Author Topic: Su'aal: Gaaska ma leeyahay midabkaaga oo qayirma?  (Read 3720 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abuuyuusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gaaska ma leeyahay midabkaaga oo qayirma?
« on: March 24, 2015, 06:50:55 PM »
asc  waxaan rabaa in aan waydiiyo taqaatiirta sharafta leh maleeyahay gaaska midabkaaga oo qayirma oo uu koro madoow yarmarka uu saai d kuu qabto maxaase keeni kari midabkaaga oo qayirma malaga yaaba in aan daawooyinka aan qadanayay sabab saday sida kuwa antibiyootikada ama gaaska aan u isticmaalay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gaaska ma leeyahay midabkaaga oo qayirma?
« Reply #1 on: March 30, 2015, 02:05:32 PM »
Jirka midabkiisa oo badalmo waxay calaamad u noqon kartaa xanuun kasta, hadduu qofka aad u xanuunsan yahay, dhaldhalaalka jirkiisa wuu badalmi karaa, boorboor ayaa fuuli karo ama midabka ayaa mugdi gali karo, daawada laftirkeeda way dhici kartaa hadii ay tahay daawo awood leh muddane aad qaadanaysid ama daawo waxyeeladeeda ka mid tahay in maqaarka ay badasho.

Laakiin haddii aad ka wadid in meelo jirka ka mid ah uu haar fuushay ama madow jirka kale ka badalan ay yeelato, waxaad u baahan tahay in aad ku laabatid takhtarkaagii si uu kaaga fiiriyo waxaan kugu soo kordhay inuu xanuun kale yahay ama daawada aad allergy ku noqotay.

Gaaska wuxuu ka mid yahay xanuunada keeno kor qallaylka, hurka iyo midab daboolka, khaas ahaan hadduu yahay nooca ay keento bakteeriyada loo yaqaano H.pylori, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?

Started by Maajid DalabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6091
Last post July 21, 2017, 07:37:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: kala dambeynta biyo-baxa lamaanaha saameyn ma ku leeyahay uureynta?

Started by Suldan10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16354
Last post March 10, 2012, 02:06:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23022
Last post January 11, 2011, 10:28:07 PM
by SomaliDoc
Su?al: Maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10196
Last post March 03, 2011, 01:25:49 AM
by Dr. Acromion
Su'aal: Urinary Tract Infection Xiriir Mala leeyahay Sonkorta?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15299
Last post September 21, 2011, 03:34:30 PM
by SomaliDoc