Author Topic: Su'aal: Infakshinka so noqnoqdo maxaa daawo u ah?  (Read 26691 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hawakalif

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Infakshinka so noqnoqdo maxaa daawo u ah?
« on: January 22, 2015, 11:36:37 PM »
Asc  walalayal dhaman tiina ilaahay ha idiin barakeeyo
Gabar sxbtee ah ba sual qabta
Wa siidatan suashu  infakshinka so noqnoqdah
Oo ku dhahay (Uti)  muxu na u Geeysan  kara xubinta taranka




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Infakshinka so noqnoqdo maxaa daawo u ah?
« Reply #1 on: January 24, 2015, 04:58:45 PM »


Infakshanka soo noqnoqdo waxaa keeni karo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay:
  • In qofka aanan safiican looga daaweyn infakshankii hore, ama markuu daawada dhameestay inuusan dib isku baarin.
  • In daawada loo qaatay aysan waxne ka taraynin jeermiska keenay infakshanka, jeermiska infekshanka keenay oo adkaysi u leh daawada
  • In qofka daawada uu la qabsaday ama cabbirka uu qaadanayo ay ku yartahay ama daawada oon tayo lahayn.
  • In qofka uu infakshanka kaligiis laga daaweeyay hadduu xaas leeyahay, maadaama lamaanuhu ay kala qaadi karaan hadii aan la wada daawayn
  • In qofka uu halis ugu jiro inuu infkashanka ku soo laalaabto hadduu xaaladdiisa caafimaad ay liidato sida xanuunada difaaca jirka yareeyo.
  • In qofka nadaafadiisa ay liidato ama sameeyo caado caafimaadka u daran.

Waxaa habboon in qofka haddii laga helo infakshan safiican looga daaweeyo oo la siiyo daawo wax ka tarayso, laguna taliyo inuu daawada dhameesto muddadii dhakhtarka ugu talagalay, markuu dhamaystane ku laabto dhaktharka si loo baaro oo loo ogaado in uu ka raystay iyo in weli daawada aysan waxna tarin oo dhici karto in kaadida ama dhiigga la beero si loo helo daawada ugu habboon ee dili karto jeermiska qofka uu qabo.

Halkaan ka akhriso qoraal aan uga hadlay sababaha ku badiyay infekshanka haweenkeena: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55942
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162257
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106951
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57964
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62279
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig