Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa lagu daawayn karaa sanboorka?
(1/1)
Maxammed Siciid Axmed:
dhamaan marka hore waxaan salaamayaaa dhakhaatiirta ku midawday web kan faa'iidada badan
waxaan qabaa xanuunka sanboorka la yiraahdo oo mararka qarkood haLis igu noqda astaamaha aan dareemo wxaa ka mid ah
1 cubudh sanka oo i xidhma
2 indhaha oo i xanuuna cun cunnbay sameeyaan wayna i casaadaan
3 dhegahaguna sidoo kale way i xanuuna cunn cunnbay iyaguna leeyihiin
4 hindhiso joogto ah
hadii anan si deg deg ah daawooyin c cunin sida daawooyinka cun cunka baa bi'ya xanuunkaasi igama ba'yo wax ma barankaro
marka maxaan qaadi karaaa maxaanse ku daawayn karaa
mahadsanidin
SOOMAALI MEDICAL FORUM
SomaliDoc:
Sanboorka waa nooc ka mid xajiinta ama allerji-ga, calaamadaha aad tilmaantay oo idilna wuu leeyahay, ma ahan xanuun laga bogsado, laakiin waxaa jiro daawooyin sanboorka dajiya ama yareeya astaamihiisa, taasoo qofka uu la qabsan karo hadduu in muddo ah isticmaalo.
Haddii ay jiraan wax samboorka kugu kicinayo aad isticmaashid sida barafuunada qaar, uunsiga iyo waxyaabo kalaba waa in aad ka fogaatid si uu kaaga yaraado, haddii kale wuu kugu soo laalaabanayaa haddii aad daawo isticmaashid xittaa.
Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1796.0.html
Halkaane ka akhriso qoraal ku saabsan Allerjiyada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa sanqada ee "Sinusitis" oo lagu qaldo Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html
La xiriir takhtarkaaga si uu kaaga caawiyo Sanboorka.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version