Author Topic: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?  (Read 70991 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Choukri

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« on: January 28, 2015, 06:12:42 PM »
asc dhakhtertah sharahta leeh ee sida wanagsan ugu adigayah umaad somaliyeed meelkasta ooy joogan wana idin mahadnaqyna dhamantayad.waxana raabaah su:aasha ahaa waha jiirta gabadha walashay oo haad umolaah mudo 2 bilood iyo 19 cisho wahay umool kutahay cunug yar waxay ishaagtay inaynah cano badan lahaayn naase heedo oo cunuga  ayaay siiso canah jiiijos 1.malintibah 6 jiir :iyadaah iyo cunuga ayaay iska cafimad qaban ee waxan raabah waax talah ama kenikara cano yarida hooyada iiin laa isheego dhakhterta sharafta leeh .wanad mahadsantin dhaman dhakhter taah dbyyyyyyyy




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« Reply #1 on: January 29, 2015, 10:25:37 AM »


Hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naasahooda in ay ku yaryihiin ilmahooda, sababtane waxay tahay iyagoo aaminsan waxyaabo qaldan oo ay ku ogaadaan in caanaha ay yaryihiin ama ay badan yihiin.

Tusaale ahaan, hooyooyinka qaar ayaa waxaa calaamad u ah in hadduu cunuggu dilqaynin in naasahooda caanaha ku yaryihiin.

Hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in haddii naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso ay caano la'aan tahay.

Qaar baa aamisan haddii naasaha culees aysan ka dareemin in caanaha ay ku yaryihiin.

Intaasba waa qalad in wax looga qiyaas qaato.

Ilaahay wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay, midda kale ma ahan macnaheeda in caanaha ay meesha ku jiraan markuu cunugga nuugane ay faaruqaayaan oo in ay soo buuxsamaan in loo sugo ay tahay.

Haddii hooyadu ay caafimaad qabto, badanaa naasaheeda way ku jiraan caano ku filan cunuggeeda, way dhici kartaa haweenka qaar in ay caanaha naasahood ku yaryihiin waxaana lagu ogaan karaa in weli ay arkayaan in cunugga uu baahan yahay ama ay dareemayaan muddo badan oo isku xigxigta in cunugga uu u baahan yahay in naaska la jaqsiiyo.

Kuwaas waxaa u keeni karo caana yarida waxyaabahaan soo socdo:
1- In hooyada naasaheeda ay yaryihiin oo aysan lahayn unugyada caanaha sameeya oo ku filan.
2- In hooyada ay qabto dhibaatooyin xagga hormoonnada sida in sonkor qabto oo kale ama ay qabto xanuunka thyroid-ka, dhiig-kar ama fiix ay ku leedahay ugxan sidaha oo soo deynayo hormoono.
3- In hooyada hadda kah or qalliin looga sameeyay naasaha.
4- In hooyada ay qaadato kaniini uur ka hortag.
5- In hooyada ay qaadato daawooyin yarayn kara caanaha naaska ama geedo daaweed.
5- In hooyada aysan garanaynin qaabka iyo sida cunugga loo jaqsiiyo naaska ama iyada qaab fadhiisadka uu ka qaldan yahay ama cillad abuuris xagga feerah ay qabto. (maxaa yeelay naasaha waxay sameeyaan caano intii uu u baahan yahay ama uu ka nuugo cunugga)
6- In hooyada aysan habeenkii cunugga nuujin (habeenkii oo aan la nuujin cunugga waxay keensanaysaa in soo saarka caanaha naasaha ay yaraadaan)
7- In hooyada ay cunugga ku bilawday wax aan caanaha naasaha ahayn maalmaha ugu hooreeyaba oo cunugga inta uu naaska ka cabayo ay yartahay sdiaasne soo saarka caanah ay ku yaraadeen.

Waxaa habboon oo hooyooyinka in lagula taliya ah in inta aysan go'aan gaarin in caanaha naasaha ay ku yaryihiin in la ogaado haddii ay jirto cillad yaraysay oo la xallin karo.
Waxaad kaloo ogaataa, caana yarida kuma xirna in hooayda ay cayilan tahay ama caato ay tahay.

Waxaan jeclaan lahaa hooyooyinka ku dagdaga in ilmahodoa ay caano xoolo ama caano warshad kula carara iyagoo naas nuujin kara in ay akhristaan faaidada ku jirta naas nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html

Akhriso: Sida loo kordhin karo Caanaha Naasaha?
Wixii su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Choukri

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« Reply #2 on: January 29, 2015, 11:21:38 AM »
asc wlllo dhaman tin wan idiin duceeyay. waxan kaa ogadaay gabadha wllshay inaay cunto kininka uurka kaa hortaga iyo inaay cunuga habeenkiiy  uu kicin iyo inaay siiso canoo warshad  aynah kuu bilowday isago jiir laba week ee wahaso dhaan miyaay dhiib kaa dhalan kartah .waanad kuu mahadsan taay siida wanagsan ee iga cawesan su:aashayda.byyyyyyyyy

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« Reply #3 on: January 31, 2015, 10:20:55 AM »
Int aad ka dhawaajisayba way ka qeyb qaadan karaan caano yarida ay ka cabanayso walaashaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« Reply #4 on: December 21, 2015, 08:08:51 AM »
Asc, Somalia Doc aaad ayaad umahadsantihiin macluumaatka aadka u balaaran eeed nafahansiiseeen aaan sii raaciya suaashayda inta badan hooyooyin markay umulaaan waxaaa lasiiyaaa daaawooyin qalajiyo daawadaas qalajiyaha ah maka qayb qaaadan kartaaaa yaraynta caaanaha hooyada?

Mahadsanidiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« Reply #5 on: December 23, 2015, 12:24:02 PM »
Daawooyinka qallajiyayaasha qaar waxay yareeyaa hormoonada u xilsaaran soo deynta caanaha sidaa daraadeed caanaha way yaraadaan.
Sidaa darteed ha qaadanin daawo uusan dhakhtarka kuu qorin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qoorgaab120

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?
« Reply #6 on: January 18, 2019, 08:44:17 AM »
Asc
Waa mahadsan tihiin dhaqaatirta sharafta leh.
Hadaan su'aal sii raaciyo cunugu markuu dhasho inta badan waxa lasiiyaa caana xoolaad ayadoo laleeyahay caanaha hooyada ee danbarta ah ma nuugi karo, taaas ma dhibaata ayay keeni kartaa?


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55916
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162226
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106924
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57931
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62256
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig