Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Abuuyuusuf:
asc waan idin salamay dhaqaatiirtiina qaaliga ah salan kadib waxaan jeclaan lahaa in aan idin waydiiyo marka hore infacshanka kaadida ee dhiiga soo raaca ee lo yaqaan ( hemoglabin ) maleeyahay in korkaaga ka soo baxaan wax calaamado ah ama cad cad jirkaaga kasoo baxa oo yar yar aanan aheen nabar iyo nabro yar yar oo aad isleedahay cun cun yar yar ayay leeyahiin iyo xaniinyaha oo ku xanuuna marmarka qaar
SomaliDoc:
Marka hore, Hemoglobin ma ahan infakshan, ee waa birta dhiiga ku jirta, in kaadida uu soo raacdo ayay astaan u noqon kartaa in caabuq kilyaha jiro maadaama sida caadiga ah aan la rabin in kilyaha uu ka soo gudbo.
Faruuruc ka soo daato jirka khaas ahaan meelaha jirka hurusan sida xaniinyaha aad tilmaantay oo cuncun wato waxay noqon kartaa allergy ama xanuun maqaar oo bilow ah.
Fadlan la xiriir takhtar ee tusi faruuruca si loo arko.
Abuuyuusuf:
asc salan kadib waad mahadsantahiin sida wacan ee aad iiga soo jawabtay su aashaydii waxaanse ku darsan lahaa hada waa uu iga istaagay dhiiga oo baaritaankii ugu danbeeyay waxa uu ii sheegay in ay ay tahay nagative balse wali ayan waxaan daremayaa in kaadi marakay iqabato oo aan yara daaho in aan xanfaf cun cun ah ka dareemayo guda guska marka aan kaadiyana cabar kadib aan dareemayo xaniinyaha oo iyara xanuunaya
su aasha kale ayaa waxaa ah hadii uusan aheen infakshan maxay taqaatiirta iigu qoreen anti biyootic waliba tankiisu gaaraya ilaa 500mg
inkasta oo markii ugu danbeeday ay i dhaheen biyo badan uun cab kaadidaadana ha badnaato
su aaha kale ayaa waxa ay tahay cudurkan malaga yaabaa in aad u gudbiso xaasaskaaga sidee adiga kula tahay halka uu iguiri taqtarkaygii aan u tagay waxmacnaah malahan mahadsanidiin
SomaliDoc:
Hadddu qofka uu leeyahay astaamihii lagu yaqaanay infakshanka kaadi mareenka, jawaabta kaadidane aysan waxna tusaynin, takhtarka wuxuu awoodaa inuu bukaanka uu u qoro daawo isagoo raacayo aqoontiisa.
Wayna dhacdaa qof xanuunsan in jawaabta dhiiggiisa ama kaadidiisa ama saxaradiisa waxba lagu arkin, taasi ma ahan in qofka uusan xanuunsanayn, waxay ku dhici kartaa dhowr sabab:
1- In jeermiska uusan ku jirin sample-ka lagaa qaaday
2- In shaybaarka uusan safiican u baarin ama uusan arkin
3- In jeermiska uu aad ugu yaryahay dhiigga ama kaadida inta aad sheybaarka gaysay oo aan si sahlan lagu arki karin
4- In aad daawo hore u soo qaadatay laakiin aadan wada dhamaysan taasine waa midda ugu badan ee soomaalida ku dhacdo
Sidaa darteed ayaa waxaa lagula taliyaa qofka laga qaadayo dhiigga ama kaadida in laga qaado xilliyada la is leeyahay wax waa laga arki karaa, tusaale ahaan kaadida oo kale waxaa fiican in la qaado markii aad salaadda subax soo toostid maadaama ay habeenkii oo dhan kaadi haysta ku jirtay, ama in aad kaadida dhexda ku jirto aad qaadid oo midda ugu horreyso oo soo baxayso aadan qaadin.
Dhiigga waxaa tusaale u ah in cudurka duumada ama malaariyada waxaa habboon in la qaado markuu qofka qandhada hayso markaa si sahlan ayaa lagu arki karaa, saxaradane waa sidaasoo kale.
Midda ugu dambayso infakshannada lagu kala gudbiyo galmada halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html
http://somalidoc.com
Abuuyuusuf:
asc salaan kadib dhaqaatiirta sharafta leh waxaad mudan tahiin sharaf balaaran waxaan su aal yar ku dar san lahaa su aashaydii hore waayo aniga kuma dhihin dr xaniinyaha ayaa i cuncunaya ee waxan ku iri xanuun ayaa jira hadase alx waxba kama dareemayo xanuun ah kaadidii iyo xaniinyahaba ilaa iyo markii baaritaankayga laga helay in uu dhiigii istaagay
balse su aashayda maanta ayaa waxay tahay mida kowaad waxa aan iska dareemayaa in uu igu reebay mise reebi karyaa cudurkaas looyaqaan (Hemoglobin ) jirkaaga oo kasoobax baxo cad cad yar yar oo aad moodo qawed oo meelo jirkaaga ka mida ka soo baxbaxo gaar ahaan gacmaha meesha calaalacasha mahanee qeebta ka koreeso ama wajiga oo ay kasoo baxan gaaskase markuu aad kuu qabto isaga qudhiisa ma keeni karaa asc
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version