Author Topic: Nabar Kuusan oo Dheecaan leh, Futadane udhow!  (Read 67850 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline A/qadir Abdi

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 28
  • Points: +0/-0
Nabar Kuusan oo Dheecaan leh, Futadane udhow!
« on: February 12, 2015, 07:09:50 AM »
Asc dr. salan ka dib dr. waxaan ahay 20 sano jir 2 sano ka hor ayaa maalin waxbaa dabada/marinka saxarada mel u dhow iga soo kusnaday. wixii wuu sii waynanayay malintii 3 aad ayuu dilaacay dheecaan farabadan baa ka yimi. wuu yaraaday. lkin maalintaa ilaa maanta meeshii sidii bay u qoyantahay markaan saxaroodo waliba marka ay calooshu i taagantahay ha ugu sii darnaatee intuu soo yara kuusmo ayuu dilaacayaa markaa mar walba wuu qoyanyahay cidna maan tusin waan ka xishooday walhi. maraa dr. ilaahay ha idin barakeeye aadbaan ugu werwersanahaye ha la ii soo jawaabi wuxii kale ee information ahna waan idin siinayaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka Fiiskolada (Anal Fistula)?
« Reply #1 on: February 12, 2015, 09:37:50 PM »


Waa maxay Fiiskolo?
Calaamadaha aad tilmaantay waxaa lagu gartaa xanuunka Fistulada ama soomaalida u taqaano "Fiiskolo"
Fistula waa marin aan dabiici ahayn oo si qalad ah u samaysmo iskuna xiriiriyo laba xubnood oo aan isku furnayn, wuxuuna ku dhacaa xubno dhowr ah oo jirka gudihiisa ama banaankiisa, midkaan waxaa loo yaqaanaa "Fiiskolada dabada".
Marinka saxarada ayaa samaysta jid kale oo dhinac maro oo maqaarka la xiriira, badanaa waa marin aad u yar oo saxaro weyn ma soo gasho laakin dheecaan ur badan oo sida saxarada ah ayaa soo galo, way soo buurataa, kadibne way dillaacdaa, hadane muddo kadib way soo kuusataa wayna dillaacdaa.

Dadka aan aqoon xanuunkaan waxay u aaminsan yihiin in ay tahay ka soo bax ama nabar malax ku aruurtay oo aan bogsanaynin oo waxyar ka dibne malax samaysato.

Qaabkee ayuu u samaysmaa Fiiskolada?
Wuxuu ku bilawdaa infekshan ku dhaco qanjirrada yaryar ee futada u dhow, kadib infekshankaas ayaa samaysto marin aan daboolmin oo si joogto ah dheecaan u soo saaro.

Sidee lagu ogaadaa Fiiskolada?
Fiiskolada waxaa lagu gartaa aragti iyo astaamaha uu qofka ka cabanayo, marmarka qaar waa laga yaabaa in lagu sameeyo baaritaan scan ama ultrasound.

Sidee loo daaweeyaa?
Antibaayootik kaliya wax kama taro, waana fikrad qaldan in nabarkaan qallajiye lagu daaweeyo laakiin waa in la dillaaciyaa oo wasakhda laga saaraa, hadduu marin ku xiriirsan futada la arkane waa in la daboolaa si uu mar kale dheecaan u soo gashan.
Ma ahan qalliin dhib badan, laakiin waa inuu kugu sameeyaa qof aqoon u leh qalliimada fiiskolada maadaama halis ay tahay in dhaawac kaa gaaro laastiiga ama wareegga muruqa adag ee futada.

Markii qalliinka la sameeyo waa inaad xanuun baabi'ye qaadataa iyo daawo caloosha jilciso inta nabarka uu ka raysanayo waana in qofka uu ku fadhiistaa biyo qandac oo cusbo leh si dhaawaca qalliinka nadiif u noqdo, jeermisne ugu dhalan.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah uga baahan tahay qalliinkaan igala soo xiriir qeybta farriimaha "messages-ka" ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Cudurro Kale oo Lagu Qaldo:
Akhriso Cudurka Baabasiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html
Akhriso Cudurka Futo-dillaaca: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.msg3181.html#msg3181

