Author Topic: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?  (Read 10078 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Maxda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« on: March 04, 2015, 01:03:00 AM »
Bacda salaan walaalayaal waxaan u baahanahay su'aashan in wixii aad iigu kordhin kartaan igu kordhisaan
waxa jira wiil sxbo aanu nahay wuu xanuun sanayaa
waxa hore looga daweeyey xanuunka Tb da wuxuu dhamaystay dawadii mudo lix bilooda hadana wali wuxuu dareemaya xanuun garabka hoostiisa ah
faraha gacmahiisa waxuu ka dareemaya barar yar iyo kabaabyo cagaha habeenkii wey olalayaan ama kuleyl buu ka dareemaya  gacmaha halka ay faraha ka galaan qolof modow ayaa ka soo fuushay marar ka qaar daal ayuu dareemaya
cuntadiisa waa caadi wax cunto xumo a. Ma haystaan. Dhaakhiirtu x ray danbe oo ay ka qaadeen waxba waa laga waayey oo ok baad tahay bey yidhaahdeen mararka qaarkood finan yar yar ayaa ka soo baxa dhabarka iyo afka mararka qaarna wey ka tagaan kelyaha wuu ka cabanaya oo wey I xanuunayan buu yidhaahda waxana dhacday intii uu dawada istic maalayey inay ramadaan soo gashay oo uu soomay dawadii subixii qaadan jirayna uu habeenkii u bedeshay isaga oo aan dhakhtar ka la tashan cabashada ugu badan waa oof garabka midig ah iyo kabaabyo iyo cagaha lugaha oo olalaya habeenkii dhakhaatirta inta badan isma fahmaan dhanka luuqada awgood




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #1 on: March 04, 2015, 04:45:17 PM »
Tb-da laga daaweeyay noocee ahayd? Halkee kaga dhacday? Daawada imisa bilood ayuu qaatay? Ma jiraa xanuun kale oo u wehliyo? ama daawo kale oo uu qaato?
Markii su'aalahaa jawabtooda aad noo soo dirto ayaan kaala talin karnaa waxyaabaha uu ka dareemayo gacmaha iyo lugaha..
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maxda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #2 on: March 05, 2015, 06:11:34 PM »
asc walaalayaaal haa dawo kale wuu qaata omaprale ayuu hada qaata mudo 4 bilooda ayaana loo qoray waxa kale oo jira 14 cisho inuu soo qaatay clarithromaycin iyo amoxicillin waxaana la saaray  oesophagogatroduodenoscop waa sida aan uga soo maan guuriyey waraaqda ay ku qoran tahay case summary  waxana sii raacsan meel ay ku qoran tahay
OGD: huge hiatus hernia at OGJ moderate gastritis CLO + ve. Hadii aan jawaabta hore u soo noqdo waraaqda oo dhakhtarka waxa ku taxan xanuuna badadan laakiin wuxuu click sii yey meesha ay ku qor neyd  tuberculosis . Aan u fahmay inaya tahay xanuunka uu uga shakiyey sida uu inanka ii sheegay  nna CT scan ayaa la saaray inta aan dawada TB da loo qorin mudo lix bilooda . Waxa jira arin kale oo uu inanku ma cabanayo oo ah carabka oo gal dhacsanaya oo marba inta meyl xuubka hore ka dhaco hadana gal cusub u soo baxayo FG. Inanku sida uu ii sheegag markuu dalka joogay waxa uu igu yidhi waxa leyga helay xanuun uric acid la yidhaahdo waxaana ley siiyey kaniin aloprinol 300 mg waa surta gal inaan khalday magaca danbe ee xanuunka iyo ka kiniin kaba madama anan garanayn isbeelinka saxda ah ee uu u qormo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #3 on: March 14, 2015, 04:04:48 PM »
Tb-da laga daaweeyay ma mid sambabada gashay mise lafdhabar-ta?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maxda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #4 on: March 14, 2015, 11:21:40 PM »
Sidee tolow ku ogaan karnaa inankaisagu garabka midig ayaa ka cabanayey walina s ida uu ii sheegay
wuu ka cabanaya. Laakiin waxaan isku diyi doonaa information buuxa inaan raadino

Offline Maxda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #5 on: March 16, 2015, 04:31:36 PM »
Asc bacda walaalayaal si kasta oo aanu is nidhi ku ogaada xanuunka tb da laga daweeyey sxb key ku ogaada waanu ku ogaan kari weynay waraqaha la soo  siiyo marka dawada loo bilaabay iyo marka laga joojiyey ee case sammary ah kuma qorna nooca tp da ah ee laga daweeyey  kaliya dawada la siiyey ayaa ku qqoran oo ah
1 rifanah 600 laba bilood ee hore midh labo xabo ayuu cunayey oo ah midiiba 300 mg  ka dib waxa looga dhigay xabad mudo laba bilooda hadana waxa  dib loogu bilaabay 2 xabo labadii bilood ee danbe marka labada bileeed oo hore 600. Ayuu qaadanayey labada bilood ee ku xigayna 300 labadii bilood ee u danbeeyey markii dhiig laga qaaday waxa dib loogu bilaabay in la siyoo 2 xabo oo 600 mg wana laba dawo oo isku jirta
2 ethempthol 1200
Pz oo aanan garanayn grm kiisa
iyo b6
Xiligiga wuxuu dareemayey
cunto xumo dhidid habeenkii
ah qandho
iyo garabka oo xanuunayey
hada wuxuu dareemayaw
garabkii oo xanuunaya lakiin sidii hore
maaha iyo caga olol
miisan kiisu waa 100. Kg da diisu waa 30
Wax masiina oo hoos uga dhacaya iyo cunto xumo iyo la labo ma dareemayo
Waxa jira inuu gaastiri leeyey mido 6 biloodana omaprasole loo qoray carabka oo gal dhac sanaya
iyo mar mar oo uu kelyo xanuun dareemayo
walow qobawga awgii aanu biyo cabin ba maa maha qaar ama inuu sida uu ii sheegay 7 kii hal litir uu cabo

Waxa kale oo jira is faham daro isaga dhakhtarka
taala oo aanu si fiican u gudbin karin
Sida loo hayo
tusaale ahaan ma odhan karo cagaha ayaa i olala
ama garab ayaa wax aad waran mooda igaga mudan yahay  waxa jiray sawir X-ray ah oo laga qaaday
waxaana la soo siiyey war qad ay ku qoran tahay
exam performed chest X-ray
the lungs are clear
the rt lung chest infection has resolved completely

Walina wuu cabanaya
Talo iyo tusaale waxaad haysaan fadlan noo soo gudbiya
 

Offline Maxda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #6 on: March 16, 2015, 04:35:08 PM »
Rifanah mooyee dawooyinka kale waa laga joojiyey markuu laba bilood qaatay

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #7 on: March 21, 2015, 01:57:00 PM »
Inkastoo ay fiicnaan lahayd in aan ogaano nooca TB-da ay tahay maxaa yeelay meesha ay ku dhacday waxay fikrad naga siin kartaa dhibaatooyinka la filan karo oo jirka ku reebi karto.

Tusaale ahaan, haddii tiibishada ay ahayd midda lafdhabarta, waa la fasiri karaa bararka lugaaha iyo gacmaha iyo kabaabyada aad dareemaysid.

Haddii kabaabyada iyo bararka gacmaha kaliya ay yihiin, waa dhici kartaa in vitamiin-ka B6 uu kugu yaryahay oo calaamadahaas leh, waxaana hoos u dhigo daawada TB-da, inkastoo daawooyinka aad soo qortay uu ku jiro in lagu siiyay vitamin B6.

Garab xanuunka waxaa dhici karto cillada ka baxsan xanuunka TB-da inay tahay, inkastoo sababta daawada laguugu billaabay aysan muuqan oo calaamad raajada laga arkay ama candhuuf lagaa qaaday.

Raajada feeraha lagaa saaray ee dambe ma sheegin calaamado lagu garanayo in TB lagaa daaweeyay, inkastoo ay ku qoran tahay in infekshankii uusan jirin, mana la ogo infakshankaas muxuu ahaa.

daalka iyo caga ololka wax badan ayaa keeni karo, sida vitamiin yarida, gaaska, welwelka iyo xanuunada murqaha iyo lafaha ku dhaco intaba.

baaritaanka OGD, waxaa lagu arkay in ay jirto eerno caloosha gasho oo loo yaqaano "Hiatus Hernia", tan oo dhibkeeda uu yahay laabjeex joogto ah, iyo bog xanuun.

Waxaa kaloo haboonaan lahayd in lagaa baaro xanuunada difaaca jirka hoos u dhigo, maxaa yeelay carabka oo galdhacsado, jirka oo finan ka soo baxaan, kabaabyo iyo maqaarka oo is badalo faraha iyo lugaha, tiibishada oo u soo dhuumato qofka difaaciisa uu yaryahay iyo iyadoo si sahlan looga arki karin raajada iyo baaritaanada kalaba.

Midda labaad ee u baahan in xoogga la saaro waa xanuunada ku dhaca lafaha iyo murqaha oo cabashadaada badankeed la xiriir karto sida garbo xanuun, gacmo xanuun, lugo xanuun, caajis iyo daal badan, xanuunka Gout-ka wuu leeyahay calaamadahaa xitaa, kilyo xanuuna wuu wadan karaa, iyadane baaritaankiisa waa lagu celin lahaa.

Fadlan inta aan kor ku soo xusay waa talooyin ku salaysan warbixinta kooban aad na siisay, laakiin waxaa habboon in aad ku laabatid takhtarkaaga oo aad u sharaxdid sida laguu hayo oo tafaasiilsan, hadduu dhakhtarkaaga uu la socdo xanuunkaaga waxa uu yahay oo adigane ay kugu adagtahay in aad fahanto sharaxiisa, waad noo soo gudbin kartaa warbixintaada caafimaad, cudurrada lagaa helay, jawaabta baaritaanadaada si aan kuugu faahfaahino.

Caafimaad ayaan idiin rajaynaynaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maxda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #8 on: March 21, 2015, 09:46:09 PM »
Asalaamu calaykum walaa la yaal aad baad ugu mahad san tihiin talada wax ku ool ka ah ee aad na sii seen
Horta waxa jira hal shey oo aan idinka ilaabay
waana wer werka waxa jira arimo war war oo badan
waxa kala oo jiro tubooko
daanka la galiyo oo ay suudaan tu istic maasho
oo sacuud la yidhaahdo inuu istic maalo inanku
markaa waxaan u bahanahay

Xanuunada difaaca jidhka yareeya
ee loo baha. Yahay in laga baadho inaad noo soo qortaan waxaana idiinku daraya
ilahay inaguma keenee inaanu
qabin HIV adis oo laga baadhay lakiin
hadii ay jiraan xanuuno kale oo difaaca yareeya
oo aad tuhun san tihiin inaad soo qortaan si dhakhtar aaanu uga codsano inuu ka baadho madama baadhista iyo dawaduba bilaash tahay
ilahay baa mahadle

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Saaxiibkey TB ayaa laga daaweeyay?
« Reply #9 on: March 30, 2015, 01:26:30 PM »
Wax badan ayaa difaaca jirka hoos u dhigi karo, qasab ma ahan AIDS-ka kaliya, nafaqo darrida, isticmaalka mukhadaraatka oo ay ka mid tahay tubaakada, xanuuno kale oo feyrasyada keenaa ama daawooyinka qaar oo difaaca hoos u dhiga sida Steroid-ka oo kale.

Marka takhtarka aad u tagteen ayaa ogaan karo, waxa laga helay jirkaaga oo baaritaan ah oo ka qeyb qaadan karo xanuunadaan aad dareemaysaan.

Takhtarka ha ka codsanin baaritaanada aad rabtaan, waxaad samayn kartaan in welwelkiina iyo wixii jiro oo ay ka mid tahay waxyaabaha uu isticmaalo iyo xanuuanda laga daaweeyay ama uu ka cabanaayo waxay ka caawinaysaa in takhtarka uu isaga xusho baaritaanka ama wiisitada ugu habboon, laakiin haddii aad adiga codsatid baaritaan gooni ah, takhtarka warbixin dheerad ah kaama siin karo xaalada qofka oo natiijada baaritaanka aad codsatay kaliya ayuu kuu sheegayaa, midda kale takhaatiirtane ma jeclo in loo sheego baaritaanka ama daawada aad rabtid.

Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: