Author Topic: Su'aal: Nabro ama Kuus ka soo baxo qadaadaka?  (Read 5025 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Munira Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Nabro ama Kuus ka soo baxo qadaadaka?
« on: January 29, 2015, 12:41:59 PM »
1.Asc bahda barnamijka cafimadka wan idiin mahadcelinayaa marka hore, su'aashayda waxay tahay: mudo kabadan 10sano ayaa waxaa iga soo baxa nabro madaxa qaybta danbe ee qadaadka awal hal meel ayay ahaan jirtay lakin hada dhawr ayay noqdeen bishiiba 1mar ayuu soo baxaa wuu xanuun badanyahay ugu yaraan asbuuc ayuu ihaynayaa oo madaxa dhan ila xanuuni oona dhinacaas useexan karin kadib wuxuu samaystaa malax markii malaxdaas la iga dhiijiyo waan fiicnaadaa nabarkiina tartiib tartiib ayuu unoqdaa sidaas ayuuna markasta usoo baxaa, marka nabrahaas maxay noqon karaan malaga yaabaa nabrihii aad kasheekayseen inay xariir laleeyihiin?
2.suaasha 2baad walalkey waxaa asagana marmar  qadaadka meesha geeska ah ee kuusan ayaa soo bararta wayna xanuuni lama taaban karo wax af ah ma midab ahna malahan markaad taabatana waa adayg kadibna way iska baaba'daa marka taasna maxay noqon kartaa?
Aad ayaad umahadsantihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Nabro ama Kuus ka soo baxo qadaadaka?
« Reply #1 on: January 31, 2015, 10:30:26 AM »
Nabro kala duwan ayaa ka soo baxo meesha tinta iyo madaxa iska galaan qeybta dambo ee madax, waxaa habboon in aad tustid takhtar maqaar si uu u arko nabarrada markay soo baxaan, dhowr cudur ayaa keeni karo in muddo intaa la eg ay nabro kaa soo baxaan kadibne ay laabtaan.

Su'aashaada labaad meesha aad tilmaantay ee soo kusuan, qadaadkane ku aadan, marmarne baaba'do marmarne soo kusuato oo daqnasho leh, carurutane u badan waa qanjirka qadaadaka ku jira uu bararan, waxyaabaha barariyane waxaa ka mid ah infakshan ku dhaca dhuunta, quumanka, dhegaha ama qoorta meel ka mid ah.

Waa calaamad lagu garto in caruurta ay jirkooda la dagaalamayaan jeermis u dhaw qanjirkaa bararan, haddii tusaale ahaan cunuggaaga qabo quumana soo noqnoqdo ama dhagaha ay dillaacsan yihiin wuu bararaa qanjirkaas.

Fadlan la xiriir takhtar caruurta ah si loogu qoro daawo lagula dagaallamo jeermiska.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23364
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: nabro ka soo baxay qooraha kadibna canbaar isku badalay?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7711
Last post August 26, 2011, 08:59:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo daweyn karaa Nabro Madaxa ka soo baxay oo is badbadalaya?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 18436
Last post February 20, 2013, 01:17:28 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxanan isku arkay nabro igasoo baxay hoosta?

Started by Laki HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7580
Last post February 26, 2016, 09:04:59 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wax buuran oo hilib camal ah ayaa ka soo baxo hoosteyda?

Started by SammiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10725
Last post November 10, 2012, 03:33:55 PM
by SomaliDoc