Author Topic: Sanboor (Rhinitis)  (Read 78609 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sanboor (Rhinitis)
« on: March 16, 2015, 03:44:39 PM »


Waa maxay Sanboorka?
Sanboorka waa xanuun ka mid ah xanuunada xajiinta ama allerjiga, wuxuu ku dhici karaa da' kasta.
Waxyaabaha kiciyo sanboorka waxaa ka mid ah: boorka, qiiqa, daawooyinka iyo cunnooyinka qaar.

Maxaa lagu gartaa?
Waxaa lagu gartaa calaamadahaan hoos ku xusan:
  • Hindhiso
  • Cuncun sanka ama indhaha
  • San-dudur
  • Cabursanaan
  • Duuf

Sanboorka waxuu la socon karaa xanuunada allerjiyada kale sida allerjiga indhaha, allerjiga maqaarka iyo allerjiga hawo-mareenka (Neefta/Xiiqa).

Inkastoo sanboorka uusan ahayn xanuun halis ah, laakiin waa dhibaato saameyn karto nolol maalmeedkaaga.
Qofka isku og sanboorka waa inuu iska ilaaliyaa waxyaabaha kiciyo sida busta, qiiqa, carafta iyo waxyaabaha kiimikada ah.

Maxaa keeno Sanboorka?
Waxaa kaloo kiciyo hargabka, cimillada qabow, cunnooyinka kulul ama dhanaanka ah, cabitaanka aashitada leh, daawooyinka sida "Asprin, Ibuprofen, daawooyinka dhiig karka iyo xittaa daawooyinka sanka lagu buufiyo oo loo isticmaalo sanboorka laftirkiisa way keeni karaan, hadduu qofka la qabsado.

Waxaa kaloo kicin kara isbadalka hormoonada jirka ku dhaca sida xilliga uurka, caadada iyo qaadashada daawooyinka ka hortagga uurka iyo welwelka / diiqada.

Ma jiraan xanuuno kale oo xiriir la leh Sanboorka?
Waxaa jiro dhowr xanuun oo ka dhalan karo ma xiriir la leh sanboorka waxayna kala yihiin:
1- Hilibka Sanka ka soo baxo, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3394.0.html
2- Caabuqa sanqada, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html
3- Caabuqa dhagta, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html
4- Xajiinta, ka kahriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html
5- Neef ama Xiiq, ka khairos halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html

Sidee loo daaweyn karaa sanboorka?
Sanboorka ma laga bogsado, qofkane kama baxo ee markuu kugu kacsan yahay yaa daawo dajiso ama damiso loo qaataa waana sida lagu yaqaano xanuunada allerjiga la xiriira, waxaa jiro daawooyin badan oo loo qaato allerjiga iyo sanboorka, waxaa kala hadli kartaa dhakhtarkaaga.

Ku daawee Sanboorka Saliid Xabad Sowda:
Cilmibaaris lagu sameeyay 68 qof oo sanboor qabo ayaa waxaa looga daaweeyay saliida xabad sowdada, iyadoo weliba sanboorkii kaga buuray badankood, meesha awal ay qaadan jireen daawooyin dhowrkii maalmoodba weliba qaarkood ay waxyeello daawada ku reebtay.
Cilmibaaristu waxay sheegtay in saliida xabad sowdada subax kasta sanka duleeladiisa min hal dhibic lagu dhibciyo iyadoo gadaal loo neefsanayo, waxaana la wadayaa muddo 6 usbuuc ah, tan oo aad kaga reysan doontid ilaahay idinkii daawo sanboor.
Ilmaha yar ha ku dhibcinin saliida xabad sowdada ee labada farood foodooda saliida mari, kadibne waxaad ku aadinaysaa labada dul ee sanka, waxaana ilmaha amraysaa inuu neefsado, hadduu yar yahay oo uusan amarkaaga qaadan karin, ku hay sidaa muddo 1 daqiiqo ah isagaa si aayar ah u neefsan doono, waa muhiim in ku daaweynta ugu yaraan la wado 6 usbuuc si wax looga garto, kuna dadaal hal maalin in aadan illaawin.
Xigashada Cilmibaarista: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/23855426

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaad iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Raaqiya Sh

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Sanboor (Rhinitis)
« Reply #1 on: January 25, 2016, 09:36:15 AM »
Asc wll waxaa ihaysa xajiinka duwan kuwaan oo maqaarka ah waana nabro jaamo jaamo cadaan ah samaynaya aad cambaar moodaysid madaxa aan tinta ka xiiraan lkn waxay leedahay qolfo cadaan ah oo soo daadanaya markan shanlaysatid jirkana waxay ku samaynaysaa meeshay ka ba'do madaw baro baro madaw wajigana haaraha way leedahay lkn jirka dhan la wadaaga inkastoo aan wajiga ay xajiintu iga soo bixin jawaab iyo talo wanagsan ayaan idinka sugaya insha allah

Offline Samiya siman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Sanboor (Rhinitis)
« Reply #2 on: January 14, 2017, 01:24:00 PM »
Tikroore wan tijabina insha allaah
Lkn ani hargab ayaba iga bixi wayay hadii an malab liin xabadsowdo isticmalay ila tali sideed iska daweya hargabka hadu iga baxana hal isbuuc ayu iga maqnaana kedib hindhisyo ayan bilaba iyo curan

Offline Kaltuun

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 33
  • Points: +0/-0
Re: Sanboor (Rhinitis)
« Reply #3 on: May 07, 2017, 11:33:45 PM »
dr hadaan qodobka waxka waydiiyo aniga wan qabaa sanboor xataa cuntada an cunayo haday ii urto wa igu kacayaa marka elergi ayaan isku arkay jirkayga waxa gacmaha igasoo baxay nabaro canbaar oo kale ah mna ahan waa qalalanyihiin wan xoqayaa cuncun waaye jirkana intisa lle waxa moodaa in wax iraacraacayaan marka ma keeni karaa sanborku mise waa wax kale.
shukran


 

Su'aal: Waxaan leeyahay sanboor saa'id ah?

Started by Minyaa120Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7372
Last post March 18, 2019, 01:56:18 AM
by Deqacadey
Su'aal: Sanboor isu badalay xiiq?

Started by Msaxane 2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 3178
Last post March 07, 2020, 11:59:54 PM
by Msaxane 2