Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
Maxda:
Bacda salaan walaalayaal waxaan u baahanahay su'aashan in wixii aad iigu kordhin kartaan igu kordhisaan
waxa jira wiil sxbo aanu nahay wuu xanuun sanayaa
waxa hore looga daweeyey xanuunka Tb da wuxuu dhamaystay dawadii mudo lix bilooda hadana wali wuxuu dareemaya xanuun garabka hoostiisa ah
faraha gacmahiisa waxuu ka dareemaya barar yar iyo kabaabyo cagaha habeenkii wey olalayaan ama kuleyl buu ka dareemaya gacmaha halka ay faraha ka galaan qolof modow ayaa ka soo fuushay marar ka qaar daal ayuu dareemaya
cuntadiisa waa caadi wax cunto xumo a. Ma haystaan. Dhaakhiirtu x ray danbe oo ay ka qaadeen waxba waa laga waayey oo ok baad tahay bey yidhaahdeen mararka qaarkood finan yar yar ayaa ka soo baxa dhabarka iyo afka mararka qaarna wey ka tagaan kelyaha wuu ka cabanaya oo wey I xanuunayan buu yidhaahda waxana dhacday intii uu dawada istic maalayey inay ramadaan soo gashay oo uu soomay dawadii subixii qaadan jirayna uu habeenkii u bedeshay isaga oo aan dhakhtar ka la tashan cabashada ugu badan waa oof garabka midig ah iyo kabaabyo iyo cagaha lugaha oo olalaya habeenkii dhakhaatirta inta badan isma fahmaan dhanka luuqada awgood
SomaliDoc:
Tb-da laga daaweeyay noocee ahayd? Halkee kaga dhacday? Daawada imisa bilood ayuu qaatay? Ma jiraa xanuun kale oo u wehliyo? ama daawo kale oo uu qaato?
Markii su'aalahaa jawabtooda aad noo soo dirto ayaan kaala talin karnaa waxyaabaha uu ka dareemayo gacmaha iyo lugaha..
Maxda:
asc walaalayaaal haa dawo kale wuu qaata omaprale ayuu hada qaata mudo 4 bilooda ayaana loo qoray waxa kale oo jira 14 cisho inuu soo qaatay clarithromaycin iyo amoxicillin waxaana la saaray oesophagogatroduodenoscop waa sida aan uga soo maan guuriyey waraaqda ay ku qoran tahay case summary waxana sii raacsan meel ay ku qoran tahay
OGD: huge hiatus hernia at OGJ moderate gastritis CLO + ve. Hadii aan jawaabta hore u soo noqdo waraaqda oo dhakhtarka waxa ku taxan xanuuna badadan laakiin wuxuu click sii yey meesha ay ku qor neyd tuberculosis . Aan u fahmay inaya tahay xanuunka uu uga shakiyey sida uu inanka ii sheegay nna CT scan ayaa la saaray inta aan dawada TB da loo qorin mudo lix bilooda . Waxa jira arin kale oo uu inanku ma cabanayo oo ah carabka oo gal dhacsanaya oo marba inta meyl xuubka hore ka dhaco hadana gal cusub u soo baxayo FG. Inanku sida uu ii sheegag markuu dalka joogay waxa uu igu yidhi waxa leyga helay xanuun uric acid la yidhaahdo waxaana ley siiyey kaniin aloprinol 300 mg waa surta gal inaan khalday magaca danbe ee xanuunka iyo ka kiniin kaba madama anan garanayn isbeelinka saxda ah ee uu u qormo
SomaliDoc:
Tb-da laga daaweeyay ma mid sambabada gashay mise lafdhabar-ta?
Maxda:
Sidee tolow ku ogaan karnaa inankaisagu garabka midig ayaa ka cabanayey walina s ida uu ii sheegay
wuu ka cabanaya. Laakiin waxaan isku diyi doonaa information buuxa inaan raadino
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version