Author Topic: Su'aal: Urtii ayaa sanka ka guurtay caabuq ka dib?  (Read 3618 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ina haybe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Urtii ayaa sanka ka guurtay caabuq ka dib?
« on: March 20, 2015, 08:53:21 AM »
S.c wllo walidkay aya so codsaday suuashan marku maclumadka maqlay wllo hooyaday aya yaraanteedi ku dhacay san cabuuq say ii sheegtay dawo fiican may helin barigaas hada waxa damqashi ama xanuun malaha lkn wllo wax  urintiiba ka  ka guurtay oo dalqada melahasay in yara wax ka u risaa lkn sida dadka cadiga aha wax uma uriso awal xanuubka ka hor cadibay dareemada wax uriya u ahaayen hadaba wllo somalia way joogta wax dawoo ah ama urtaas so celinaya ma jiraaan ama xal lo heli karo arinkaas.jazacumulahu khyran




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Urtii ayaa sanka ka guurtay caabuq ka dib?
« Reply #1 on: March 21, 2015, 04:37:29 PM »
Dhibaatooyinka caabuqa sanka waxaa ka mid ah in dareenka urinta uu ka guuro sanka, waana dhibaato ay ka sheegtaan dadka muddo badan xanuunkaan hayay oo aanan iska daaweynin.

Ma jirto daawo soo celinayso urinta, laakiin waxaa hubsiino u baahan in caabuqaan dartiis urinta u guurtay ama sabab kale oo la xallin karo in ay jirto ee fadlan qofka xanuunsan la xiriirsii takhtar.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: