Author Topic: Su'aal : Jarees aan ka dareemaa lugaha iyo dakarka?  (Read 24803 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Mohamed12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal : Jarees aan ka dareemaa lugaha iyo dakarka?
« on: March 19, 2015, 09:29:57 AM »
Asc dhamaan bahda caafimaadka webkaan waa idin salaamay
salaan kadib
waxaan lugaha iyo dakarka  kadareemaa jarees oo aan moodo iney wax kudhex soc socdaan una badan lugta midig marka waxaan doonayaa cudurkaas magaciisa iyo daawadiiisa


                            mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal : Jarees aan ka dareemaa lugaha iyo dakarka?
« Reply #1 on: March 21, 2015, 04:14:01 PM »


Jarees ama gariir laga dareemo lugaha ama xubinta taranka, waxay ka timaadaa cillad murqaha ah oo loo yaqaano "Fasciculation", waxaa arrintaaan loo yaqaannaa "Dubaaxin". waxyaabo badan ayaa keeni karo, marmarka qaarne si dabiici ah ayay iskaga dhacdaa, wayna baaba'daa oo wax laga walwalo badanaa ma ahan.

Murqaha oo dubaaxiyo waa wax arrin la xiriirto neerfaha quudiyo murqaha dubaaxinayo, waxaa badanaa laga dareemaa indhaha, waxaana la dareemaa jarees baalsha kore ama hoose ee indhaha, waxayna dhacdaa markii isha juhdi dheeraad ah la saaro ama in muddo ah la horfadhiyo computerka, akhriso qoraal aan uga hadalnay arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6257.0.html

Waxaa kaloo laga dareemi karaa garbaha dhexdooda, bowdyaha iyo murqaha kubka, midda jirka hoose waxay ka imaan kartaa in jirkaaga ku yaryahay waxyaabaha nafaqada leh sida kaalsiyam-ka, bootaasiyam-ka iyo maadada magnesium-ka.

Waxaa kaloo keeni karo caajis iyo daal murqaha ah iyadoo muddo la adeegsaday sida in la lugeeyo waqti dheer, in la sameeyo siigo ama galmo xiriir ama in jaranjaro orod lagu fuulo iyo wixii murqaha si dhakhsa ah u daalin karo.

Waxaa kaloo cilladaan isku arko dadka qaba welwelka iyo stress-ka, taasne waxay ka timaadaa kacsanaanta neefaha, qorka cilladaan haysane jirka oo dhan ayuu ka dareemi karaa inuu dubaaxinayo, sidoo kale daawooyinka qaar way keenaa dubaaxinta qeybo ka mid ah jirka.

Arintaan ma ahan wax laga walwalo ama dhakhtar loo aado, waxay socotaane waqti kooban, kadibne way iska baaba'daa, waana wax aad ugu badan bini'aadanka.

Haddii aad dareensan tahay in cilladaan ay joogto kugu tahay ama ay ka soo darsanayso ama aadan aaminsanayn in daal iyo nafaqo la'aan la xiriirto, fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha, ama igala soo xiriir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !

Started by MuhaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 30401
Last post November 01, 2011, 09:57:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9480
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun Iga haysta Gacmaha murqahooda iyo Bowd-yaha Lugaha

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 28510
Last post May 07, 2011, 09:17:44 AM
by Abdirizak
Xinjirowga Xididada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Qaliinka

Replies: 0
Views: 83550
Last post September 02, 2008, 09:48:55 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraan nabaro ka soo baxa lugaha xiliyada qaboob ka?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9122
Last post November 01, 2011, 10:14:08 PM
by SomaliDoc