Author Topic: Su'aal: Saxaro ayaan dareemaa mana imaato?  (Read 4469 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Samiir29

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Saxaro ayaan dareemaa mana imaato?
« on: February 19, 2015, 12:43:34 PM »
dhakhtar waad ku mahadsan tahay web,kaan aad umada ugu  faa,iidey neysid hadaan u gudbo su,aasheyda waxa ay tahay               qofka oo dareema sidi in ay saxaro  hayso oo  wax soo riixayaan  marka uu suuliga tago uu  ku qaadanaayo waqti dheer  sidaa oo ay tahay neh waxba ayna ka imaaneeynin  kadib neh dhibki ahaa inuu dareemaayo wax soo riixaayo una baahan iney soo baxaan uu  sidi sii ahaado  ilaa maalin ama 2  maalin ee  xigta maalinkaas koowaad  kadib ay  ka imaaneyso kadib neh uu helaayo nafis yar oo ah inuu saxarooday hada neh xoogaa saacado ah kadib dareemaayo sidi oo kale wali inuu wax kusii harsan yihiin  ilaa uu hadaneh waqtiga saxaradi ee shalay uu ka gaaraayo sidi drareemo ee hadaneh markale u fariisanaayo  dhibtaas maxeey tahay neh?masaxaradi oo si sax usoo wada bixi karin miyaa?mise systemka isku xiraayo soo bixideeda iyo qeybaha kale ee la shaqeeya dhib kajro waaye?ama xanuun ku dhacay waaye qeeyb kamid ah systemkaas?hadaba dhibkaas muxuu yahay?DHAKHTAR MAHADSANID




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Saxaro ayaan dareemaa mana imaato?
« Reply #1 on: February 24, 2015, 03:42:51 PM »
Dareemidda in saxaro ku hayso ama ay soo dhowdahay, markaa musqusha gashidne ay wax kaa imaan waayaan, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Tenesmus", waxay calaamad u tahay xanuuanda ku dhaca xiidmaha iyo maroorka.

Xanuuanda keeno waxaa ka mid ah:
1- Nabar maroorka ama futada oo malax gashay.
2- Burooyinka xiidmaha iyo maroorka ka soo baxo oo hor istaagi karo in saxarada ay soo marto.
3- Xanuunka bararka xiidmaha ee loo yaqaano "Crohn Disease", halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html
4- Infekshanka ku dhaco xiidmaha, halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html
5- Dhibaato xagga faarujinta xiidmaha oo ah cillad neerfaha la xiriirto.
6- Xanuunka boogoobidda xiidmaha ee "Ulcerative Collitis", halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html

Sidaa darteed si loo ogaado xanuunka ku hayo waxa kuu keenay waa in aad takhtar la xiriirta si laguu baaro, kadibne daawo laguugu qoro.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 319492
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24505
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 26074
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18298
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24373
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc