Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
SomaliDoc:
Haddii aad ka caafimaaday allaha kuu siyaadiyo, midda xigta sida aan kor kuugu sheegay ma jiro cudur la yiraahdo "hemoglobin" waa calaamad tahtarka tusinaysa in kaadida uu dhiig soo raacay.
Kaadida oo dhiig soo raacane qasab ma ahan in wax cadcad ay jirka ka soo baxaan.
Halkaan ka akhriso waxa uu yahay infekshanka kaadi mareenka iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
Cadcadaanka jirka aad tilmaantay oo qawadka u eg, fadlan kala xiriir takthar maqaar si lagla taliyo.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
Abuuyuusuf:
asc waxaan haada idiin soo gudbinayaa salaan taqaatiirta sharafta leh salaan kadib waxan ku darsanataa su aashaydii su aashan iyo dareemkayga hada sida uu yahay dr waxa aad sheegtay in dhabarka oo ku xanuuna keeni karta runtii aniga waxaa hada aan dareemayaa xanuun ah dhabarka ilaa garbaha iyo qoorta oo ixanuunta madax xanuun aad ubadana waan dareemaa ilaa habeenkii marka aan seexanayo aniga oo maskaxdayda gacanta ku celinaya aan seexdo waxaan kale oon dareemaa tabar dari aad u daran waxaanse filayaa in ay taasi keeni karto gaaskayga oo aad u daran waxaa hada iigu daran oo aan daremayaa in aan murqaha garbaha ee u dhaw dhuunta iyo qoorta ka dareemay barar yar kaas oo aan dareemayo in uu xanuunkiisa u gudbinayo gacmaha ilaa dhabarka hoose shaqadayda gacmahana markii aan hool ku qabanaya waxaan dareemayaa tabar laan ila aan qoraalka computer ka xataa aan kari waayo sida drevinka oo kale ama alaabaha aan ku qaadayo hada xanuunkayga waxa uu u badan yahay dhabarka garbaha iyo waliba qoorta oo marmar ku soo biirta iyo maskaxda oo joogta ah waxaan kala saari la ahay midka uusababo gaaska iyo midka uu sababo kaadida gacmaha iyo garbaha waxaad moodaa in uu gudada dab ka holcayo marmarna lugaha ayaaba soo saaidiya caloosha ayadana aad ayay ii gubanaeesaa marmarka qaar sida subaxii marka aan soo kaco oo kaleiyo marka aan dhargo oo anoo baahnaa aan raashin cuno marka sdr cudurkan siduu ukala qeebsamaa sideesa ugu kala tala galaa
su aashayda ugu danbeesana waa wajiga oo labada geesood ee dhagaha u dhaw madoow soo koro ilaa hoos ku dhawaad garka ama ka kor iyo gacma inta kore ee faraha krkooda ah ilaa meesha laga xiro shaatiga gacmadheeraha ah iyo meela yar yar oo kale sida cajiraha lugaha hoose waad mahad santahiin taqaatiirta sharafta leh ee siku hooshay in ay na caawiso
caafimaadka ilaahay ayaa hayo ee dhamaanteen hana wada siiyo anaga iyo adinkaba aww
SomaliDoc:
Abuuyuusuf, fadlan la xiriir takhtar cudurrada guud, si laguu wiisteeyo maxaa yeelay cabashadaada xubin kasta waxbaa ka sheegtay waxaa dhici karta in dhowr cudur ay yihiin waxa aad ka cabanayso oo gaas kaliya uusan ahayn.
Wixii takhtarka aad kala soo kulanto waad nala wadaagi kartaa insha'llah.
Abuuyuusuf:
asc aad ayaad umahadsantahiin taqaatiirtiinan sharafta leh waa jawaab fiican waliba insha alaah waxii aan kala kulmo waan idiin soo gudbin doonaa si aan idiinaka qaato qibaradiina wanaagsan waxa ay ii tareesana aan ogahay in ay wanaagsan tahay
su aasha aan maanta ilaaway ayaa ah waxaan ahay nin xaasas badan mudo 4 bilood ahna waan iska ilaalinayaa waa inta aan isku arkay arintaan marka waxaan idin waydiinayaa anigoo aqristay cudurada aad ii soo sheegteen ee galmada lagu kala qaado kana ma noqan karyaa isagana in aan kala qaadno aniga iyo xaasaskayga hadii aan u galmoodo mise kani kuma faafo galmada ee waa cudur gaara oo qofka iskiis ugu imaan kara taas ayan rabaa in aad iikala saartaan
mahadsanidiin waxii kale oo arina aniga ayaa idiinla soo socodsiin doona insha alaah
caafimaadka ilaahay ayaa hayo ee anaga oo idil alaha ina siiyo caafimaad badan
SomaliDoc:
caabuqa kaadi mareenka kama mid ahan cudurrada galmada lagu kala qaado, haddii aad iska shakisan tahay fadlan u tag takhtar si laguu baaro iyo haddii ay jiraan cudurro kale.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version