Author Topic: Hilibka Sanka Ka Soo Baxo (Nasal Polyps).  (Read 47895 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Hilibka Sanka Ka Soo Baxo (Nasal Polyps).
« on: February 23, 2015, 06:28:10 PM »
Waxan marar badan dareemaa dhaha ineey i caburmayaan oo cub noqonayaan sida qof diyaarad saaran oo kale waxa jiray mar aan dhaqtarka sanka iyo dhaga utagay waxan weeydiiyay waxa keena wuxuuna igu dhahay sanka ayaa hilib kaaga yaalaa hilibka ayaana keena maxay tahay waxyabaha kale ee uu keeno hilibka sanka ka soo baxa ee qaliinka lagu sameeyo calamadahiisa maxay yihiin mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa keena Hilibka Sanka ka soo baxo?
« Reply #1 on: February 24, 2015, 05:45:04 PM »


Hilibka sanka ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa afka english-ka "Nasal Polyps" waa cad helib aan kansar ahayn oo ka soo dhex baxo sanka iyo jeebabkiisa "sinuses".

Waxuu badanaa hilibka sanka ka soo baxaa dadka qaboxanuuanda Sanboorka, Xajiinta iyo Neefta.
Akhriso Cudurka Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html
Akhriso Cudurka Xajiinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html
Akhriso Cudurka Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html


Dadka qaar xanuun kuma hayo, weliba markuu yar yahay mana u baahna wax daaweyn ah, laakiin kuwa waaweyn waxay xeri karaan sanka ama jeebabkiisa taasoo keenta in duufka ku xermo jeebabka, kadibne ay infekshan qaadaan, waxaana ku dhaca qofka cudur la dhaho "Caabuqa Sanqada": Ka akhriso halkaan:  http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html

Hilibka sanka waxaa badanaa lagu qaldaa bararka ku samaysma sanka darbiyadiisa.

Calaamadaha lagu dareemo hilibka sanka markuu weynyahay waxaa ka mid ah:
  • Cabbur sanka ah ama inuu xermo
  • Hindhiso badan
  • Duuf aad u badan
  • Xanuun wejiga ah
  • Carfinta ama urinta oo yaraata.
  • Dhananka oo carabka ku yaraado
  • Cuncun hareeraha indhaha

Dhagaha oo aamusa ama dhub dhaha waxay la xiriirtaa infekshanka jeebabka sanka / caabuqa sanqada ama "sinusitis" waxa loo yaqaano ee hilibka sanka kaligiis ma keeno.

Haddii sababta saas tahay waa in hilibkaa lagaa jaro oo lagaa daaweeyo caabuqa sanka, haddii cillad kale aad is leedahay way noqon kartaa la xiriir dhakhtar ku taqasusay cudurrada dhagaha, sanka iyo cunaha ee loo yaqaano : E.N.T Doctor"
Dhakhtarka wuxuu kuu kala sheegi doonaa heerka uu hilibkaaga gaarsiisan yahay, hadduu dhib kugu hayo iyo haddii lagu daaweyn karo daawo la qaato ama qalliin aad u baahan tahay.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa isku argay cabur ka jiro labada duleel Ee sanka?

Started by AbdialiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5695
Last post September 19, 2017, 12:17:25 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Dhiiga sanka iga iman jiray ba dalqada iga imanaya?

Started by Millaibrahim2016Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6379
Last post October 14, 2016, 07:07:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Habeenkii afka ayaan ka neefsadaa sanka wuu ii cabburmayaa?

Started by Axmed143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6103
Last post January 09, 2016, 04:57:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uur leh ma laga qali karaa indhaha ama sanka?

Started by HafidoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4297
Last post February 06, 2016, 02:03:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhawr iyo toban sano sanka ayaa i xirnaa?

Started by Saxane CabdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4179
Last post April 24, 2016, 04:18:56 PM
by SomaliDoc