Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Infakshinka so noqnoqdo maxaa daawo u ah?

(1/1)

Hawakalif:
Asc  walalayal dhaman tiina ilaahay ha idiin barakeeyo
Gabar sxbtee ah ba sual qabta
Wa siidatan suashu  infakshinka so noqnoqdah
Oo ku dhahay (Uti)  muxu na u Geeysan  kara xubinta taranka

SomaliDoc:

Infakshanka soo noqnoqdo waxaa keeni karo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay:

* In qofka aanan safiican looga daaweyn infakshankii hore, ama markuu daawada dhameestay inuusan dib isku baarin.
* In daawada loo qaatay aysan waxne ka taraynin jeermiska keenay infakshanka, jeermiska infekshanka keenay oo adkaysi u leh daawada
* In qofka daawada uu la qabsaday ama cabbirka uu qaadanayo ay ku yartahay ama daawada oon tayo lahayn.
* In qofka uu infakshanka kaligiis laga daaweeyay hadduu xaas leeyahay, maadaama lamaanuhu ay kala qaadi karaan hadii aan la wada daawayn
* In qofka uu halis ugu jiro inuu infkashanka ku soo laalaabto hadduu xaaladdiisa caafimaad ay liidato sida xanuunada difaaca jirka yareeyo.
* In qofka nadaafadiisa ay liidato ama sameeyo caado caafimaadka u daran.
Waxaa habboon in qofka haddii laga helo infakshan safiican looga daaweeyo oo la siiyo daawo wax ka tarayso, laguna taliyo inuu daawada dhameesto muddadii dhakhtarka ugu talagalay, markuu dhamaystane ku laabto dhaktharka si loo baaro oo loo ogaado in uu ka raystay iyo in weli daawada aysan waxna tarin oo dhici karto in kaadida ama dhiigga la beero si loo helo daawada ugu habboon ee dili karto jeermiska qofka uu qabo.

Halkaan ka akhriso qoraal aan uga hadlay sababaha ku badiyay infekshanka haweenkeena: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version