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline A/qadir Abdi

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 28
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Kuus dheecaan leh oo dabada u dhow?
« Reply #2 on: February 12, 2015, 11:00:25 PM »
Aad iyo Aad baad u mahadsantahay doctor ilahay ha ku barakeeyo ma jiraa wax aan kaga maarmi karo qaliinka kiniin ama dawo kale. su'aal kale ayaan qabaa doctor inan aan sxb nahay ayaa waxa uu ka cabanayay biyaha shahwada ayaa marka ay soo baxaan qayb ka mid ah ayaa kuus kuusan markaa doctor su'aashana idinka oo mahadsan ii faahfaahiya
mahadsanid doctor

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kuus dheecaan leh oo dabada u dhow?
« Reply #3 on: February 14, 2015, 03:37:04 PM »
Daawada fiiskolada waa qalliin, isagaa kala fudud nooca qalliinka iyo heerka fiiskoladaada way isku xiran yihiin.
Fadlan su'aasha labaad, bog cusub ku soo gudbi, waa lagaaga jawaabi doonaa insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Muxiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Kuus dheecaan leh oo dabada u dhow?
« Reply #4 on: October 17, 2016, 08:16:34 AM »
Asalama alaikum doctor

anal fistula dhibaato caafimaad oo ay leedahay ma jiraa
gaar ahaan taranka ninka wax dhibaato ah ma u keeni kartaa ?
Sababtoo ah mudo dhawayd ayaan mehersaday walina gabadhii uur iima qaadin, inkastoo illaahay awlaada bixiyo hadana caafimaad ahaantayda ayaan ka shakiyay maadama aan nabarkan anal fistula dabada ku leeyahay.

Fadlan adigoo mahadsan iiga soo jawaab 

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kuus dheecaan leh oo dabada u dhow?
« Reply #5 on: October 26, 2016, 06:58:40 PM »
Maya, wax saamayn ah kuma lahan uur qaadistaada ama dareenkaagaba.
Laakiin welwelka aad ka qabtid xanuunkaan ama hadduu shakki kugu abuuray way keeni kartaa inuu hammigaaga yaraado ama aad dareemi wayso kacsi.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Muxiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Kuus dheecaan leh oo dabada u dhow?
« Reply #6 on: February 02, 2017, 08:12:40 PM »
Maya, wax saamayn ah kuma lahan uur qaadistaada ama dareenkaagaba.
Laakiin welwelka aad ka qabtid xanuunkaan ama hadduu shakki kugu abuuray way keeni kartaa inuu hammigaaga yaraado ama aad dareemi wayso kacsi.

Doctor taladaada ayaan u baahnahay , hargeysa ayan joogaa markaa dhakhtar qaliin igaga sameeya anal fistulaha ma ii tilmaami kartaa hadii aad xogagaal u tahay , illaahay waxaan kaaga baryaayaa janadiisa fardawsa sida aad nooga haqabtiro caafimaadka, waad ku mahadsan thaay

Jawaab ayaan kaa sugaayaa insha Allah

Offline Muxiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Kuus dheecaan leh oo dabada u dhow?
« Reply #7 on: September 11, 2017, 01:38:29 AM »
Maya, wax saamayn ah kuma lahan uur qaadistaada ama dareenkaagaba.
Laakiin welwelka aad ka qabtid xanuunkaan ama hadduu shakki kugu abuuray way keeni kartaa inuu hammigaaga yaraado ama aad dareemi wayso kacsi.


Asc Dr , mudo ka hor oo fogayd waxaan ku waydiiyay suaaaha Anal Fistula ku saabsan.

Imika isbedel ayaa ku dhacay Fistulihii maxaa yeelay markii hore dheecaan ayaa iga imanaayay hada wuu istaagay dheecaankii balse waxaan isku arkay xidid wayn oo daloolka dabada u Soo dhow laakin kor ilaa intay fartaydu gaadho hore u sii socda.

Dr muxuu noqonaayaa xidiskaaas weyn ee adag ?

Allah janatul fardowsa ha ku geeyo aamiin

Fadlan ii Soo jawaab


 

Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15245
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Nabar ku dhacay isha korkeeda ma keeni karaa shigshig?

Started by Axmed A. CBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6545
Last post April 24, 2013, 12:04:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Nabar iga gaaray madaxa ma noqon karaa cudurka faaliga?

Started by NejibozBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8226
Last post March 18, 2016, 11:34:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar?

Started by UmmbishaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6891
Last post April 11, 2016, 01:03:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sanka oo dhiig bilaa nabar ah iska yimaado?

Started by Ilyas AbdikarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 6737
Last post May 27, 2016, 09:31:59 PM
by SomaliDoc