Author Topic: Su'aal: Dhikisha oo mid uun jiirto?  (Read 3860 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Choukri

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhikisha oo mid uun jiirto?
« on: January 19, 2015, 09:27:08 AM »
Asc wlla ada iyo ada ayaad uu mahadsantin dhaman dhakhtiirta cafimaad ee somalidoctor. waxan idiin waaydinay will yar oon dhalay oo jiirah 7 sano ayaah hal dhikiyla ahaa leh ilaah haad into jiiro ee waxan idiinka raabah waax dhebatah  miyaay uu kenikarta cafimaad ahan iyo taran kiisa danbe waxana raabah wax taloyin ahaa mana gaayn dhakhtar wali dhebato kuma layso hno jawabta wan idinka sugayah dhaman tiin Allah khary haa idiin siiyo  wallo.byyyyyyyyyyyy




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhikisha oo mid uun jiirto?
« Reply #1 on: January 19, 2015, 02:25:31 PM »
Caruurta leh hal xiniinyo (dhikish) kaliya ama labadaba ay maqan yihiin waxay u baahan yihiin marka hore in la hubiyo in xiniinta aysanba ku dhalan ama in ay weli caloosha ku jirto oo aysan soo dagin.

Xiniinyaha marka ugu horreyso waxaa lagu sameeyaa caloosha qeybteeda hoose, kadib ayay soo dagaan oo ay galaan koloshka qooraha inta aysan caruurta dhalanin, waxaa dhacdo marmarka qaar in xiniinta ay soo daahdo oo ay soo dagi wayso, khaas ahaan caruurta ku dhalata iyagoo aanan bilo dhamaysan, waa loo sugaa lexda bilood ee ugu horrayso, haddii ay soo dagi wayso ama hal xiniin kaliya la arko waa in takthar caruurta ah laal xiriiro si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah oo loo fiiriyo haddii ay tahay cillad uu cunugga ku dhashay iyo haddii wax kale ay jiraan.

Waxyaabaha kale ee keeni karo waxaa ka mid ah in xiniinta ay kor u roorto oo ay qooraha ka baxda oo meel dhexe istaagto, taasna waa in la ogaadaa iyadane haddii ay jirto.

Fadlan la xiriir takhtar caruur una sheeg waxa aad ka cabanayso, waxa marmarka qaar lagu ogaadaa kaliya wiisito ama baaris gacmeed oo qalab wayn uma baahato, haddii ay hal xiniin kaliya inuu ku dhashay ay noqoto, waaa in la fiiriyaa haddii ay jiraan cillado kale ee la socdo sida kaadi mareenka ama kilyaha wax la xiriiro.

Haddii cilladahaas dhan aysan jirin, hal xiniin waa lagu noolaan karaa waana lagu ilmo dhali karaa, wax dhibaato ahne ma keento.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: