee, waxaa badanaa suurogal ah in la badbaadiyo iligga haddii hoos loo qodo oo loo dhaafo malaxda si loo soo daayo dheecaanka, oo markaasna loogu daaweeyo qoditaan lagu sameeyo xididka.

Daawooyinka horjoogsada jeermistu keligood waxtar uma leh daawaynta malaxyada aad u degay.

Ka hortagga
Qurmidda iligga waxaa lagaga hortagi karaa nadaafadda afka oo si fiican loo ilaaliyo. Tani waxaa ka mid ah ilkahaaga oo cadayatid laba jeer maalinwalba adoo isticmaalaya daawo ilkaha lagu cadaydo oo ka samaysan maaddada kiimikada ee fluoride iyo adigoo ilkahaaga
dhexdooda maalinkaste ku nadiifiya xarig yar ama caday ilkaha dhexdooda geli kara. Tani waxay ka nadiifinaysaa dabarka marwalba dul fariista ilkahaaga waxayna yaraynaysaa khatarta xanuun aaysiidhtu ay keento.

Hoos u dhig qiyaasta cuntada iyo cabbitaanyada sonkorta leh si aad u yareyso inta jeer ee uu xanuun ilkahaaga uga yimaaddo aashitada.

Cunidda xanjo aan sonkor lahayn muddo toban daqiiqo ah marka aad cuntayso ka dib waxay taasi kordhisaa qulqulka calyada waxayna gargaar ka bixisaa burburinta ashito kaste oo ka samaysmatay cuntada sonkorta leh ee la qaatay.

Takhtarkaaga ilkaha ayay tahay inuu dib u fiiriyo sida aad ugu baahantahay in baaris lagu sameeyo ilkahaaga, taasoo ku toosan waxyaabaha aad u baahan tahay.

Haddii qurmidda hore loo daaweeyo buuxin ayuunbaa caadi ahaan ku filnaan doonta in qurmidda laga horjoogsado inay ku faafto qolka xubinta jilicsan ee iligga gudihiisa.
Waxaa weliba laga yaabaa in takhtarkaaga ilkuhu kugula taliyo inaad aragtid qof u xirfadleh nadaafadda ilkaha oo kaa caawin kara inaad ilkahaaga ka nadiifisid dabarka soo baxay iyo shayada adag ee dul fariistay ilkahaaga waxuuna ku tusi karaa siyaabaha ugu fiican ee aad
ilkahaaga nadaafad iyo caafimaad qab ugu dhowri kartid.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12096
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22564
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Burushka lagu cadaydo ilkaha dhibaato miyuu u gaysan karaa?

Started by Maxammed Siciid AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8033
Last post May 11, 2015, 02:50:20 PM
by SomaliDoc
Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 41015
Last post March 11, 2016, 09:48:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan rabaa inaan ilkaha ku xidho birta?

Started by DalxaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8969
Last post May 20, 2016, 09:18:01 PM
by SomaliDoc