Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Shahwada oo dabada ka timaado, Maxaa keeno?

(1/1)

Duurgube:
ascwrwb walaal walaal waxaan ahay nin da,aada 40 jir ah magaceyguna waa cali  xaas leh waxaan isku arkay xanuun mar aan xaaska gogosha ku kulano ka bacdiya oo oon garan waayey meesha uu xiga ma qanjirbaa mise waa kaadiheysta isticmaalkeygu waa caadi .biyo fudeyd aanan lahaa jirin .iyo inaan mararka qaar ku arko saxaradeyda biyahii raga iyo dhiig wada socda ilaa hadana waan garan la,ahay  meel aan u raaco

SomaliDoc:
Waxaad u baahan tahay in saxarada lagaa baaro, ma dhacdo in shahwada ay dabada ka timaado, waxa aad aragtay waxay noqon karaan axal "mucus" oo calaamad u ah infekshanka caloosha, khaas ahaan hadduu la socdo dhiig.

La xiriir takhtar si lagaaga daaweeyo cillada saxarada ka muuqato, kadib haddii ay sii jiraan cabashooyinka kale ee aad dareemayso waad na soo weydiin kartaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version