Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waa maxay Ovarian Cyst?

(1/1)

Canab:
asc waan idin salaamay dhaqaatirta somaliyeed aad baadna u mahadsantihiin allane ha idinka abaal mariyo su aal ayaan rabaah in aan idin waydiiyo waa maxay  ovary cyst waxaa la I dhahay dhanka bidix buu kaaga yaal burana maaha  wuxu waxaana jogaa north America  da ahaan 26 ayaan jiraa  lakin afka somaliga kuma fahmin waxaan waxaa kaloo la dhahay dawo maleh hada waa yar yahay waana la kontaroli oo kaliya haduu yaraado hadiise uu waynaanyo waa lagu qali  marka waxa keena qofka qabase ilmo ma dhali karaa wixii talaa waad mahadsantihiin

Dr.Adnan:
Waxa afka qalaad loogu yaqaan "Ovarian cyst" waa kiish biyo ku jiraan oo ku samaysa ugxaan-sidaha (fiiri sawirka). Inta badan kiishashkani wax dhibaato ah kuma hayaan haweenayda, laakiin mararka qaarkood waxa ay abuuraan xanuun iyo dhiiga caadada oo xilliyo aan laga filayn bilawda. Jaadadka amase noocyada qaarkood uma baahna wax daawayn ah, qaar kalana wax lagu taliyaa in qaliin lagu soo saaro.


Sawirkani waxa uu muujinaya farqiga u dhaxeeya Ugxaan-sidaha caafimaadka qaba (Normal ovary) iyo kan leh kiishashka (Cystic ovary)

Sida aad sheegtay, Dhakhaatiirtu baadhiitaano markii ay sameeyeen kaddib waxa ay sheegeen inaad ugxaan-sidaha bidix ku leedahay "cyst" amase kiishkan biyuhu ku jiraan.  Su'aashaaduna waxa ay tahay in aad uur qaadi karto iyo in kale?

Sida la isku waafaqsanyahay xaalada tanu wax saamayn ah kuma leh taranka (uurka).Laakiin waxa xusid mudan in lamaanayaasha  85% hal sanno gudahood uur ku helaan.Sidoo kale hadii aad hadeer qorshaynaysaan uur cusub fadlan booqo http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=364.0



SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qroaal faahfaahsan oo ku saabsan xanuunka "Ugxansidaha Fiixda Leh = Ovarian Cyst": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version