Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waa maxay Thrombocytopenia?
(1/1)
Hamda84:
asc dhamaan dhakhatirta sharafta leh waxan waydiinayaa ama aan rabaa in ay iga cawiyaan 2 xanuun ayaan qabaa oo anan garanyn wax yabaha ay yahiin ama ay keena markaa waxan rabay maxaan sameyaa maxay se ku yahiin khatar naftayda wakuwan xanuununadiina TROMBOCYTOPENI OCH NEUROLOGEN
SomaliDoc:
Thrombocytopenia, waa xaalad ay unugyada jirka u qaabilsan xinjiroobista ee loo yaqaanno "Platelets" ay jirka ku yaraadaan.
In ay jirka ku yaraadaan waxaa keeno cudurro aad u badan oo kala duwan waxaa dhici karto in unugyada laftirkooda ay cilladaysan yihiin ama dhuuxa lafta uu soo saari la'yahay intii laga rabay ay jiraan xanuun jirka ku jira oo burburinaya unugyadaan ama in aad jirka u isticmaalayo ama in aad qaadanaysid daawooyin yareeya unugyadaan iyo cudurra kale oo halkaan lagu soo koobi karin.
Haddii jirka unugyadaan ku yaraadaan waxaa ku dhici karo cudurka loo yaqaanno "Xinjiroobis la'aanta" oo qofka dhiigbixi karo ama dhiigga oosan si sahlan u istaagi karin.
Haddii takhtar kugu arko in unugyadaan kugu yaryihiin waa qasab inuu baaro oo helo cillada khaas ahaan haddii ay aad u yaryihiin, ma ahan xaalad sidaa looga aamuso waa in dabagal lagu sameeyaa.
midda labaad ma ahan xanuun ee waa magaca takhtarka ku taqasusay xanuunada neerfaha ku dhaco, kuwaasoo iyagane aad u badan ee haddii aad rabto in aad wax ka ogaatid waxa neerfaha uu yahay halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html
Fadlan la xiriir takhtarka kugu sheegay xanuunka haduu uusan ku sii baarin ama faahfaahin kaa siinin cillada 'thrompocytopenia'.
http://somalidoc.com
Hamda84:
sc waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa doctarada u huray dadkoda wakhtiga qaaliga ah ilahay a ka abaal mariyo aad iyo aadna way u badan sanyahiin dhamantodba waxan rabaa kadib in hal xanuun la iga siiyo fah faahin ama wax yalaha keena iyo dhibka uu leeyahay insha lh xanuunkiina wakan Hematologist
SomaliDoc:
Hematologist ma ahan xanuun ee waa takhtarka ku taqasusay xanuuanda ku dhaco dhiigga, sida dhiig yarida noocyadeeda kala duwan, kansarka dhiigga ku dhaco, cillad xinjiroobis la'aanta dhiigga iyo xanuuno kale.
Sida aad tilmaantay haddii aad qabtid "thrombocytopenia" waxaad u baahan tahay in aad aragto takhtar "Hematologist" ah.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version