Author Topic: Su'aal: Minka oo qalooca?  (Read 4982 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Khaalid Yusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Minka oo qalooca?
« on: February 01, 2015, 08:40:00 PM »
Asc wan salaamayaa dhamaan dhaqaatiirta, salan kadib
waxa jira xaas aan qabo oo sadex jeer  aan  u aaday ayadoo  joogta afrika itobiya laba bil ama sadex bil kama badneen intaan la joogo wax uur ah ma ii yeelan   waan is baarnay waxaa nala dhahay waa dhali kartaan labadiinaba balse waxay aamin santahay in minkeedu qalooco  sababtoo ah marka caadadu ku soo dhowdahay ama ay ku dhacdo waxaa xanuuna dhinaca bidix ee dhanka hoose ee caloosha dhakhtar ayan u geeyey  hoosta ayuu  ka fiiriyey asagoo adeegsanayo qalab computer ah waxuuna u sheegay in wax dhiba uusan ku arag dhiig iyo dheecaan na uu ka qaaday waxbana  laguma sheegin minkeeduna ma qalooce ayuu dhahay ayada iyo dumar  kale ayaa qaba in dhakhtarku  ogaan karin in minku qalooco ee dumar wax farsameeya kuwaas ayaa ogaan kara markaa waxan dhaqaatiirta waydiinayaa dhaqtarka haysta qablabka casri ah ma ogaan karaa in minku qalooco? waan  layaabay fakarka dumarkee waad mahadsantihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Minka oo qalooca?
« Reply #1 on: February 02, 2015, 06:04:56 PM »
Dhakhtarka wuu ku ogaan karaa hadduu isticmaalay qalabka computerka ee ultrasound-ka loo yaqaano kan kor laga saaro caloosha iyo midka gudaha la galiyo intaba.

Haddii inta baaritaankaas la sameeyay la yiri wax qallooco ma jiraan, waa sax, xaaskaagane waa in aad ku qancisaa in ay aaminto jawaabta baaritaanka dhakhtarka.

Midda kale, way jiraan haween badan oo soomaali ah oo aaminsan in aysan uur qaadi karin illaa in laga gubo wax ay ku sheegaan in minka afkiisa uu ka soo baxo, ama minka u diidan inuu tooso sidaasne ay uur ku qaadi karaan, markii alga gubo.

Taasi caafimaad ahaan sax maahan, qofka aaminsane way dhib badan tahay in baaritaan nooc kasta aad samayso in uu ku qanco, maxaa yeelay waxaa u sheekeynayo dumar kale oo dhahayo, heblaayo markii laga gubay ama la sacneeyay ayay uur qaaday adigane minkaaga in la gubo si uu u tooso ayuu u baahan yahay.

Marka waxaan ku dhihi lahaa, xaaskaaga sidaa uga dhaadhici lahayd arintaas kala hadal.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar?

Started by UmmbishaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6897
Last post April 11, 2016, 01:03:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?

Started by MayusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22526
Last post July 08, 2015, 04:39:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka hadi uu furanyahay uurna aan jirin ma ciladbaa?

Started by Umu caaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6344
Last post March 25, 2016, 10:11:57 PM
by SomaliDoc
Minka oo banaanka u soo baxo (Uterine Prolapse)

Started by IfrahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 34603
Last post June 23, 2016, 12:19:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka waxaa kaga yaallo Fibroid?

Started by Faarah 1988Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5787
Last post January 15, 2018, 05:51:02 AM
by Akhaa Binu Jowhari