Author Topic: Su'aal: Murqaha miskaha dabcay maxa keena?  (Read 5923 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Hawakalif

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Murqaha miskaha dabcay maxa keena?
« on: January 22, 2015, 02:09:08 AM »
Asc  wa mahadsantihin dhamantina  ilaahay ajir ha idiinku siyo
Walalayal  sual ba qaba 
Waxa dhaqtarkeygu igu yiri murqaha miskaha ba ku dabac san
  Marka suasheydo waxay  tahay maxa keeena murqaha miskaha dabcaya age miyaa na 
Keena mise xanun
 Gabar an wax dhalin murqaha jilcan mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Murqaha miskaha dabcay maxa keena?
« Reply #1 on: January 24, 2015, 05:12:51 PM »
Murqaha miskaha ku jira wuxuu eebe ugu tala galay in ay xubnaha ku jirka miskaha ay booskooda ku celiyaan oo dabacsanaan dhicin sida kaadiheysta, minka, ibta kaadida iyo cinjirka futada iyo murqaha farjiga.
Waxay kaloo murqaha ka qeyb qaataan in ay sahlaan soo saaridda uurjiifka xililga foosha iyagoo soo cadaadiya ma kala wareejiya qaabka ugu habboon oo u soo bixi lahaa.

Dabacsanaanta murqaha miskaha waxaa ka timaadaa markuu dhaawac gaaro neerfaha quudiyo oo sii awoodda ay wax ku xajin karaa, waxyaabaha dhaawici karo waxaa ugu horrayso uurka iyo foosha.
Waxaa kaloo dabcin karo haddii qofka lagu sameeyay hadda ka hor qaliin xagga miskaha ah.
Waxaa kaloo dabcin karo in qofka uu dhaawac ka soo gaaro jimicsiga iyo ciyaaraha.

Dhibaatooyinka uu keeno dabacsanaanta murqaha miskaha waxaa ka mid ah kaadida oo ceshan wayso, minka oo soo raaraacsamo, darbiyada farjiga oo kala durqo sida qofka oon ku raaxeysan galmada.

Waxaa arrintaan lagu xallin karaa markii bilaw tahay in  la sameeyo jimicsiga Kegel ee murqo xoojinta miskaha oo halkaan ka daawan karto, haddii ay wax tari waydo waxaa dhici karto in takhtarkaaga kugula taliyo in qalliin seedaha murqaha lagu giijinayo lagugu sameeyo haddii xaaladaada ay culu tahay.

Fadlan la xiriir tkahtarkaaga isagaa la socdo sida xaaladaada ay tahay iyo xalka kugu habboon.

Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo minka oo soo raaraacsamo ama soo dhaco

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27024
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23557
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena in ay dibnahaaga qolof cad korto? Maxaase lagula tacaali karaa?

Started by Cabdi2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24391
Last post February 15, 2016, 05:22:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kor cuncun waliba jirka dhan gasatan naaasaha?

Started by NehaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12148
Last post February 06, 2016, 03:31:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9403
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc