Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

(1/1)

Abdi21:
Asc wr wb doctor xaaskayga uur ayeey leedahay waana 3 bilood iyo asbuuc waxa jira xiligii eey caadada heli jirtay ayeey dhiig yar isku aragtaa oo 1 mar ah xiliga caadada waxay dareentaa mindhicir xanuuN iyo dhinaca minka oo xanuuna kadibna dhiig yar ayeey isky aragtaa dhaqtarka markii loo geeyana waxay dhahaan ilmaha waa fiican yihiin kadib dhiig ayeey u direen lagu ogaanaayo in in ilmaha kobcaayaan waxana la dhahaa weey kobcayaan ilmaha marka fadlan naga jaahil bixi mahadsanid

SomaliDoc:
Dhiig kaa yimaada xilliga uurka waa calaamad halis ah oo tilmaamaysa in Dhicin ama Dilan uu kugu soo socdo, Fadlan la xiriir taktharkaaga sida ugu dhakhsiyaha badan.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhicinta (Abortion): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version