Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?

<< < (2/2)

Maxda:
Asc bacda walaalayaal si kasta oo aanu is nidhi ku ogaada xanuunka tb da laga daweeyey sxb key ku ogaada waanu ku ogaan kari weynay waraqaha la soo  siiyo marka dawada loo bilaabay iyo marka laga joojiyey ee case sammary ah kuma qorna nooca tp da ah ee laga daweeyey  kaliya dawada la siiyey ayaa ku qqoran oo ah
1 rifanah 600 laba bilood ee hore midh labo xabo ayuu cunayey oo ah midiiba 300 mg  ka dib waxa looga dhigay xabad mudo laba bilooda hadana waxa  dib loogu bilaabay 2 xabo labadii bilood ee danbe marka labada bileeed oo hore 600. Ayuu qaadanayey labada bilood ee ku xigayna 300 labadii bilood ee u danbeeyey markii dhiig laga qaaday waxa dib loogu bilaabay in la siyoo 2 xabo oo 600 mg wana laba dawo oo isku jirta
2 ethempthol 1200
Pz oo aanan garanayn grm kiisa
iyo b6
Xiligiga wuxuu dareemayey
cunto xumo dhidid habeenkii
ah qandho
iyo garabka oo xanuunayey
hada wuxuu dareemayaw
garabkii oo xanuunaya lakiin sidii hore
maaha iyo caga olol
miisan kiisu waa 100. Kg da diisu waa 30
Wax masiina oo hoos uga dhacaya iyo cunto xumo iyo la labo ma dareemayo
Waxa jira inuu gaastiri leeyey mido 6 biloodana omaprasole loo qoray carabka oo gal dhac sanaya
iyo mar mar oo uu kelyo xanuun dareemayo
walow qobawga awgii aanu biyo cabin ba maa maha qaar ama inuu sida uu ii sheegay 7 kii hal litir uu cabo

Waxa kale oo jira is faham daro isaga dhakhtarka
taala oo aanu si fiican u gudbin karin
Sida loo hayo
tusaale ahaan ma odhan karo cagaha ayaa i olala
ama garab ayaa wax aad waran mooda igaga mudan yahay  waxa jiray sawir X-ray ah oo laga qaaday
waxaana la soo siiyey war qad ay ku qoran tahay
exam performed chest X-ray
the lungs are clear
the rt lung chest infection has resolved completely

Walina wuu cabanaya
Talo iyo tusaale waxaad haysaan fadlan noo soo gudbiya
 

Maxda:
Rifanah mooyee dawooyinka kale waa laga joojiyey markuu laba bilood qaatay

SomaliDoc:
Inkastoo ay fiicnaan lahayd in aan ogaano nooca TB-da ay tahay maxaa yeelay meesha ay ku dhacday waxay fikrad naga siin kartaa dhibaatooyinka la filan karo oo jirka ku reebi karto.

Tusaale ahaan, haddii tiibishada ay ahayd midda lafdhabarta, waa la fasiri karaa bararka lugaaha iyo gacmaha iyo kabaabyada aad dareemaysid.

Haddii kabaabyada iyo bararka gacmaha kaliya ay yihiin, waa dhici kartaa in vitamiin-ka B6 uu kugu yaryahay oo calaamadahaas leh, waxaana hoos u dhigo daawada TB-da, inkastoo daawooyinka aad soo qortay uu ku jiro in lagu siiyay vitamin B6.

Garab xanuunka waxaa dhici karto cillada ka baxsan xanuunka TB-da inay tahay, inkastoo sababta daawada laguugu billaabay aysan muuqan oo calaamad raajada laga arkay ama candhuuf lagaa qaaday.

Raajada feeraha lagaa saaray ee dambe ma sheegin calaamado lagu garanayo in TB lagaa daaweeyay, inkastoo ay ku qoran tahay in infekshankii uusan jirin, mana la ogo infakshankaas muxuu ahaa.

daalka iyo caga ololka wax badan ayaa keeni karo, sida vitamiin yarida, gaaska, welwelka iyo xanuunada murqaha iyo lafaha ku dhaco intaba.

baaritaanka OGD, waxaa lagu arkay in ay jirto eerno caloosha gasho oo loo yaqaano "Hiatus Hernia", tan oo dhibkeeda uu yahay laabjeex joogto ah, iyo bog xanuun.

Waxaa kaloo haboonaan lahayd in lagaa baaro xanuunada difaaca jirka hoos u dhigo, maxaa yeelay carabka oo galdhacsado, jirka oo finan ka soo baxaan, kabaabyo iyo maqaarka oo is badalo faraha iyo lugaha, tiibishada oo u soo dhuumato qofka difaaciisa uu yaryahay iyo iyadoo si sahlan looga arki karin raajada iyo baaritaanada kalaba.

Midda labaad ee u baahan in xoogga la saaro waa xanuunada ku dhaca lafaha iyo murqaha oo cabashadaada badankeed la xiriir karto sida garbo xanuun, gacmo xanuun, lugo xanuun, caajis iyo daal badan, xanuunka Gout-ka wuu leeyahay calaamadahaa xitaa, kilyo xanuuna wuu wadan karaa, iyadane baaritaankiisa waa lagu celin lahaa.

Fadlan inta aan kor ku soo xusay waa talooyin ku salaysan warbixinta kooban aad na siisay, laakiin waxaa habboon in aad ku laabatid takhtarkaaga oo aad u sharaxdid sida laguu hayo oo tafaasiilsan, hadduu dhakhtarkaaga uu la socdo xanuunkaaga waxa uu yahay oo adigane ay kugu adagtahay in aad fahanto sharaxiisa, waad noo soo gudbin kartaa warbixintaada caafimaad, cudurrada lagaa helay, jawaabta baaritaanadaada si aan kuugu faahfaahino.
Caafimaad ayaan idiin rajaynaynaa.
http://somalidoc.com

Maxda:
Asalaamu calaykum walaa la yaal aad baad ugu mahad san tihiin talada wax ku ool ka ah ee aad na sii seen
Horta waxa jira hal shey oo aan idinka ilaabay
waana wer werka waxa jira arimo war war oo badan
waxa kala oo jiro tubooko
daanka la galiyo oo ay suudaan tu istic maasho
oo sacuud la yidhaahdo inuu istic maalo inanku
markaa waxaan u bahanahay

Xanuunada difaaca jidhka yareeya
ee loo baha. Yahay in laga baadho inaad noo soo qortaan waxaana idiinku daraya
ilahay inaguma keenee inaanu
qabin HIV adis oo laga baadhay lakiin
hadii ay jiraan xanuuno kale oo difaaca yareeya
oo aad tuhun san tihiin inaad soo qortaan si dhakhtar aaanu uga codsano inuu ka baadho madama baadhista iyo dawaduba bilaash tahay
ilahay baa mahadle

SomaliDoc:
Wax badan ayaa difaaca jirka hoos u dhigi karo, qasab ma ahan AIDS-ka kaliya, nafaqo darrida, isticmaalka mukhadaraatka oo ay ka mid tahay tubaakada, xanuuno kale oo feyrasyada keenaa ama daawooyinka qaar oo difaaca hoos u dhiga sida Steroid-ka oo kale.

Marka takhtarka aad u tagteen ayaa ogaan karo, waxa laga helay jirkaaga oo baaritaan ah oo ka qeyb qaadan karo xanuunadaan aad dareemaysaan.

Takhtarka ha ka codsanin baaritaanada aad rabtaan, waxaad samayn kartaan in welwelkiina iyo wixii jiro oo ay ka mid tahay waxyaabaha uu isticmaalo iyo xanuuanda laga daaweeyay ama uu ka cabanaayo waxay ka caawinaysaa in takhtarka uu isaga xusho baaritaanka ama wiisitada ugu habboon, laakiin haddii aad adiga codsatid baaritaan gooni ah, takhtarka warbixin dheerad ah kaama siin karo xaalada qofka oo natiijada baaritaanka aad codsatay kaliya ayuu kuu sheegayaa, midda kale takhaatiirtane ma jeclo in loo sheego baaritaanka ama daawada aad rabtid.
Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa.

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version